RSS

Beledxaawo

24 Apr

Beledxaawo – Heesihii siddeetanaadkii

Binti Cumar – Garnaqsi

Barbaarta yarkaan ka eegtay
Wiilkii isha iigu baaqay
Inankii caashaqa aan beernee
Anigu baaqbaaq ku raacay

Anoo beled-xaawo jooga
Muxuu bari iiga yeeray
Kolkaan Boosaaso gaaray
Muxuu Burco iiga heesay

Anoo  Beero sii maraaya
Hadduu badda doon ka raacay
Inuu been ila jilaayey
Adaa boqorow ogaaye
Ibixiyoo  iga badbaadi

Haddaan bogsadoon ka raysto
Sidaan uga booday caashaq
Jacaylba haddaan u booyo
Haddaan nin danbe u baroorto
Haddaan baxsanow iraahdo
Aniga balaayaba hayga raacdo

Baxdowga ninkaan u qaatay

Jacaylkii beri samaadka

Bishaarada iigu yeereen

Bilkhayrkana ugu jawaabay

Yarkii bahda ii fariistay

Yarkii beerkayga saafay

Yarkii bogga ii salaaxay

Inaanan baraarugaynin

Markuu ka bogtuu ogaaday

Hadduu beddel iigu jiiday

Inuu bohol ii qodaayey

Adaa boqorow ogaaye

Ibixiyoo iga badbaadi

Haddaan bogsadoon ka raysto
Sidaan uga booday caashaq
Jaceylba haddaan u booyo
Haddaan nin danbe u baroorto
Haddaan baxsanow iraahdo
Aniga balaayaba hayga raacdo

 
Leave a comment

Posted by on April 24, 2015 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: