RSS

Waan Yaabbanee!

25 Jan

Suugaantii Tarabi:

Sida yool hayaan
Yam yidhoo abaar
Looga dhigay yagleel
Yufle oo qabow
Dhaxan yalax leh baan
Ku yaboohiyaa
Sida yala tukaan
Hadba kayn yuka ah
Yuuqyuuqsadaa
Waan yaabbanee
Siduu iigu yimi
Yax ma idhi jacayl
Yarow aragtidaa!

Sida geel yukamay
Yibladoo harraad
La yahoomayoo
Ceelkuna yalool
Yahay biyo yaraad
Yuudaadsadee
Sida yala tukaan
Hadba kayn yuka ah
Yuuqyuuqsadaa
Waan yaabbanee
Siduu iigu yimi
Yax ma idhi jacyal
Yarow aragtidaa!

Yeey iyo yaxaas
Wada yeedhayaan
Ka dhex yuubanoo
Cirkoo yagal ka kacay
Daruur yugataybaan
Debed yuururaa
Sida yala tukaan
Hadba kayn yuka ah
Yuuqyuuqsadaa
Waan yaabbanee
Siduu iigu yimi
Yax ma idhi jacayl
Yarow aragtidaa!

 
Leave a comment

Posted by on January 25, 2015 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: