RSS

Anigu ma ahi Charlie Hebdo

12 Jan

Anigu Charlie Hebdo ma ahi. Anigu ma raacsani xorriyatulqawl keenaya in diimaha guud ahaan afdheer oo minshaar ah lala galo. Aniga la iguma khasbi karo in aan la jiro cid Nebigayga aan jecelahay shactaro iyo aflagaado rakhiis ah kala xishoon weyday. Anigu ma taageersani, xaqna la iiguma laha in aan taageero, caddaalad ka aamusaysa bulsho dhan oo la halaagay laakiin u kacaysa 12 waxshi oo khalkhal geliyay wada noolaanshaha ummadaha dunida. Anigu kuma qanacsani doodda odhanaysa Yurub Islaam kuma noolaan karo. Anigu waxa aan qabaa in Islaamku yahay xaqiiqo jirta jirina doonta oo ay tahay in ay reer Yurub shifo ku afsaaraan. Anigu waxa aan aaminsanahay in Islaamku yahay diin nabadgelyo, barwaaqo iyo wada nolaansho. Anigu ma aaminsani warbaahinta nooceeda indhosarcaadka iyo khiyaamada miidhan ah. Anigu cidna falka ay samayso cid kale wejiga uguma dhabooqo. Aniga qur’aankaygu waxa uu leeyahay “nafna naf kale denbigeeda looma xanbaariyo”. Anigu odhan maayo falka uu masiixi ka sameeyo dunida dacalladeeda waxa masuul ka ah diinta masiixiyadda. Anigu ma aaminsani felsefadda sheydaanka ee ah: nala jir ama naga jir. Anigu waxa aan ramaysan ahay duni kala duwanaanshuhu qurxiyo ee aanu qobqobin.

Sidoo kale anigu uma sacab tumayo falal aan laga fiirsan dhibaatada ay keeni karaan. Anigu ma raacsani dad iska tukaamaysanaya in birta laga aslo. Anigu ma oggoli in cidna lagu xadgudbo diintii ay doonto ha haysatee. Anigu waan u qirayaa xaqa ay reer Yurub ku leeyihiin muslimiinta dhex deggan. Anigu Yurub waxa aan uga mahadcelinayaa wanaagga ay u gashay muslin kasta oo dalkiisa ka qaxay. Anigu waxa aan ahay muslin aaminsan: cidda aan dadka u mahad celin Ilaah na uma mahad naqdo.

Innagu waxa aynnu nahay muslimiin. Innagu ma nihin Charlie Hebdo.

 
Leave a comment

Posted by on January 12, 2015 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: