RSS

Cabdiraxmaan Xuseen iyo Edward Said

01 Jul

Dhowr sano ka hor ayaa Maxamed Cumar Carte waxa uu Hargeysa ka sameeyey xarun la yidhaahdo Centre for Public Policy. Daraasadaha ay samayso ka sakow, waxa uu soo diyaarin jirey barnaamij aan aad ugu xidhnaa si weyn na ula dhacay. Waxa uu ahaa dadaal aanan hore ugu arag aqoonyahan kale oo dalka deggen. Galab kasta oo Jimce ah waxa uu xarunta ku marti qaadi jirey qof waxgarad ah. Dadkaasi waxa ay u badnaayeen kuwo debedda ka soo laabtay oo gedihiisa ah ama ka weyn. Halkan horteed isma aan lahayn dad sidan u heersarreeya ayaa innagu jira.

EdwardSannadahaa hortood yar ayaa waxa aan bartay aqoonyahan waxgarad ah oo u dhashay dalka Falasdiin oo lagu magacaabo Edward Said. Edward aabbihii oo u dagaallamay ciidammada maraykanka darteed, ayaa waxa la siiyey dhalashada dalkaas. Sidaas ayuu fursad ugu helay in uu ku koro wax na uga barto maraykanka. Markii uu Harvard ka qaatay shahaadada sare ee PhD, waxa uu sannadkii 1963-kii ku biiray bareyaashii kulliyadda English-ka ee jaamacadda Columbia. Halkaas waxa uu ku ibo furay aragtidiisii Orientalism, 1978 ee markii danbe noqotay dhadhaarrada cilmiga maanta loo yaqaan Post Colonialism Studies. Buuggiisani waxa uu noqday codka ugu xoogga badan ee la dhegaysto marka laga hadlayo waxa loo yaqaan Subaltern (aragti daraasaysa dhaxalka gumeystuhu kaga tegay dhulkii uu gelelefay oo ay maanta hoggaamiyaan aqoonyahanno reer Aasiya ahi). Orientalism waxa uu noqday dhirbaaxo wejiga si xooggan ugaga dhacday imbaraaliyadda doobinaysa ee reer galbeedka ilaa iyo maanta na lama hayo cod la quwad ah oo ka soo baxay gumeystayaasha.

Innagu soo celi Hargeysa iyo Centre for Public Policy. Mid ka mid ah jimceyaashii xarunta ayaa waxa lagu martiqaaday oday soomaali ah. Oday deggen oo si caadi ah u lebbisan. Cabdiraxmaan Xuseen waa aqoonyahan in badan wax ka dhigayay jaamacadda Tennessee ee dalka maraykanka. Waa oday aayar hadlaya oo kelmadaha si taxaddir leh u dooranaya. Waxa aad mooddaa in uu dhul wada qodax iyo qarjaf ah cagaag ku marayo. Waxa uu ka hadlayo in yar ayaa fahmaysa ama mayee cid naba ma fahmayso. Hadalkiisu waa waaddix aan caad saarrayn haddana lagu wareerayo. Waa wada falsafad iyo ereyo halxidhaale ah. Waxa uu eegayaa dhallinyarta horfadhida oo uu doonayaa in uu wax fahamsiiyo haddana wuu ka lalsan yahay oo eegayaa xaggaa iyo dhul fog. Waxa uu arkayaa cid aan innaga ahayn. Waxa uu la doodayaa mid jooga Galbeed guntii. Waxa ay isku murugsan yihiin qaar ka soo jeeda Brazil. Waxa ay gacmaha is haystaan kuwo innoo eg oo ka soo gacan haadinaya Hindiya. Waxa ay maryo dhiigle kala furanayaan mid madow se sinjiga lala loollamayo gunta ka ah. Waxa gubaya aragtiyo badan oo wakhtiga uu haystaa kabbasho u ahayn. Waxa aad arkaysaa in uu xanaaqsan yahay haddana ma garanysid cidda iyo waxa uu ka xanaaqsan yahay.

Alla necebaa imbiriyaalliyadda. Alla muxuu xumaan ku arkay reer galbeedka. Malaha heer gaar ah marka la gaadho ayaa sidan loo nacaa reer galbeedka innaga innala quruxda badan. Haa, haddii aanu necbayn waxa uu qaadan lahaa baasaboorkooda oo nolol la mid ah ta ay ku jiraan qayrkii iska geli lahaa. Haa, waa kii diiday in uu sharcigooga qaato ee baasaboor soomaaligii xilligii ardayga uu ahaa uu ku tegay ku joogay intii oo dhan. Jacayl lama uu dhex joogin ee waa uu dersayay. Markii ay kari waayeen na waa ay ka soo saareen oo u hanjabeen. Ceeb! Oo xorriyaddii fikirka iyo qawlku mee? La joojiyaana bannaan la jiifiyaana bannaan.

AbdirahmanCabdiraxmaan waxa uu qoray mid ka mid ah dhiganayaasha ugu qiimaha badan ee ilaa maanta laga qoray dhaxalkii Edward Said. Sannadkii 2002 ayaa uu soo saaray buuggiisa uu dunida wax akhrida caanka kaga noqday ee Edward Said: Criticism and Society. Cabdiraxmaan waa mufakir fac weyn oo aan Afrika oo keli ahi ku faanin ee bariga dunida oo dhan hanti u ah. Gu’iisa shaalka ah iyo hangoolkiisa ayuu iska qaataa galabtii markaasuu Hargeysa iska dhex mushaaxaa isaga oo la tamashlaynaya Antonio Gramsci, Edward Said iyo tobannaan kale oo la miisaan ah.

Sida Dr. Xuseen Bulxan loogu xasuusto Frantz Fanon ayaa Dr. Cabiraxmaan Xuseen na loogu xasuustaa Edward Said. Sida labada ajnabi u yihiin dabaqadda sare ee aragtida Post colonialism-ka ayay labada soomaali na u yihiin dabadaqadda ku xigta ee aan marnaba laga maarmi karin.

 
Leave a comment

Posted by on July 1, 2013 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: