RSS

Xuseen Bulxan iyo Frantz Fanon

25 Jun

Afeef

Habeen aan isha iska marinayey qoraal uu leeyahay aqoonyahan maraykan ah oo social work-ga wax ka qora, Jack Carney, ayaan si kedis ah ugu arkay odhaah uu ka soo ergistay Dr. Xuseen C. Bulxan oo uu bil gelinayo a Sudanese Psychiatrist. Markii aan qormadii isha ka qaaday ayaan u diray dhanbaal baraarujin ah: waar bi’i waaye ninku waa Soomaali. Daqiiqado dabadeed waxa uu soo qoray: “You’re correct. My error. Thank you. Understand he’s returned home. Is that true? Are you in contact with him? If so, please convey my warmest regards … he’s brought Fanon into today’s world”. Faan weynidayda waxa aan ku idhi waa adeerkay! Bariidadaa diirran na anaa kaa gaadhsiin. Markaa qormadan yari ma aha daraasad ee waa baraarujin ku saabsan meeqaanka diktoorkeenna.

Fanon

Oh my body, make of me a man who always questions”

—Fanon, Black Skin, White Masks

Frantz Fanon waxa uu noolaa 1925-1961. Waxa uu ka dhashay qoys dabaqadda dhexe ah oo degganaa Martinique, jasiirad yar oo Faransiisku gumaystay. Gugii uu 18 jirsaday ayuu la saftay ciidammadii Faransiiska ee dagaalkii labaad ee adduunka. Markii dagaalkii lagu kala foodqaaday waxa uu iska degey Faransiiska oo uu jaamicadda Lyon ka bartay dhakhtarnimada iyo cilmiga maskaxda. Xilligan waxa u bilaabmay halgan markii hore ka dhex bilaabmay naftiisa diirka madow sudhan iyo caddaankan uu dhex joogo, u dagaallamay, ka guursaday wax na ka baranayo ee quudhsiga iyo islaweynida miidhan ah. Waxa uu bilaabay qoraallo siyaasadeed iyo nafsadeed. Waxa uu si dhow u fahmay nafsiyadda caddaanka gumaystaha ah iyo ta la gumaystaha dulmanaha ah. Waxa uu qoray maqaallo taxane ah oo uu u bixiyey “Quudhsiga Madowga” markii danbe se noqday buuggiisii u horreeyey ee la baxay “Peau Noire, Masques Blancs (Dub madow, Qafis cad)”. In kasta oo uu wakhti aan badnayd ku soo laabtay bartii uu ku dhashay markii uu waxbarashada soo dhammaystay ka dib, hadda na mar na ba ma dareemin nasasho iyo deggenaan toona. Waxa uu u rixlaystay Aljeeriya oo ka shaqo galay hosbitaal ku yaallay Aljeeriya. Halkan waxa uu ka bilaabay halgan hor leh. Waa halgankii gumaystaha Farasiiska lagaga saaray Aljeeriya.

Fanon muddadaa yar ee uu noolaa waxa uu ka tagay dhaxal dufankiisu ilaa maanta sii qoyan yahay. Waxa uu dhidibbada u aasay fahanka nafsiyadda gumaystaha iyo la gumaystaha. Waxa uu ahaa halgamaa, dhakhtar, filasoofar iyo aragtiyahan hodmiyey fahanka nafsiyadda gumaystaha iyo gumeysi diidka dadka madow.

BulxanQofkaas aan sooyaalkiisa gaaban ee haddana hodanka ah inta yar ka taataabannay, ayuu Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan dunida dib u soo xasuusiyey. Shahaadada sare ee PhD da waxa uu ka qoray Fanon taariikh nololeedkiisii iyo halgankiisii fikir iyo fal ba. Buugga Bulxan—Frantz Fanon and the Psychology of Oppression, 1985—waxa uu si gaar ah u dhuuxayaa nolosha Fanon iyo aragtidiisa naqdiga ah ee uu cilmi nafsiga gumaystaha ku eegayo. Waxa kale oo Bulxan khuseeyaa waa aqoonyahanka kale ee u dhashay dalka Koonfur Afrika, Hendrik Frensch Verwoerd, oo isla dawgaas Fanon ka maray cunsirayaddii ka jirtay dalkiisa. Qayb ka mid buuggiisa, Dr. Bulxan waxa uu jilbaha u aasanayaa naqdinta qadaadyo-weynta cilmi nafsiga sida Sigmund Freud.

Maanta lama suuraysan karo Fanon iyada oo aanu maskaxda ku soo dhicin Bulxan. Gogoldhigaha buuggiisa, Chester M. Pierce -Harvard Medical School/Harvard Graduate School of Education,  ayaa odhanaya:

At minimum, this book will challenge and broaden traditional approaches to the management of oppressed and victimized people. It should stimulate new thinking about the premises of cross-cultural healing. In my opinion, Fanon would be proud and pleased at Bulhan’s sensitive efforts to understand and to extend the legacy that Fanon himself left for all the world.

Bulxan waxa uu hordhaca buuggiisa ku yidhi:

In reality, few human encounters are exempt from oppression of one kind or another. For by virtue of our race, sex, or class, each of us happens to be a victim and/or perpetrator of oppression. Rasicm, sexism, and class exploitation are the most salient forms of oppression in the comtemporary world. But there also exists oppression on the grounds of religious blief, political affiliation, national origin, age, and physical and mental handicap.

Bulxan marka cilmi nafsiga la joogo waa buurtaa cirka ku shareeran ee aan la hawaysan karin. Waa cimlaaqaa ka soo jeeda qaaradda Afrika ee xanbaarsan waayeheeda iyo wacaalaheeda. Ma aha soomaali keli ah, mana aha afrikaan keli ah, mana aha muslin oo keli ah ee waa dhaxalside garbaha kaga taagan camaaliqadaa qarniyada soo taxnaa. Bulxan waa aqoonyahan la bilkeedey…dad aan innaga ahayn ayuu u tirsan yahay oo uu baal dahab ah ugu jiraa.

Laakiin Bulxan innooma baahna. Caddaan iyo madow, cid kasta oo barata cilmunafsigu buuggiisa ayay sida macaanjecesha ugu xoonsan yihiin oo magaciisa milgaynayaan. Innaga ayaa u baahan in aan ku faanno oo Soodaani ma ahee waa Soomaali kor u nidhaahno.

Tixraacyo:

1.  Frantz Fanon and the Psychology of Oppression, 1985

     Hussein Abdilahi Bulhan

2.  Internet Encyclopedia of Philosophy: http://www.iep.utm.edu/

 

 
Leave a comment

Posted by on June 25, 2013 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: