RSS

Turkiga: Baroortu orgiga ka weyn!

15 Jun

“Laba toddobaad oo idil ayay dadka turkiga ahi sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biyaha xoogga badan shafka iyo wejiga u dhigayaan. Way gadoodsan yihiin oo waxa ay diiddan yihiin kelitaliyaha dimuqraaddiga ah ee Rajab Dayib Ordogaan. Waxa ay ka biyo diidsan yihiin in turkiga cilmaaniga ah ee xorta ahi dib ugu noqdo islaamnimo dibusocod ah iyo kelitalisnimo laga tegay. Waxa ay ka soo maagayaan xisbiga AK iyo siyaasadihiisa qoorqabadka ah ee uu dadka xorta ah ku sandullaynayo. Waxa maanta Turkiga ka dhacayaa waa bog ka mid ah bogagga kacdoonnada ka dhacaya dunida carabta”.

Arrintu ma sidaas baa? Ma in xisbiga AK islaaminayo turkiga oo uu horumar la’aan iyo dibudhac dhaqaale sababayaa? Ma in Ordagaan kelitalis macangag ah oo aragtiyo abaaday ku dhegsan yahay baa?

Maya. Maya. Xaqiiqadu waa sidan:

Waxa la rabaa Ordogaan laftiisa*

Ismaaciil Yaashaa — qoraa turki ah.

Dibedbaxyada iyo dhacdooyinka isxagxagashada ah ee maalmahan ka socda turkigu ma aha kuwo ka dhashay ilaalinta dhirta iyo degaanka toona, mana aha safmar lagu doonayo ballaadhinta xorriyadaha ee waa iskuday inqilaab oo si toos ah ugu aaddan Raysalwasaaraha turkiga—Rajab Dayib Ordogaan. Waxa se ay ku soo beegantay xilli ay kacdoonno waaweyni ka dhaceen dunida carabta. Dibedbaxyadani waa kuwo abaabulan loona ekaysiiyey kacdoonnadii carabta. Sidaas ayay qabaan dadka taageersan Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka iyo weliba muxalliliin badan oo turki ahi.

Isku dhacani waxa uu ka bilaabmay ka dib markii ay xukuumaddu ku adkaysatay mashruuc suuq dukaamaysi lagaga dhisayey qalcad gabowday oo Cusmaaniyiintii sameeyeen kuna taal xaafadda Taksim ee Istanbuul. Dawladda Hoose ee Istanbuul waxa ay ku guuldarraysatay in ay ra’yulcaamka ku qanciso ujeeddada dhismaha, waxana bilaabmay mudaharaadyo ay markii danbe booliisku xoog ku kala firdhiyeen. Arrintani waxa ay ku soo beegantay xilli ay mandaqadda dhacdooyin xasaasi ahi ka socdaan, sida: mawqifka turkiga ee ku aaddan kacdoonka Suuriya ee aan marnaba isbeddelin, koboca dhaqaale ee la yaabka leh ee turkigu kaga koray dal IMF-ta u daymaysan iskuna rogay dal deyn ku leh, heshiiska nabadeed ee xisbiga AK la saxeexday Xisbiga Kurdistaan oo muddo 30 sano ah shiiqinayey awoodaha dhiig iyo dhaqaale ee turkiga.

Boolant Orac Oogloo, madaxii hore ee sirdoonka turkiga, ayaa waxa uu lee yahay “Xisbiga Kurdistaan waxa uu dawlado badan oo Yurub ah  ku lee yahay 60 Bilyan oo Dollar. Xukuumadda Oordagaan waxa beryahan ba wadday mashruuc ay lacagahaas dib ugu soo celinayso dalka turkiga dhexdiisa. Haddii ay dadaalladaasi u hirgalaan oo hal mar lacagtaas lagala baxo dawladaha ay taallo, dhaqaalaha Yurub si xun ayuu afka dhulka ugu sii jiidayaa. Sidoo kale Agaasimaha TV 24, Yaqiit Booloot, waxa uu qabaa in Jarmalku waayadan ba cadaadis xoog ah ku hayay mashruuc magaalada Istanbuul lagaga dhisayo gego saddexaad taas oo ay shirkadda diyaaradaha ee Lufthansa u aragto in uu suuq badan u samaynayo diyaaradda Turkish Airways ee ay tartanka xooggan ku wada jiraan. Sidoo kale Ingiriisku waxa uu dhowr bilood ba ku hawllanaa sidii loo joojin lahaa mashruuca “Gacanka Istanbuul” oo haddii uu dhammaado noqon doona biyo mareen isku xidha Badda Madow iyo Badda Marmara.

Dhinaca gudaha, maxkamadda Anqara waxa ay oggolaatay in ay dib u dhagaysato dacwadda farogalintii milatariga ee Febraayo 28, 1997 taas oo 103 qof oo uu ugu horreeyo janankii ciidammada ee xilligaa, Jan. Ismaaciil Xaqi Kaaraadaayi, lagu soo eedeeyey iskuday inqilaab. Qaddiyaddaasi oo loo bixiyey “Qaddiyaddii Orginiikoon” waxa ay galaafatay madax badan oo ka tirsanaa ciidammada qalabka sida. Dadka arrimaha turkiga ka faalloodaa waxa ay sheegayaan in la gaadhay xilligii lala xisaabtami lahaa dadkii sida dadban uga qayb qaatay sida: saxafiyiinta iyo ganacsatada. Waxa jirta cabsi ah in kuwaas laftooda sharcigu qaban doono. Halkaas waxa aad ka arkaysaa sababta ay saxafiyiinta iyo ganacsatada qaarkood isu garab taageen dibedbaxyada hadda socda.

Dhacdooyinkan danbe awgeed, taageerayaasha AK waxa ay qabaan in Ordogaan yahay dulmane ay cayrsanayaan “dawladda gunta dheer”** iyo “quwado dibadeed” oo aan turkiga la rabin wanaag. Waa sababta ay taageerayaashiisu ugu xoonsan yihiin raysalwasaaraha. Waxa ay lee yihiin: waxa aad hore disheen Cadnaan Mandariis, waxa kale oo aad sumayseen Toorgoot Awsaal…hase yeeshee markan idiin oggolaan maynno in aad Ordogaan far saartaan”.

Waxyaabaha kale ee raysalwasaaraha lagu haystaa waa in uu islaaminiyo turkiga calmaaniga ah. Waxa uu mamnuucay in khamriga lagu cabbo goobaha bulshada iyo in aan goobaha qaar lagu iibin karin. Waxa ay ku eedaynayaan in uu duminayo dhismaha Golaha Dhaqanka ee Ataaturk.

Dawladaha Yurub qaarkood waxa ay hadda bilaabeen in ay tallaabooyinka oo kale sameeyaan. Magaalooyinka Jarmalka qaarkood waxa laga mamnuucay in khamriga lagu cabbo tareennada dhexdooda. Kuwani ma waxa ay u socdaan in Jarmalka la islaameeyo? Golaha Ataaturk ee ay sheegayaan waa dhisme foolxun oo dumi raba. Dawladda Hoose ee Istanbuul waxa rabtaa in ay ku beddesho dhisme cusub oo casri ah oo isla magacii sita: Golaha Dhaqanka ee Ataaturk!

…Ugu danbayn, xitaa haddii aan ka soo qaadno in waxyaabaha laga yidhi Ordogaan u eg yihiin kuwii hortii laga yidhi Bashaar iyo Qaddaafi, yaynnaan illaawin in kacdoonnada carabta ujeeddadoodu ahayd sidii ay dadku u heli lahaayeen sanduuqa codaynta si uu codkiisa u yidhaahdo. In ujeeddadaa la xaqiijiyaa turkida uga ma baahna kacdoon ee waxa ka xiga lix bilood oo keli ah si ay xilliga doorashada codkooda u dhiibtaan..

http://alasr.ws/articles/view/14389

*Qormadu intan waa ay ka dheer tahay; waxa aan ka soo qaatay intii mucda ahayd.

**Dawladda gunta dheer: waa magaca kale ee kooxdii soo abaabushay inqilaabkii dhicisoobay.

 
Leave a comment

Posted by on June 15, 2013 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: