RSS

Dumarka iyo Maamulka: Xukunka Shareecada Islaamka

24 May


Sideedaba doodda ah gabadhi madax ma noqon kartaa waxa ay bilaabantay xilli danbe oo fahanka diinta iyo u fiirsiga axkaamta sharcigu ummadda gabaabsi ku noqdeen. Waagii hore, saxaabadii iyo dadkii wanaagsanaa ee ka danbeeyey, laba cali kuma wada hadal xaawaley xukun ma u dhiibannaa. Baadh oo dib u eeg sooyaalka dheer ee muslimiintu leeyihiin; xitaa xilligii ay Dawladda Islaamku fadarada noqotay ee boqortooyooyinka iyo jibsinnada loo kala jajabay. Marnaba arki maysid gabadh baadhasaab noqotay ama maxkamad ummadda ku kala saartay. Nebiga (scw) iyo afartii khulafo ee ka danbeeyey ba midkood na lama soo sheegin in uu gabadh xukun u dhiibay. Waayo? Meel cad ayuu Islaamku ka istaagay arrintan. Iyada oo kooban eeg caddaymaha hoose ee tibaaxaya in aanay diintu oggolayn gabadh xeerbeegti ah:

  1. 1.      “Adiga hortaa, rag aan u waxyoonnay mooyee cid kale ma aannaan soo dirin” Suuradda Yuusuf, 109. Iyo “Raggu iyaga ayaa dumarka majaraha u haya; waxay ku noqotay wax Rabbi dheeraysiiyey iyo jeeb-sarrayntooda” Suuradda an-Nisaa, 34. Iyo “Raggu dumarka baac ayay dheeryihiin” Suuradda al-Baqarah, 228.

Aayadda hore waxa aad arkaysaa in aan Ilaahay abid soo dirin Rasuul gabadh ah. Dhammaan waxa ay ahaayeen rag waxyi lagu lammaaneeyey. Aayadda labaad na waxa ay si cad u sheegtay in ay ragga talada adduun ka go’do sababo ay ka mid yihiin dheeraad Rabbi siiyey iyo jeeb roonaantooda. Aayadda saddexaad na waxa ay tibaaxday taabbudnimada in la fahmo derejada Rabbi is dheeraysiiyey ragga iyo dumarka. Kolkaa, waxa garaadka qummani u toog-helayaa xikmadda ah in sida aanu Ilaahay ba Rasuul gabadh ah u soo dirin ay u tahay in aan loo dhiibin maamulka guud iyo ka talinta masiirka ummadda. Maaraynta adduun waxa iska leh cidda Ilaahay ku aaminay farriintiisa…ragga. Iyaga ayuu derejo dhaafiyey dumarka, iyaga ayuu gadhwadeen uga dhigay, iyaga ayaa u abuuran u dhabar-adaygga xilka, u dhibirsanaanta maxasta iyo u dul lahaanta dhiillada.

  1. 2.      Xadiis uu Bukhaari ku soo saaray Saxeexiisa—4425,7099—waxa uu Nebigu (scw) yidhi: “Ma guulaysto duul arrintooda ruux dumar ah u dhiibtay”.

Xadiiskani waxa uu si aan hummaag lahayn u tilmaamayaa in aanay dumarka u bannaanayn qabashada majaraha ummaddu. Xitaa, sida uu Nisaa’i ku sheegay cutubka garsoorennimada, uma bannaana in ay gabadhi garsoor noqoto. Sidaas ayay ramaysnaayeen dadkii hore ee wanaagsanaa iyo kuwii danbe ee raacay ba.

  1. 3.      Tirmidi waxa uu weriyey in Nebigu (scw) yidhi: “gabadhu waa cawro, haddii ay baxdo sheydaanka ayaa daba-gala”, Tirmidi waxa uu sheegay in uu xadiisku yahay mid fayow oo la hubo—eeg Irwaa’ al-Qaliil 273.

Shareecadu dumarka xijaab ayay fartay. Waxa ay amartay in aanay ragga dhex gelin, goleyaashooda na ka yooyootamin. Waxa ay diintu dumarka amartay in ay dhowrsoonaadaan, raad yaraadaan oo shanqadh tirtaan marka ay baxayaan. Waxa ay amartay in aanay af-dheeraan oo aanay ragga la duryamin. Waxa ay u sheegtay in marka ay ragga wax weydiin rabaan gidaar dabadii ama maro gadaasheed cod toosan oon jilayc lahayn kaga soo tuuraan. Diintu waxa ay dumarka ku tidhi: rag badan oo kalkoodu bukaa way idin damcayaan haddaad hadalka u debcisaan ee yeyda iska jira. Sidaas ayay u waanisay. Marnaba kuma ay odhan: yaaca oo botoriya. Orda oo ragga wax ka dhacsada. Yaan la idin badowsan. Hadduu ninku can buuxiyo idinku labadaba buuxiya, hadduu dul ka qiiqana labadaba ka qiiqa. Diintu marnaba dumarka kuma ay odhan: raggu waa cadowgiinna ee iska hora. Diintu waxa ay tidhi: waxa aad tihiin lammaane is dhammaystiraya ee mid walba dhinaciisa ha giijiyo. Diintu ragga ayay culayska saartay oo kabaallada u badisay. Diinta Ilaahay baa iska leh, dadkana isagaa abuuray. Labadaba isaga ayaa yaqaan sida ay ku hagaagayaan iyo sida ay ku ba’ayaan ba. Xadiiska sarena waxa uu sheegayaa in Ilaahii dadka lahaa u sheegay Nebigii uu dadkiisa u soo diray in aan badhaadhahoodu ku jirin dumarka oo la boqro. Waxa uu Ilaahay sheegay—isaga oo innoo soo mariyey Nebigiisa (scw)—in uu badhaadhe ka dheer yahay duul is xoonfaadhiyey oo xaawaley caleemo-saaray.

Xilku dhibtiisa ayuu leeyahay, shirarkiisa ayuu leeyahay, go’aannadiisa ayuu leeyahay, soo-jeedkiisa ayuu leeyahay, dooddiisa ayuu leeyahay oo dibad-yaalnimadiisa ayuu leeyahay. Sidee ayay u suurtoobi kartaa in intaas la ilaaliyo isla markaana la usturo cawrannimadii haweenka? Sidaas darteed, si fanto looga nabadgalo beledkuna u badbaado ayaa Islaamku faray in dumarku guryahooda ku ekaadaan. Ibnu Qayim ayaa kitaabkiisa Duruq al-Xakiimah 281, ku yidhi: “shaki kuma jiro in balaayo kastaa ka bilaabanto dumarka oo loo sahlo in ay ragga dhex galaan. Waa sababaha keena aafooyinka guud ee lagu rogmado. Waxa kale oo uu sabab u noqdaa in arrimuhu murgaan si guud iyo si gaar ahaaneed ba. Dumarka oo ragga dhexgalaa waxa ay keentaa in sinadu badato waana ta keenta in wadar-wadar loo dhinto iyo in ummadda lagu aafeeyo daacuunno is daba joog ah”.

  1. 4.      Bukhaari 1862 iyo Muslin 3272 waxa ay soo saareen xadiis uu Ibn Cabbaas  Nebiga (scw) ka weriyey: “gabadh na maxram la’aan yaanay socdaalin, nin ajnebi ka ahna yaanu u gelin iyada oo aanu maxram la joogin” nin ayaa yidhi: oo Rasuulkii Allow waxa aan rabaa in aan guuto hebel raaco oo jihaad galo; xaaskaygiina waxa ay rabtaa in ay xajka tagtee? Nebigu waxa uu ugu jawaabay: “iyada raac”.

Xadiiskani waxa uu ganafka ku dhuftay gabadh keligeed iska salaq-salaq leh. Boholo ayay ku dhici kartaa oo bahalo ayaa cuni kara, amaba mayee damac rag ayaa lagula daaci karaa. Nebigu (scw) ninkii jihaadka u socday ee dhimashada iyo la kulanka Rabbi u heellanaa waxa uu tusay in ay halkani ka mudan tahay oo fitno adduun iyo cadaab aakhiro ba lagaga baxsan karo. “iyada raac” ayuu Nebigu ku soo koobay cabashadii ninka. Sidaas ayuu Islaamku nafta iyo sharafta dumarka u dhawray oo ilaaliye iyada u heellan ugu sameeyey. Haddii nafteedii ilaaliye loo sameeyey sidee looga dhigi karaa ilaaliyaha ummad dhan?

  1. 5.      Muslim 1533 iyo Nasaa’i 783 waxa ay soo wariyeen xadiiskii ibnu Mascuud ee Nebigu (scw) yidhi: “nin shicib ahi yaanu salaad imaam ugu noqon nin madax ah, majliskiisana yaanu iska fadhiisan haddaanu ku martiqaadin”.

Xadiisku waxa uu sheegayaa in imaamka dadka salaadda tukinayaa yahay madaxweynahooga. Waxa kale oo diintu reebtay in gabadhi ay rag imaam u noqoto. Haddii gabadh madax laga dhigto, madaxduna ay tahay in ay salaadda dadka horgasho, dumarkiina la diiday in ay rag tujiyaan, salaadina taagan tahay maxaa la yeelayaa?

  1. 6.       Bukhaari 1306 iyo Muslin 2163 waxa ay soo weriyeen in ummu Caddiya ay tidhi: “markii aan heshiiska Islaamnimada Nebiga (scw) la gelaynnay, waxa uu ballan nagaga qaaday in aannaan baroorin marka balaayo dhacdo”.

Weligeedba gabadhu ha ahaato mid bir ah oo aan jixinjixin, marka ay musiibo dhacdo kama adkaysan karto in ay baroorato. Laday Tatcher waxa ay ahayd gabadhii ugu horraysay ee ra’iisal wasaare ka noqota dalka Ingiriiska. Waxa loogu yeedhaa “haweenaydii birta ahayd”. Haddana waagii ay Ingiriiska iyo Arjantiin ku dagaallameen jasiiradaha Falklands-ka ee badda lagu dejiyey mid ka mid ah doonyihii dagaalka ee Ingiriiska, haweenaydii xadiidka ahayd baroor ayaa la aamusiin kari waayey. Iyada uun ma aha ee dumarka ayaa sidoodaba beer jilayc iyo adkaysi la’aan u samaysan. Waxa is diidaya oon sinaba isku qabanayn jilayc bayoolaji ahaaneed iyo ad-adaygga marar badan maamulka looga baahan yahay.

  1. 7.      Xadiis uu soo weriyey Cirbaad binu Saariya ayaa Nebigu (scw) waxa uu yidhi: “cidda gadaashay noolaataa waxa ay arki doontaa isjiidh badan ee waxa aad ku dhegsanaataan sunnadayda iyo ta khulafadayda hanuunsan…”.

Weligeed taariikhda muslimiinta laguma soo sheegin gabadh xukun loo igmaday. Haddii wanaag iyo badhaadhe ku jiro dadkaa uu Nebigu (scw) ammaanay ayaa innooga horrayn lahaa. Ibnu Qudaama waxa uu ku sheegay kitaabkiisa al-Muqni 14/13: “gabadhu kuma habboona hoggaanka sare iyo badhasaabnimo toona, sidaas darteed ayaanu Nebiga (scw) iyo khulafadiisii iyo ciddii ka sii danbaysay toona aanay gabadh maamul ugu dhiibin—inta na soo gaadhay. Haddii ay san-bannaanaan lahayd lagama waayeen sooyaalka muslimiinta” Ibnu Qudaama waxa uu dhintay 620 hijriyada.

  1. Ummaddu waxa ay isku raacsan tahay in aanay bannaanayn in ay gabadhi noqoto hoggaan sare. Ibnu Xasmi ayaa kitaabkiisa al-Fasl 4/179 ku odhanaya: “dhammaan kooxaha muslimiinta ah kuma jiro mid keli ah oo bannaynaysa in gabadhi noqoto hoggaanka sare…” Baqawi ayaa isna Sharxu Sunnaha ku yidhi: “waxa ay isku raaceen in aanay gabadhu ku habboonayn madaxtinnimada waayo qofka madaxda ahi waa in uu soo baxaa si uu jihaadka u abaabulo, dadka u kala saaro, arrimaha murgana u kala fardaamiyo. Gabadhuna ma soo bixi karto mana samayn karto intaas hore midna waayo waa cawro oo uma bannaana in ay debedda wadhnaataa”. Sheekh Maxamed al-Amiin ash-Shinqiidi na waxa uu ku yidhi kitaabkiisa Adwaa’ al-Bayaan 1/55: “ shuruudda madaxweynennimada waxa ka mid ah in uu nin yahay, muranna kuma jiro shardigaas culimada islaamka dhexdooda”.
 
2 Comments

Posted by on May 24, 2012 in Uncategorized

 

2 responses to “Dumarka iyo Maamulka: Xukunka Shareecada Islaamka

  1. Tuke

    June 17, 2012 at 8:38 PM

    Xadiisku waa soowarin banii-aadan ah oo aanan ka imaanin xagga Eebe; wuxuu ka mid yahay taariikh walba (af iyo qoraal) ay banii-aadanku kaga hadlaan dhacdooyinka waawayn ee ku saabsan sooyaalkooda iyo iwm. Marka, waa danbi in loola dhaqmo sidii isagoo ahaa erayada iyo falka Nabiga Alle (NNKH).
    Xadiisku waa dhibka ugu wayn ee ka horistaaga muslinka inay aqristaan oo fahmaan Qur’aanka, waayo intaysan aqrinin Qur’aanka ayuu mala-abuuro khaldan ku abuuraa: erayada banii-aadanka ayuu ka kormarsiiyaa kuwa Ilaahay, sidaas daraadeeda xadiisku waa Shirk. Tusaale waxaa ah in Xadiisku ka dhaadhaciyo ragga inay yahiin danbilaaweyaal aanan marna khalad gali karin oo ay ku leeyahiin xaq u gooni ah dumarka, oo ay ka sareeyaan kagana fiican yahiin waxqabadka, ha ahaado maskaxmaal ama muruqmaal, siday uga muuqadto maqaalkaaga.
    Khaladkan waa khalad dhaci kara marka raggu isu qaadtaan inay yahiin niman xagga Ilaahay laga soo doortay sida Rasuulada ama Nabiyada waayo xadiisku wuxuu ku sababay inay arki waayayn in Quraanku ku dhisan yahay “Labaan” darajo leh: marka hore, Ilaahay iyo Nabiyadiisa; marka labaad, Nabiyada iyo ummaddooda. Darajadu waa: Ilaah – Rasuul / Nabi – Ummadda inteeda kale. Marka, raggaad ka hadlayso (oo xadiiska laga soo xigsaday) iyo ragga Qur’aanku ka hadlayo isku mid ma aho. Kuwo waa “Saalix”, taas oo ah inay yahiin kuwo dhalad-ahaan Ilaah ku soo hanuuniyay “Suubanaan”, kuwona waa ragga intiisa kale oo kala siman dumarka dhan kastaba oo waa “Ummadda”, oo waxaa laga soo xisaabiyaa xagga dumarka, mana jiro wax xaq ah oo u gaar ay ka leeyahiin dumarka. Kuwa hore waa Tusaale, kuwa danbena waa Tusaale-raac. Haddaan si fudud u iraahdo: kuwa hore waxay u dhigmaan Ragga; kuwa danbena Dumarka.
    Tan kaliya ay dumarku sameeyn karin waa tujinta salaadda loo wada dhan yahay, sidoo kale “Khaliifatu-llaahi”, sababtu ma aho mid ku saabsan kartida dumarka balse mid ku saabsan qaabka abuurka: jir-ahaan labku waa mideeye, dhadiguna waa kala qaybiye; sidaas daraadeeda Ilaahay oo aanan ahaynin lab iyo dhadig toona oo halnaantiisu aanan lakala qaybin karin ayaa ka dhigay labka mid matala “mid ahaantiisa”, dhadigtana mid matasha “taranka abuurkiisa”. Haddaan si kale u dhaho: labku wuxuu matalaa “kalinimada Ilaahay”; dhadigtuna “wadarnimadiisa”, sidaas awgeeda ayay u kala darajo yahiin oo naagi aysan u tujin karin salaadda jamiicadda, oo aysan u naqon karin “khaliifatu-llaahi”.

     
    • Warfaa

      June 18, 2012 at 6:52 PM

      Tuke, ku mahadsanid falcelintaada iyo aragtidaada gurracan ba.

      Haddii aan, sida aad rabto adigu, isku koobo Qur’aanka oo keli ah, aragtida aad ka hadashay waxa beeninaya isla Qur’aanka laftiisa. Waa run oo xadiisku waa soo-warin bani-aadan (marka laga tago asalkiisa oo Ilaahay ka yimid), sidoo kale Qur’aanku waa soo-warin bani-aadan (marka laga yimaaddo Jibriil oo asalkiisii ilaahay ka soo weriyey) ee ruux maanta nool oo uu waxyi ahaan ugu soo degay ma jiro. Sida xadiiska, ayaa Qur’aankana laabaha ragga iyo saamaha xoolaha lagu ilaaliyey oo facba fac u soo dhiibay. Qur’aanka waxa Ilaahay ballan qaaday in uu isagu dhowrayo, xadiiskuna taas wuu la qabaa. Akhri aayadda 3&4-aad ee suuradda An-Najm: “iskama hadaaqo Nebigu* waxa uu ku hadlaa waa waxyi loo soo waxyooday”. Waxa aynnu og nahay in Qur’aanku yahay waxyi, aayaddanina waxa ay inna tusaysaa in uu Xadiiskuna yahay waxyi. Sidaas ayuu ku ilaashan yahay.

      Haddii xadiiska la deedafeeyo waxa soo baxaysa dhibta ugu weyn ee lagala kulmayo fahanka Qur’aanka. Tusaale ahaan rakcadaha salaadda, aminta mid kasta la tukanayo, waxa dhexdeeda la akhriyayo, sida khaladkeeda loo saxayo iwm waxa sheegi kara oo keli ah xadiiska ee aayad ka soo heli maysid. Sidoo kale sekada xilliga la bixinayo, inta la bixinayo iyo waxa lagu bixinayo ba xadiiska ayaa sharxa. Dhammaan shanta cibaado ee waaweyn ee muslimiintu muslimiin ku yihiin ba tafaasiishooda waxa lagala soo baxay xadiiska. Haddii aan xadiis jirin, waxa dhici lahayd muslimiin todan jeer maalintii tukata, ama sakada tobankii sanoba mar dhiibta, ama xajka bisha labaad tagta, ama bisha ramadaan habeen iyo maalin soonka isku darta oo 15 cisho ku dhammaysa ama…ama…ama. Waxa dhici lahaa muslimiin kala muslimiin ah oo aan isku ficil ahayn.

      Akhri aayaddan: “waxa Nebigu idiinla yimaaddo qaata waxa uu idinka reebana ka hadha…” Suuradda Al-Xashr, aayadda 7-aad. Waxa uu innoola yimid waa in aan dhaqankiisa ku dayanno, hadalkiisa qaadanno waxa uu OK-gareeyona aqbalno. Waxa aad TUKOOW ii sheegtaa halka uu markaa shirki ku noqday? Miyaanad Qur’aanka ku qanacsanayn? Miyaanay aayaddaasi si cad amar ugu bixinayn in aad qaadato xadiiska?
      Haddii aad tidhaa xadiiska ninbaa soo-weriyey oo laguma kalsoona…Qur’aanka yaa innoo keenay? Miyaanay rag ahayn (raggii diiwaangeliyey sida Cusmaan Binu Cafaan oo kale)? Miyaanay dunida jirin cid leh Qur’aanka waxa beddeshay Caa’isha iyo Xafsa oo badh bay la dhuunteen? Maxaad kaga duwan tahay haddii aad leedahay xadiisku kama imannin xagga Eebbe adiga oo akhriyaya aayadda odhanaysa: “waxa uu nebigu idiinla yimaaddo qaata waxa uu idinka reebona ka taga” iyo aayadda leh: “Nebigu iskama hadlo ee waxyi ayuu ku hadlaa”.

      Eeg aayadahan: “haddii uu hadal aannaan lahayn naga samaysan lahaa* midigta ayaan ku qaban lahayn* markaasaan xawlal-mariidka jari lahayn!” Suuradda Al-Xaaqah, aayadda 44,45 & 46-aad. Dhammaan hadalkii ka soo baxay Nebiga scw, falkiisii iyo waxii uu qirayba waa muqaddas waana waxyi. Sida Qur’aanka ayaanu sharaf innooga mudan yahay. Waxa uu kaga duwan yahay keli ah waa isaga oo sooyaalkii dheeraa ee muslimiintu soo martay awgeed iyo cadawgii badnaa ee islaamku yeeshay dartii si ula kas ah loo dhex geliyey wax aan Nebiga scw ka soo bixin. Laakiin ogow tani keeni mayso in dhammaan la isla tuuro waxii saxda ahaa iyo waxii khaldanaa ba. Waxa uu garaadka suubbani sheegayaa in la kala hufo oo saxarka laga haadiyo. Sidaas ayaanay sameeyeen ragga ka shaqeeyey hadalka Nebiga scw. Ilaahay ha ka abaalmariyee.

      Inta kale ee hadalkaaga runtii si wacan umaan fahmin waayo waa iska falsafad iyo hadal madhan oo aan meel uu cuskado lahayn. Tusaale ahaan sababta ay dumarku u tujin waayeen ragga oo kale, waa wax iska mala-awaal ah oo aan sugnayn. Tixraax iyo tolna aan lahayn. Aragtidaadu waa tii qolada la yidhaahdo Qur’aaniyiinta ama Quraanleyda, wax cusubna ma aha. Qormo ayaan ka samayn doonaa sheegashadiinna iyo qallooca aragtidiinna haddii Rabbi oggolaado.

       

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: