RSS

أي مستقبل للجزيرة العربية في زمن الاحتكارات 2/2

23 Apr

Dr. Cabdalla an-Nafiisi

Qormadani waxa ay daba socotaa tii Isniintii hore. Qaybtan, Dr. Cabdalla waxa uu si gaar ah ugu canaanayaa madaxda Khaliijka iyo waxgaradkoodaba dabadhilifnimada iyo karaama-dhaca ay cigaalka iyo dhaldhalaalka Jabbaan kaga dhuuntaan. Waxa uu ka qarracan yahay sida ay Liz Cheney oo kale ugu amarkutaaglaynayso carradii soo saartay Cumar binu Khaddaab iyo Cumar binu Cabdulcasiis. Qormadan waxa uu ku dheeraaday arrimaha Khaliijka sidaa darteed wax badan ayaan iska dhaafay. Dhinaca kale, waxa uu qormadan qoray kacdoonnada carabta hortood, waxaanad arki doontaa meelo badan oo uu bulshada kacdoon ku boorrinayo. Dr. Cabdalla waxa uu ka tirsan yahay dugsiga ilma Qudub (Sayid iyo Maxamed). Haddaad qoraalladiisa afcarbeedka ah akhrido waxa aad xasuusanaysaa buugaagta ay ka midka yihiin: Waaqicunal mucaasir, jaahiliyatul qarnil cishriin, macrakatu at-taqaaliid, macaalim fi ad-dariiq, mafaahiimun yanbaqii an tusaxax ikm.

Waddada afraad:  Edegaynta aqoonta iyo warbaahinta

Feedha afraad ee la innaga soo galaa waa caalamiyeynta aqoonta iyo warbaahinta. Waxa jirtey xilli uu gobolka Khaliijka oo dhami u raxlaynayey inan yar—Liz Cheney—sidii wax ay walwaalayso furaha guusha oo uu mustaqbalku gacmeheeda ku jiro. Shirar jaraa’id ayay qabatay iyada oo mar walba leh: anigu garoob ayaan ahay, sidaas ayaanan ahaan doonaa weligay. Waxa daba boodayey rag waaweyn oo gadh leh, wasiirro iyo masuuliyiin dawladaha Khaliijka xilal ka haya. Waxa ay u sheegtay in ay dib u eegaan manaahijtooda waxbarasho. Carruutiinna buuggan ha u dhigina, kanaa ka roon. Maxaa idinka indho saabay aqoonta mustaqbalka, isjacaylka iyo isku soo dhowaanshaha ummadaha? Aayadahan Yahuudda ka hadlaya ee manaahijta dugsiyadiinna ku jiraa miyaanay u adeegayn is naca bulshooyinka? Miyaanay ahayn in laga tirtiro sooyaalkiinna iyo xasuustiinna ba? Qaabkan santaagga ah ee Maraykanku innoola dhaqmaa waxa ay inna xasuusinaysaa “kamaa tuwalluu yuwallaa calaykum”. Baga! Ha la innagu tunto waayo qiyamteennii iyo diinteennii ayaan faraha ka qaadnay. Dabadeed saancadleydan yar oo kale ayaa fursad u heshay in ay innoo yeedhiso danteenna. Waa aynnu liidan nahay..dib u eegis iyo feejignaan ayayna innooga baahan tahay.

Qadar waxa xafiis ku leh RAND Coorporation oo ah dallad weyn oo u basaasta CIA-da. Waa dallad loo keenay gobolka in ay ku dheesho aqoonta. Waxa aad ka ogaan kartaa arrintan haddii aad akhriday warbixintii RAND ay ka diyaarisay islaamka dimuqraaddiga ah. Xaaska Zalmay Khalilzad—oo ah baadhaha warbixintan soo saartay—ayaa innoo go’aamisa sida aan ula dhaqmaynno islaamka, dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee ay tahay in la soo dhowaysto iyo kuwa ay tahay in la faquuqo iyo kuwa ay tahay in jiritaankaba loo diido. Warqaddan RAND waxa ay noqotay marjic ay cuskadaan golayaasha ammaanka ee dawladaha Khaliijku. Waa kaas nidaamka dunida ee la rabo in aan ku noolaanno. Xuurtaysiga farsamada millatri, isku koobidda kheyraadka dabiiciga ah, sharciyadda dunida iyo edegaynta aqoonta.

Si loo hirgaliyo qabsashadan, waxa uu Koongarasku dejiyey xeerka ilaalinta diimaha laga tirada badan yahay. Waxa la iskugu yeedhay Qibdiyiintii Masar ee xagjirka ahaa sida Micheal Munir oo kale. Kuwii dhexdhexaadka ahaa dan lagama gelin, dabadeed waxay doonaan ayay ka dhex yidhaahdeen shirkaas. Ogow oo Qibdiyiinta Masar xaqa ay haystaan masiixi kale oo dunida kor jooga oo haystaa ma jiro. Waxa aan hayaa warqad uu qoray Masxiixi Maaruuni ah oo la yidhaa Victor Saxaab. Buug yarihiisa waxa uu u bixiyey “yaa ilaalinaya masiixiyiinta carabta ah?” isaga ayaana buugga ii soo hibeeyey. Victor waxa uu sheegayaa in ciddii masiixiyiinta carabta ah weligeed ba ilaalin jirtey tahay diitna islaamka iyo dawladdii ku dhaqmaysay islaamka. Gaalada reer galbeedka ahi ma ay ilaalin, Yahuudina ma ay ilaalin…ilaalin iska daayoo iyaga ayaa ba hagardaamo ugu horreeyey. Waa sooyaal cad oo aan muran lahayn. Dalka Kuwayd ma jiro qof dhalad ah oo Masiixi ahi, laakiin waxa jira gaalo dhalashada la siiyey oo aan ka badnayn 192 ruux. Badankoodu waxa ay ka soo jeedaan gaalada carabta ah ee degta Falasdiin, Ciraaq iyo Shaam waxayna dalka soo galeen wakhti hore oo soddonaadkii ah iyaga oo ku shaqaysan jirey dhakhtarnimo, turjumaannimo iwm. Halkaas ayay iska degeen oo nolol wacan ka heleen. Waxa Kuwayd dhexdeeda uga dhisan 35 kaniisadood. Celcelis ahaan 5-tii qof ba kaniisad ayaa ku soo hagaagaysa! Miyaan la is weydiin karin waa maxay kaniisadahan sida ciidda dhulka ugu daadsani? Waxan oo dhami waa meelaha la iska soo galo ee Maraykanku ku andacoodo in cibaado loo dhisay. Cibaado looma wada dhisin ee ujeeddo kale ayaa ku ladhan. 35 kaniisadood oo tiro yar oo intaa la’eg loo dhisay ma aha cibaado ee ujeeddo siyaasadeed ayaa laga leeyahay. Maraykanku hadda wuu ka baxay xilligii qabsashada Khaliijka oo waxa uu u gudbay xilligii deegaamaynta—waxa uu ka gudbay hawlgalkii (occupation-ka) waxaanu u gudbay hawlgalkii (settlement-ka). Waagii hore waxa madaarrada Khaliijka ka soo degi jirey nin cimlaaq ah, shandad weyn walwaalaya, sida danbaska u cad oo indho buluug ah leh oo si ku meel gaadh ah shirkadi u soo ijaaratay. Maanta se waxa ay soo degeen iyaga oo xitaa xamastoodii iyo xaasaskoodiiba wata. Deegaamayn camal.

Tallaabooyin badan oo iyaga u xaglinaya ayay ku khasbeen hay’adaha Khaliijka ee qaabilsan ajaanibka si ay u bislaystaan deggenaan aan khashkhashaad lahayd. Mar kale waxa aan isweydiin karraa maxay rabaan mawjadahan reer galbeedka ah ee Khaliijka ku soo qulqulayaa? Laba dhacdo aan idin xasuusiyo: East Timor iyo Singapore.

Singpore maanta waa dawlad. Waxa ay dhalatay sannadkii 1965-kii. Sidee ayay u dhalatay?

Dawladdan yari waxa ay markii hore ka tirsanaan jirtey dawladdii Federaalka islaamiga ahayd ee Malaysiya waxana gumaysan jirey Ingiriiska. Markii gumeysigu gartay inuu ku khasban yahay in uu ka baxo Malaysiya, waxa uu albaabada u furay qaxootigii indha-yarta ahaa si ay aqlabiyad u noqdaan. Markii ay Shiinuhu buux dhaafsheen ka dib, waxa uu QM soo hordhigay in afti laga qaado dadka gaalada ah ee ku hoos nool dawladda federaalka muslimka ah ee Malaysiya iyada oo la tixgelinayo go’aannada QM ee ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Sidaas baa aftidii lagu qaaday laguna doortay ra’iisal wasaarihii ugu horreeyey Lee Kuan Yew oo asalkiisu ahaa Shiine. Waan la kulmay ninkan waayo waxa uu ka baxay kulliyadda Churchill ee Jaamicadda Cambridge oo ah isla kulliyadda aan ka qalin jabiyey. Waan kala sheekaystay arrintan, waxaanu ii sheegay in ay ahayd hawlgal iska cad oo uu Ingiriisku dabada ka waday.

Timor-ta bari waxa ay dhacdaa badhtamaha dalweynaha Indooniisiya oo ah dawladda ugu weyn dunida muslinka dhinaca tirada dadka. Reer galbeed ayaa ka shaqeeyey, kaniisadihii gudaha ayay kiciyeen, ururkii kaniisadaha caalamka ayay cariyeen, golihii ammaanka ayay ruxruxeen, sheekooyin aan jirin ayay ka dhex abuureen Bariga Timor ilaa ay ka dhaliyeen dawlad yar oo madax bannaan oo dhex yuururta wadnaha Indooniisayada muslinka ah. Maanta waxa ay ku raaxaysanaysaa ‘hadhka sharciyadda dunida hoostiisa’.

Waxa aan ka digayaa sida ay wax u socdaan Khaliijka dhexdiisa. Maraykan iyo Yurubta Galbeed ba way ka baxeen heerkii qabsashada Khaliijka—go’aan kastaa waxa uu gacanta ugu jiraa reer galbeedka—waxaanay u gudbeen heerkii deegaamaynta. Maxaa diidaya in ay Dubai, tusaale ahaan, ka dhacdo waxii ka dhacay Singapore? Sannadihii 1981-1984-kii ayaan Imaaraadka wax ka dhigayey. Maanta haddaad suuqa Dubai marto kama duwanid in aad socoto suuqa London. Badanaa ajaanibka meesha joogaa!

Mar baan doonay in aan gaadhi ka iibsado Dubai dhexdeeda. Hawlgalkaasi sidii uu u dhannaa waxa aan la dhaqmayey dad aan dalka u dhalan. Waxa kastaa ajnabiga ayuu gacanta ugu jiraa. Haddii ay ajaanibka Dubai deggeni u baahdaan in ay Imaaraatiyiinta soo qabqabtaan, iyaga oo aan hub u qaadan ayay gacanta ku soo ururin karaan.

Dalka yar ee Bolivia la yidhaa waxa gadooday dadkii maxaysata ahayd. Maxaynnu u gadoodi la’nahay innagu? Dalkan yar Morales ayaa xukunka yimid…waa nin diiday xitaa labbiska reer galbeedka xilli addoon loo wada yahay Maraykan. Venezuela waxa haysta Chavez, Cuba na Castro waxa uu QM iyo Maraykan ku horjoogay xeebaha Florida  ilaa 1958-kii.

Fursadaha ay haystaan kuwaasi kuwo ka roon ayaynnu halkan ku haysannaa. Waxa aan ku dul fadhinaa ceelasha shidaalka ee dunida oo dhami u hanqal taagayso, waxa dhulkeennu ku yaallaa goobaha ugu istaraatiijisan dunida…maxaynnu Zalmai Khalilzad oo kale ugu oggolaannay in uu go’aamiyo mustaqbalkeenna?

 


 
Leave a comment

Posted by on April 23, 2012 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: