RSS

أي مستقبل للأمة في زمن الاحتكارات 1/2

23 Apr

أي مستقبل للأمة في زمن الاحتكارات 1/2

 Dr. Cabdalla an-Nafiisi

Dr. Cabdalla an-Nafiisi wadaad diin bartay ma aha. Bilowgii hayaankiisa aqooneed waxa uu bilaabay Petroleum Engineering, laakiin xagga danbe ayuu iska rogay oo u baydhay cilmiga siyaasadda. Isaga oo sidaas ah, haddana urur weynaha al-Qaacida waxa uu ugu suntan yahay hoggaamiye ruuxi ah. Wadaad kasta way ka jecel yihiin. Way isku dardaaraan maxaadarooyinkiisa iyo qoraalladiisaba. Waa maskaxmaal rasiin ah oo haddii uu hadlo aanad ka jeesanaynin, haddii aad qoraalladiisa akhrido na ka hirqanaynin.  Mid ka mid ah qoraalladiisa oo ka kooban laba qaybood waxa uu ka hadlayaa mustaqbalka ummada islaamka ee xilligan wax kasta ay xuurtaysatay masiixiyaddu. Bal qaybta hore ee qormadiisa ila eeg:

 

Mustaqbalka ummadda ee xilliga xuurtaysiga

 

Nidaamka dunidu, sida ay ila tahay, waxa uu ka kooban yahay laba kooxood. Koox aan u bixiyey dawladaha bu’da: USA iyo Yurubta Galbeed, iyo koox ka ballaadhan oo ah dawladaha dhinacyada; ama dheh dunida oo dhan oo laga reebay dawladaha bu’da. Dawladaha bu’du waxa ay dunida ku maamulaan afar waddo:

Waddada koowaad: Ku keliyeysiga farsamada Millatari

Ku kaliyeysiga samaynta nooc kasta oo hub ah—kii hore iyo kan casriga ah ba. Dawladaha bu’du waxa ay ku dhegsan yihiin in ay keligood xaq u leeyihiin ku yeelashada farsamada hubka. Dhibta maanta dhextaal iyaga iyo Iiraan ayaa fadeexad ugu filan. Waxa ka reebban dawladaha dhinacyada in ay muquurtaan badaha farsamooyinka hubka.

Waagii uu Najmuddiin Arbakaan ahaa Wasiirka Warshadaynta ee Turkiga ayaa uu golihii wasiirrada u soo jeediyey in uu Turkigu gacantiisa ku samaysto hubka si haqab la’aan loogu qalabeeyo ciidankooga. Maraykanku waagaa waa uu dawakhay, Yurub na sidoo kale. Markii danbe waa kuwii sida weyn uga shaqeeyey inqilaabkii Najmuddiin maamulka lagaga faramaroojiyey xabsigana loogu taxaabay. Falkaas xun waxa loo soo maray  askartii turkiga ee calmaaniyiinta ahaa ee caanka ku ahaa dabadhilifnimada. Reer galbeedku waxa uu ka argaggaxay aragtida Arbikaan, waxayna ula muuqatay tuse halis ah.

Hubka, haddaba, samayntiisa, suuqgeyntiisa, xayaysiintiisa, bixintiisa iyo diididdisu ba waa in uu ku jiraa gacanta maraykan iyo Yurubta Galbeed…innaguna, haddaan nahay dawladaha dhinacyadu, waa in aan adeegsannaa hubkooda. Waxana la og yahay in keliya cidda hubka gacanta ku haysaa ay leedahay natiijada dagaalka, goorta uu dhacayo iyo sida uu u dhacayo. Sidaas ayay aragtida dawladaha bu’du u tahay mid mar walba ku dadaasha sidii ay Israa’iil ugu horrayn lahayd dhinaca farsamada hubka; sidaas ayayna ku yeelatay xidhmo qumbulad durriyado ah oo gaadhaysa 250 madax. Innaga miyaa—muslimiinta—xitaa waxa xaaraan ah in aan ku fekerno iska daa samaysiye.

Dunida carabta marka la eego, Ciraaq ayaa mar isku dayday oo ku guulaysatay in ay ururiso culimo badan oo aqoon buuran oo milatari leh laakiin Maraykanka, odhan maayo Yahuudda, ayaa kala daadiyey himiladaas qiimaha leh gugii 1981-kii. Waxa uu baabi’iyey raadka tallaabo kasta oo Ciraaq u qaadday xaggaa iyo dhisidda tijaabadii cilmiyeed ee ugu horraysay caalamka carabta. Nasiib darro, waxa aan aaminsan nahay aragti gurracan oo ah in Yahuuddu gacanta ku hayso Maraykan iyo Yurub ba. Taasi ma aha aragti qumman. Yahuuddu intaa waa ay ka liidataa. Yahuuddu waa mindi uu daabka hayo Maraykan oo cidda uu rabo goorta uu rabo sida uu rabo ugu tumaatiyo. Marar badan ayuu na Maraykan innoo adeegsaday ablayda Yahuudda—xitaa xilligii carabi midnimada hadal hayn jirtey.

Ku kaliyeysiga hubku waa waddo ka mid ah waddooyinka loo maro gumeysiga. Innaguna waxa aynnu nahay ummad ku hadhay tartanka hubka oo cadawgeedu garaaci karo marka uu doono iyo sida uu doono kuna garaaci karo waxa uu doono. Sannadkii 1975-kii markii ay Sucuudiga iyo Imaaraadku, xilligii Marxuun boqor Faysal, joojiyeen shidaalkii loo dhuri jirey Maraykanka, isla markiiba Maraykanku waxa uu ku hanjabay in uu qabsan doono diillinta shidaalka Khaliijka laga bilaabo Kuwayd ilaa Cummaan. Warqad ayaa la hordhigay Koongaraska—warqaddaasi maktabadda Koongaraska ayaad hal doollar wax ka yar kaga iibsan kartaa, bugaagta qaarkood na waaba lagu daabacay—sheegaysa qorshihii la hordhigay Golaha Difaaca iyo Ammaanka ee Koongaraska oo qeexaysay in ay muhiim tahay in la qabsado diillintaa shidaal ee marta Kuwayd ilaa Cummaan. Rogrogid iyo ka baaraandeg ka dib, Koongarasku waxa uu gartay in aan Maraykan u baahnayn in uu dagaal ku qabsado dhulkan mar haddii uu Khaliijku shidaalka kaga iibinayo qiime macquul ah oo uu qaadi karo suuqa Maraykan iyo ka Yurubta Galbeed ba.

Kolkaa, feedha u horraysa ee maamulka dunida laga geli karaa waa farsamada millatari. Innaga waa xaaraan in aan hub soo saarnaa, waa xaaraan in aan ku fekerno sidii aan hub u soo saari lahayn waana xaaraan in aan isku galno farsamooyinka millatari. Waa in aan adeegsannaa uun waxa la innoo keeno. Waa in aan soo dejisannaa hub waxaan u baahan nahay innaga oo raacaynna shuruudaha Maraykanka iyo Yurubta Galbeed, NATO na waa kormeeraha lagu aamini karo arrimahan. Khubaro dulmeerta ayuu leeyahay, dabadhilifyo shaqada u jajaban ayaana sheedda ka daawadaa.

Waddada labaad: Ku kaliyeysiga walxaha caydhiin: Feedha labaad ee la innaga soo galaa waa ku kaliyeysiga walxaha caydhiin—shidaalka iyo qamadiga.

  1. Qabsashada Shidaalka:

Saddaam Xuseen in Ciraaq laga tuuraa uma baahnayn gebi ahaan ba waxii aan aragnay ee xoog ciidan iyo hub ahaa, sirtu waxa ay ahayd shidaalka Ciraaq ceegaaga. Bes. Qabsashada shidaalka farsamo ahaan, dhurashadiisa, suuqgeyntiisa iyo sicir goyntiisa ayay ujeeddadu ahayd.

Waxa aynnu nahay dawlado shidaalka soo saara haddana ma lihin haamo walwaala oo aan ka abdaysanno. Ha sheegin. Dhammaan saxartirkiisa, dhuriddiisa, suuqgeyntiisa iyo sicirayntiisuba waxa uu gacanta ugu jiraa toddoba shirkadood oo reer galbeed oo madaxa kaga fadhiya shidaalka gobolka; Woqooyiga Afrika ilaa Jasiiradda Carabta. Waxa la wada hoos hoganayaa hannaanka qoorjebinta ah.

Markaa, shidaalkeennu uma adeego horumarka dalalkeenna soo saara ee waxa ku amarkutaagleeya dawladaha bu’da. Shidaalku maanta ma aha oo keli ah il awoodeed ee waxa kale oo uu yahay il laga galo gacan ku haynta dunida.

Shiinuhu maanta hurro xun ayuu ku hayaa Maraykan waxa se uu u baahan yahay shidaal—ka Ciraaq iyo ka Khaliijka iyo ka carabta oo dhan—baahidiisa shidaal na waa mid isa soo taraysa. Maraykankuna waxa uu rabaa in uu shidaalkaas Shiinuhu u hanqal taagayo xuurtaysto si uu u maamulo xidhiidhka Shiinuhu la leeyahay gobolka iyo si uu uga cuno-qabateeyo horumarka. Sidaas darteed ayaad arkaysaa in Maraykanku uga cagajiidayo tallaabo macno leh oo uu ka qaado Kuuriyada Woqooyi waayo dhinaca Shiinaha ayay ka haysataa damaanad. Maraykanku waxa uu ka baqayaa in isfahanwaaga ka dhaxeeya isaga iyo Kuuriayada Woqooyi sii durko oo uu gaadho heer isku dhac millatari, dabadeed Shiinuhu soo galo oo belaayo halkaas ka dhacdo. Shiinuhu ha iskaga jeedo suuqiisa, dhaqaalihiisa, horumarkiisa iyo is qancintiisa.

Jabbaan sidoo kale waxa uu hayaa farsamo iyo dad, laakiin ma hayo kheyraad uu kula tartamo dawladaha bu’da. Waxa uu u baahan yahay shidaal. Haysashada Maraykan ee shidaalka dunidu waxa uu sahlayaa go’aan ka gaadhidda nooca xidhiidh ee ka dhaxayn kara Jabbaan iyo gobolka. Yurub, iyana, waxa ay u baahan tahay shidaal ka badan ka Maraykan u baahan yahay. Xuurtaysiga Maraykanku ku haysto shidaalka dunidu na waxa uu Yurub ka xannibayaa horumar badan, waxaanu ka hor joogsanayaa sanbannaani horumarineed; marka laga reebo inta istaraatiijiyad ahaan Maraykanka u dan ah.  Halkani waxa jira is afgaranwaa xooggan oo ka dhaxeeya Maraykanka iyo Yurub dhexdooda. Kissinger ka qaabeeya siyaasadda arrimaha debedda ee Maraykanku taas wax badan ayuu ka qoray—dhinaca is afgarawaaga NATO dhexdeeda—akhri haddaad doonto buuggiisa shilis ee “wadaagga wareersan (The Troubled Partnership)”. Yurub maanta ma awooddo in ay si buuxda u daboosho amniga magaalooyinkooda halbowlayaasha ah waxana jira arrimo badan oo welwel gelinaya, sidaas darteed ayaanay uga hoos bixi karin Maraykanka. Waxa ay ka baqayaan isjiidh dhexdooda ah; haddaad u fiirsato na waxa aad arkaysaa is miskiimin ay samaynayaan dalalka Maraykanka kula jira NATO.

  1. Ganac ku haynta Qamadiga

Waxa aan xasuustaa sannadkii 1975-kii mar uu Kissinger nagu soo booqday Jasiiradda Carabta. Ajandayaasha socdaalkiisa waxa ka mid ahaa in uu Sucuudiga kala hadlo mashruuc qodaal oo uu boqor Faysal waagaa rabay in uu hirgeliyo. Isaga oo anfariirsan ayuu na weydiiyey: maxaad qamadiga u beeraysaan? Annaga ayaa dekedda Jiddah idiinku keynayna isaga oo ka jaban kan gudaha! Maxaad ku falaysaan? Waxa loo sheegay waagaa in boqor Faysal rabo in Sucuudigu gaadho isku fillaasho dhinaca raashinka ah, iyo in la rabo in la tijaabiyo dhulka Sucuudiga sida uu qamadigu uga bixi karo iyo haddii uu ka bixi waayo sidii meel kale oo dhulka carabta ka mid ah looga beeri lahaa.

Warkaa Maraykanku wuu ka gubtay, Kissinger na waxa uu madaarka Riyaad ku qabtay shirkiisii jaraa’id ee caanka ahaa ee hanjabaadda iyo hoogga miidhan ahaa. Waxa uu yidhi: ‘waxaad rabtaan ka sameeya Jasiiradda Carabta, waxa aad gadaal ka ogaan doontaan in aydaan shidaal danbe firiq ka siin doonin’. Waxa ay ahayd hajabaad u dhigan: haddaad diiddaan gumaysigayaga waad ka shallayn doontaan. Waa taas feedha labaad,  qabsashada shidaalka iyo qamadiga. Cidda shidaalka haysa ayaa horumarka gacanta ku haysa; cidda qamadiga haysaana caloosha ayay hantiyaysaa—maamulka gaajada ee dawladaha aan bu’da ahayn.

Waddada saddexaad: Sharciyadda caalamiga ah

Feedha saddexaad ee maamulka dunida laga soo galaa waa ta sida beenta iyo buunbuuninta ah loogu yeedho Sharciyadda Caalamiga ah. Tan waxa loo samaystay ururka Qaramada Midoobay oo ah urur wayne loo unkay sidii dusha loogaga fadhiyi lahaa dunida oo dhan. Keligood ayaa leh xaqa diidmada iyo go’aanka: dawladdaasi way madax adkaatay, taasi sharciyaddii dunida ayay ka baxday, tan waa in dunidaba la tritiraa, tani way kibirtay iwm.  Waxa ay innagu haystaan wax la yidhaa sharciyadda dunida. Maraykanku goorta uu doono waxa uu ku hanjabaa in uu QM ka joojin doono caawimada uu siiyo. Gebigeedaba in uu fitir iyo faatir ka dhigi doono ayuu markuu doono ku cagojugleeyaa.

Loollankii ka dhex dhacay QM sannadkii 1996-kii ee la rabay in Butrus Qaali mar labaad loo doorto xoghayaha guud ee QM, waxa uu noqday mid ifka u soo saara fadeexadda ah in Maraykanku rabo cid dantiisa si aan qarsoodi ahayn ugu adeegta. Butrus waxa uu ku guulaystay in uu sidii ugu wanaagsanayd u hago QM, dalal uu Faransiisku ka mid yahay na aad ayay ula dhacsanaayeen. Laakiin Maraykanku waxa uu keenay ninkii ugu liitay ee abid qabta jagada xoghayaha guud ee QM, Kofi Anan. Koofi, oo xitaa aan u qalmin masuuliyad tan in badan ka hoosaysa, waxa uu noqday xammaal si cad ugu shaqeeya danaha Maraykanka.

Arrintan nukliyeerka Iiraan waxa ay soo gashay gacanta Maraykan isaga oo u kaalmaysanaya golaha ammaanka si cunoqabatayn loo saaro Iiran iyo si gobolka loo geliyo wareer hor leh. Waa sidaas siyaasadda Washington mar kasta.

Markaa waxa lagama maarmaan ah in laga fekero sidii loola dhaqmi lahaa feedhan xun ee loo yaqaan sharciyadda dunida. Miyaynnu u hoggaansanna golaha ammaanka iyo qaramadan midoobay ee musallaftay? Ilaa goorma ayay sii soconaysaa riwaayaddan bilaabantay 1945-kii? Ingiriis, Faransiis, Maraykan…waxa ay leeyihiin xaqa diidmada iyo maaraynta dunida, dagaallada iyaga ayaa go’aamiya, cunaqabataynaha dhaqaale na iyaga ayaa soo maleega…waxa ay inna saaraan wax aynnaan hinjin karaynin.

La soco…

 
Leave a comment

Posted by on April 23, 2012 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: