RSS

Maayarka Muqdisho…Witness

17 Nov

Oohin, qiiq, qaac, baaruud, illin iyo qadhmuun…dagaal, xabbad, colaad, dhimasho iyo dhiig intuba waxa ay la macne yihiin MUQDISHO, Caasimad[dii] Qaranka Soomaaliyeed! Magaalada ugu khatarsan dunida…hoygii cadaabta ifka, jannadii duntay…waxaas oo gunnimo ah waxa loola jeedaa Muqdisho; Hadda Caasimad[dii] Qaranka Soomaaliyeed!

“Jaaniskayga dhimasho waa isku mid haddii aan joogo London iyo haddii aan joogo Muqdisho…sidaas ayaan rumaysan nahay haddaan muslimiin nahay”, sidaa waxa yidhi Maxamed Nuur, duqa Muqdisho. Taas ayaana keentay in uu qaato khatarta uu kala kulmi doono magaaladaa magacyada xunxun leh. Mar marka qaar illin ayaa ku soo joogsanaysa oo candhuufta ayuu liqi kari waayayaa; marka uu gabadh uur leh oo macno darro lagu gawracay ka sheekaynayo oo kale. Mar marna duruufaha qallafsan waxa uu isku dhaafinayaa heello iyo dhaanto  ay tumayaan dad dhallan rogan oo u eg dadkii aakhiro. Ilbidhiqsi kasta dhimasho ayuu diyaar u yahay. Maxaa ka keenay London? Soo kii ahaa xubin sharaf leh oo ka tirsan Labour Party-ga Ingiriiska! Muxuu doonayaa? Muxuu ka rabaa noloshan sillan ee if iyo aakhiro aan midna ahayn? Malaha weydiimahaasi waa kuwa keenay in filin-sameeye Robert Elliott Muqdisho tago, Maxamed Nuur na weydiiyo. Barnaamijka al Jazeera  ee Witness ka daawo ‘The Mayor of Mogadisho’.

 
Leave a comment

Posted by on November 17, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: