RSS

Akhriska iyo aqoonta casriga ah

06 Nov

W/Q: Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

Haddii aad eegto bogga 188-aad ee dhiganihii ku magac-dheeraaday ”Nabaaddiino: Suugaanta Soomaalida ee Xuquuqda Aadanaha” uuna qoray qoraaga caanka ah mudane Xasan Cabdi Madar, waxay markaaba indhahaagu qaban doonaan beydad ku jira maanso magaceedu “Dhacsi” yahay oo uu tiriyey abwaan la yidhaahdo Cabdiraxmaan Nuur. Beydadkaasi waa:

Qalinkoo la dhuuxaa,

Dhaqashiyo tacabloo,

Wax kastaba dhudhumiyoo,

Dheemman lagu islaaxshaa.

Waan run oo in aanu qalinku ciyaar-ciyaar ahayn maanta waynu wada garanaynaa. Aqoonta waxa lagaga bogtaa qalinka oo u taagan qoraal kasta oo faa’iido leh iyo akhris. Wax kasta oo cilmi ah afkeenana ku qoran haddii aynu waxtarka ku jira akhris iyo faham kula soo baxno, isla markaasna aqoonta iyo macluumaadka kale ee faa’iidada leh afafka kalena ku qoran aynu dhuuxno dadkeenana la wadaagno waa arrin fiican oo wax-ku-ool ah.

Qof kastaa inta uu akhriyo uun buu yaqaanaa. Sidaa darteed waxa lagama-maarmaan ah in ay dadkeennu horta akhriska xoogga saaraan. Marka wax badan la akhriyo uun baa qiimaha aqoonta la dareemaa. Marka wax badan la akhriyo ayaa qoraal ama halabuur cusub kolba kii la doono lagu dhiirran karaa.

Dood beri dhexdaas ahayd socotay ayeynu qoraalyarida dadkeenna kaga hadalnay. Markaa arrintu qoraalka uun ma aha ee akhriskuna waa la mid. Afaf kale ha inoo dambeeyaane, dhiganaasha tirada yar ee maanta maktabadaheenna yaalla afka soomaaligana ku qoran dad aad u tiro yar baa marmar akhriya. Halkaa waxa markaa ka muuqda gaabis loo baahan yahay in aynu wax ka beddelno.

In kasta oo xaqiiqadaas aynu soo sheegnay ay jirto, haddana dadkeenna oo keliya uun akhrisku kuma yara ee bulshooyin kale oo aynu isku dhowdhownahay ayaa jira. Maqaal sannadkii hore dhammaadkiisii lagu qoray wargeyska Gulf News boggiisa internet-ka ayaa waxa meel lagaga xusay xog laga soo xigtay tirakoob guud oo uu ururka Qarammada Midoobay soo saaray. Xogtaas waxa lagu sheegay in celcelis ahaan muwaaddiniinta carabta ah ee Bariga Dhexe ku nooli ay akhriyaan ugu dhowaan afar bog oo qoraal ah sannadkii, halka dadka caadiga ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska u kala dhashay ay sannadkii ka kala akhriyaan 11 iyo 8 buug sida ay u kala horreeyaan. Haddii ay sidaas tahay waa arrin cajiib ah!

Ummaduhu, sida jirta, waa ay kala cilmi badan yihiin. Laakiin waxa aan haddana gar ahayn bulshadeenna oo nolosha magaalo, hababka casriga ah ee aqoonta loo kasbado iyo dhaqanka dawladnimoba ay ku cusub yihiin in la barbardhigo ummado intaba kaga horreeya oo qarniyo soo tamariyey. Iyada oo ay sidaas tahay ayey haddana muhiim tahay in isbeddellada socda fiiro loo yeesho kolba intii la karana la dadaalo. Haddii kale dib baa loo dhacayaa, ama halka maanta la joogo ayaa lagu dhagaxoobayaa.

Haddii aynu u fiirsanno isbeddellada xilligan waxa inoo soo baxaysa arrin ah in ay dadkeennu magaalooyinka aad u soo gelayaan, miyigiina ay aad uga soo socdaan. Lama diiddana in ay dadku magaalooyinka dalalkooda yimaaddaan, oo taa xaq bay u leeyihiin. Laakiin runtii dadkeenna badankoodu aqoon ama xirfado kala duwan ma laha, dhaqaale kalena ma jiro. Sidaa darteed mustaqbalka marka magaalooyinka la isugu wada yimaaddo waxa dadka ku adkaan doonta nolosha magaalo, waayo waxaanay lahayn aqoontii ama xirfadihii magaalooyinka waaweyn lagaga hawlgeli lahaa. Markaa waxa habboon inta goori goor tahay in waqtiga laga faa’iidaysto, lagana sii fikiro sidii timaaddada isbeddel kasta oo soo kordha loola jaanqaadi lahaa.

Akhrisku waa waxa lagu kala garto cidda doonaysa in ay wax kororsato oo ay waqtigeeda ka faa’iidaysato iyo cidda kale. Laakiin maanta waxa loo baahan yahay aqoon casri ah. Looma baahna in wax loo barto sidii hore  ee ahayd in wax la qaybo waqti yar kadibna la iska illaawo. Waxa loo baahan yahay habab cusub oo waxbarasho iyo aqoon fikirka toosinaya, hibooyinka qarsoonna soo ifbixin kara. Waxa loo baahan yahay aqoon shaqaynaysa oo isku xidhi karta qofka iyo nolosha dhabta ah.

Dadkeennu, gaar ahaan ardaydu, runtii waa dad fiican oo firfircoon. Waxa fiican in ay aqoon tayo leh helaan, haddii kale waa ay qayilayaan ama meelahaas ayey macnadarro la taagtaagnaanayaan. In Washington, London, Jiddah, Sanca, Qaahira iyo meelo kale oo shisheeye had iyo jeer looga sheekeeyo iyada oo manhajyo qalaad duudduubka lagu qaadanayo waxa uga door roon in dalkooda iyo xaaladaha nololeed ee uu berri-ka-maalin wajihi doono wax laga fahamsiiyo.

Manhajyada ummadaha kale wax badan oo faa’iido leh waa laga qaadan karaa, laakiin waxa aynu ardaydeenna baraynaa waa in uu noqdaa wax ay shaqo ahaan ku hawlgeli karaan. Intaa ka dib, in akhriska iyo waxcurinta la dhiirri-geliyo lana barbar wado barashada ayaa iyaduna ah arrin fiican oo midhodhal noqon karta. Qof beri shahaado qaatay oo meel walba faan la taagan waxa ka khayr badan mid dhiggiisa ah oo wax akhriya oo maalin walba wax cusub kororsanaya.

Dadkeennu maanta waxay baahi weyn u qabaan aqoon, horumar iyo waxsoosaar. Si ay intaas oo dhan u helaan una barwaaqoobaan waa in ay wax fiican akhriyaan. Biyo sacabbada ayaa laga dhergaa, aqoonna akhris ayaa lagaga bogtaa.

Axmed Iid for isbeddel.wordpress.com

 
Leave a comment

Posted by on November 6, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: