RSS

Somaliland…Waar illayn wareer badanaa!

04 Nov

Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Rashiid Gadhweyne)

Eeg boggiisa hore ee FB-ga:

Kursiga madaxtinmo yaa leh? Madaxweyneha iyo xubinta golaha wakiilladu, tusaale ahaan, yuu matalaa? ma xisbiga uu ka soo baxay mise dadka cod-bixiyeyaasha ah? Tan Soomaaliland ah madaxdeeda siyaasadeed, odaygeeda, aqoonyahankeeda iyo dadweyneheedaba, wax waliba way iskaga qasan yihiin. Mise talow ogaan baa la isu qaldayaa! Waxaa lagu doodayaa oo xoog loogu murmayaa haddii xubin la soo doortay ay …xisbigeedii ka baxdo way waayeysaa xubunnimadii golaha ama dheh kursigii xildhibaannimada. Marka sidaas la leeyahay, waxaa laga wadaa in xubintu ay golaha ku matasho xisbiga ay ka tirsanayd markii la soo doortay, uuna sidaas darteed xisbigu kursiga leeyahay! taas owgeed, xubintii ka baxda xisbigeedii, xubinnimadeedii waxa yeelanaya qof kale oo xusbiga ka tirsan.

Waxaan leeyahay, marka hore xidhiidka ka dhexeeya xisbiga iyo xubinta la soo doortay waa xidhiid siyaasadeed, wuxuu na ku dhisan yahay mabda’ siyaasadeed iyo ujeeddo siyaasadeed oo ka dhexeeya( in kasta oo taas lafteed shaki weyni ku jiro marka aynu soomaali nahay oo qabyaaladi wax walba ka horrayso). Xidhiidh siyaasadeed na waa wax, haddii shalay lagu kulmay, berri lagu kala tegi karo.. Marka labaad, Xubinnimada golaha la soo doortay waxay ku dhisan tahay xaqa muwaaddinku u leeyahay doorashada ciddii uu egman lahaa talada dalka. Taas macnaheeda waxa weeye kursiga waxaa leh muwaaddiniinta dalka ee xaqa u leh inay ciddi ay rabaan kursiga saaraan; mana laha xusbigu. Madaxweynaha iyo xubinta golaha ee la soo doortay waxay matalaan oo ay ka wakiil yihiin muwaaddiniinta dalka ee doorashada xaqa u leh; mase matalaan oo wakiil ka ma aha xisbiga ay ka tirsan yihiin. Waxay wakiil ka yihiin dadweynaha dhammaantii, kii codkiisa siiyey iyo kii kaleba. Waxaa xubinnimada golaha lagu waayi karaa (ka sokow shuruudaha kale ee dastuutku qeexayo) cod-bixiyeyaasha oo kala noqda kalsoonidii ay markii hore siiyeen. Marka seddexaad, xisbigu waa hab-dhismeed siyaasadeed oo loo maro soo saaridda iyo muujinta hoggaamiyeyaasha uu dadku u baahan yahay in uu kala doorto iyo mabaadida, fikradaha iyo barnaamijyada xallinta mashaakilka dalka iyo horumarka dalka ee ay kala wataan.

Ugu dambayn golaha gudihiisa mar walba waxaa ka jira xoogag siyaasadeed oo uu ka dhexeeyo loollan joogta ahi. Xoogaggaas qaarkood waa kuwo taageersan xukuumadda qaarna waa kuwo ku mucaarad ah. Gudahood wuu ka dhici karaa is-beddel gaadhaya ilaa xadka uu xoog jiray furfurmo oo uu ku kal biiro xoogag siyaasadeed oo kale ama uu xisbi shalay golaha ku lahaa xubno badan uu noqdo ku laga tiro badan yahay. Waxaas oo dhan iyo ka badan ba waxaa keeni kara guurguurka nolosha siyaasadeed ee aan is-taagaynin; mase aha wax meesha ka saaraya codka muwaadinka iyo xidhiidhka sharciyeed ee uu la leeyahay xildhibaanka codkiisa owgii ku fadhiya kursiga golaha.

 

 
Leave a comment

Posted by on November 4, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: