RSS

Geeridu waa lama huraan!

26 Sep

Weedhii uu gabyaagii talyaaniga ahaa ee Donatiello ku qoray irridda Jahannama waxay odhanaysay: kuwan naarta gelayow, yididiilo kasta oo badbaado gadaal kaga taga!

Laakiin waxa jira yididiilo badbaado mudane!

Iyo weedhii uu yidhi faylasuufkii giriigga ahaa ee Heraclitus: haddii aanu legdan jirin horumar ma jireen!

Aadanuhu waxa uu la il daran yahay jacayl la’aan, nabadgelyo darro, nolol-rabitaan la’aan, adkaysi uu u yeesho xanuunnada, cadaab, dulmi iyo kala sarrayn.

Iyo weedhii ay Roomaanku ku xardhi jireen irridohooga: halkan ayuu badhaadhuhu jiifaa!

Waayo waxay weedhaa ka ag qotimiyeen calaamad u taagan jinsiga…waxay ka dhigan tahay badhaadhuhu waa dareenka jinsi uun.

Iyo weedhii uu yidhi Fritz Baltes, nafyaqaankii Jarmalka ahaa, ahaana faylasuufyadii cilminafsiga Jaldaadishka: aniga tayda ayaa I cuslaysay, adigana taada, kuma khasbani in aan u noolaado sida aad rabto, adna kuma khasbanid in aad u naalaato sida aan rabo…waxa aad tahay waxa aad tahay, anna waxa aan ahay waxa aan ahay…haddii aynnu si kama’ ah meel isugu imanno waa eeshcalaa, haddii kale maxaan samayn karaa?!

Aadanuhu dunidan keligii ma dhex joogo..inkasta oo uu aadanuhu milyan sano soo taagnaa, kuna abtirsado qoys ka da’ weyn boqol kun oo sano, haddana weli qoysku waa unugga keli ah ee lagu tolo dunta taariikhda.

Gabyaagii jarmalka ahaa ee Brecht ayaa yidhi:

Waxay I leeyihiin: cun oo cab oo iska nafis…laakiin ma cuni karayo cunto aan ka soo dafay afaf gaajaysan iyo cabbitaan aan ka soo faramaroojiyey debno oomman…haddana waanigan cunaya ee cabbaya!

Aadanuhu waxa uu ku dul noolaa qalfoof aadane kale iyo ka faa’idaysiga iyo jaqidda dhiigga aadane kale iyo neefsashada hawo aadane kale..haddana wuu ka dhiidhiyayaa waxaas oo dhan..isaga oo ku cayaaraya ereyada oo odhanaya maqluubka “LIVE” oo nolol ahi waa “EVIL” oo shar ah.

Haddana noloshu weli way u qalantaa in uu aadanuhu noolaado..wuu qurxistay..wuu is khiyaameeyay raallina wuu ku yahay..haddana wuu diiddan yahay si uu u sii wato nolosha isaga oo nolosha ka soo horjeeda kuna tiirsan..sida shinbirka hawada isku shareera si uu hawada uga hortago isla hawadana u fuulo..iyo sida doonta mawjadda ka hortagta…laakiin iyada ka kor marta iyadana ku kor marta haddana ka hor tagta.

Faraacintii hore qolqollada ayay dhigan jireen sanduuqyada mawdka iyaga oo cuntaynaya si ay ugu xasuustaan in geeridu tahay dhammaadka noole kasta..dhabta keliya ee nolosheenna la hubaana tahay geerideenna..sida uu yidhi faylasuufkii Sartre: haddii aad garab istaagto ilmo yar, ma hubtid in uu sii noolaan doono..inuu bedqabi doono..inuu boqor noqon doono..adoon inuu ahaan doono..iyo inuu danbiile noqon doono toona…laakiin waxa keli ah ee aad hubtaa waa inuu dhiman doono.

Waxa kalood hubtaa in haddii uu noolaado uu la daalaadhici doono dhammaan dhimashooyinka jidh ahaaneed, nafsi ahaaneed, akhlaaqeed iyo ruuxi ahaaneedba.

Aniis Mansuur

Ash-Sharq al-Awsad

http://aawsat.com/leader.asp?section=3&article=642188&issueno=11990

 
Leave a comment

Posted by on September 26, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: