RSS

Waddaniyadeey Maxaad tahay?

14 Aug

 

W/Q Axmed Ismaaciil Maxamuud
“Axmed Deeq”
Ogost 13, 2011 

Dadka waxaan ugu dhego nugulahay ruuxii iiga sheekeeya badaha fanka iyo qiimaha ay waddaniyadu leedahay. Maanka iyo madaxaba waan u ruxaa, oo haddii aanay sheekadiisu milix iyo basbaas lahayn waxaan isku dayaa inaan maraq digaag iyo xawaashba ugu daro. Haddii ay leedahayna waxaan u dhadhansadaa sidii cad jiidha oo igu tegay. Marka uu qofkaasi I leeyahay: Dadkeennii maxaan u qabannay, maxaynuse u qaban karnaa? Ayaan jidhiidhicoodaa oo qolof wayni iga ka kacdaa, waxaana tin iyo cidhib I saaqda qiiro iyo qaracan wada socda. Marka aanu sheeko dhamaysano ee uu ruuxaasi iga tago, waxaan dareemaa raaxo nafsadeed iyo laab furnaan. Waxanan u qalab qaataa wax akhris, wax qoris ama wax qabad.

Waxanan ugu dhego adagahay qofka iiga sheekeeya qabyaaladda iyo u kala sheekaynta dadka wada dhashay. Sheekadiisu haddii ay malab ka macaan tahay, waxa igu qabata lalabo iyo matag. Waxanan kolba isku dayaa inaan mawduuca sheekada dhan kale u rogo. Marka uu iga tagana waxaan dareemaa cidhiidhi nafsadeed iyo wahsi adduunyo oo waxba ma qaban karo, haddii aanan is hiifinba. Mana yara inta aan arko labada qolaba.

Haddaba farriin ashqaraar iyo yaab igu dhalisay  baa maalin dhawayd igu soo dhacday, iguna dhalisay u qalin qaadashada qormadan oo markii hore si kale iigu dhignayd. Farriinta dulucdeedu waxay daarnayd waddaniyada iyo qiimiga ay u leedaha banii’ aadanka. Waxayna u dhignayd marka laga tago wixii anniga igu saabsanaa sidan: “Waddaniyadu waa wax aad u qiima badan oo hawada aan neefsanaynno inooga dhigan. Waxaanan is idhaa Axmedaw, haddii aanay diini jirin waddaniyadu waxay u qalantay in la caabbudo. Haa, waxaan noqon lahaa dadka caabbuda” X.W.

Erayadani waxay igu abuureen muraaqo iyo maan burur, anniga oo jibbaysan waxaan u cayntaariyay xaggii gurigayga. Intii aan sii socday waxaan la haasaawayay cawadayda iyo ayaankayga. Waxaanan cod laxamaysan ku qaadayay midhahan oo maanku iigu deeqayay:

Haddii aanay diin jirin, waddaniyadeey, 
Daa’in ii cadhoonayn, waddaniyadeey,
Naarta dubuq i siinayn, waddaniyadeey,
Inta aan ku doortaan, waddaniyadeey,
Duhurkiyo allaylkii, waddaniyadeey,
Illaa waagu daalaco, waddaniyadeey,
Digrigaaga wadi-laa, waddaniyadeey.

Anniga oo heehaabadkaa ku jira ayaan qolkaygii dalam idhi, waxaan la soo kala baxay buug gacanta aan ku qoro oo iigu magacaaban “Buugga murtida iyo mahadhooyinka indheer garadka” Buuggan waxaan ku qoraa hadal kasta oo xikmad xanbaarsan oo aan u arko inuu I anfacayo. Dabadeed baalashii aan ku tuhunsanaa inay ku xardhan yihiin wax waddaniyada ku saabsan ayaan si toosa u galay. Waxaan kolba dhan ka eegaba, waxaan ka waayay odhaah garab istaagi karta hadalkan xeel-dheerida iyo xirib badnaanta kulansaday ee ah “Haddii aanay diini jirin waddaniyadda waan caabbudi lahaa“.

Dabadeed inta aan buuggii isku laabay, koob shaaha oo cadaysana qac ka siiyay; qolkana hoosta ka xidhay ayaan fikir iyo falan-qayn hor leh galay, waxaan is waydiiyay waa maxay waddaniyadu? 

Waa dareen dal iyo dad jacayl oo qofka gudihiisa ku abuuran. Dareenkaasi wuu ka xeel dheer yahay xaflado la qabto iyo heeso afka baarkiisa laga qaado. Waa shucuur iyo qiiro aad u qabto dalkaaga iyo deegaankaaga; waa damqasho iyo diirnax aad u hayso dadkaaga iyo duunyadiisa. Waa wel wel iyo walaac ku soo food-saara markasta oo aayaha dalkaagu liito. Waa farxad iyo rayn rayn ku saaqda markasta oo aad aragto dadkaagii oo nabad iyo barwaaqo ku naaloonaya. Waa dareen macaan oo ku hilmaansiinaya dawga qodxaha leh ee aad dul socoto iyo duruufaha nololeed ee kugu xeeran. Wuxuuna kugu dhalinayaa adiga oo aan ammaan iyo adduun midna rabin inaad maalkaaga, muruqaaga iyo maskaxdaada u hurto dadkaaga iyo dalkaaga.

Haddaba waxa is waydiin mudan dareenka qiimihaas lihi ma mid lagu dhashaa baa  mise waa mid la isku dhaliyo? Waa mid lagu dhasho, wuxuuse u baahan yahay korin, kobcin iyo kool koolin. Haddii uu waayo maxaa dhacaya? Waxa dhacaya waxa Soomaali haysta. Oo Soomaalida maxaa haysta? Waxa ka dhintay dareenka waddaniyadeed. Sidee buu uga dhintay? Wuxuu uga dhintay markii aan yaraa maan maqal, mana arag wax u tafa-xaydan dareenkaa iyo taabo galintiisa, dadkuna waa ila wada mid. Haddaa sawdinka mar walba hadal haya waddaniyadda? Shayga inaad hadal haysaa way sahlan tahay, inaad ku dhaqanto ayaase runna. Ma dareemi jirtay waddaniyad markii aad yarayd? Wax yar baan dareemi jiray laakiin waan baqi jiray oo waxaan is odhan jiray waa lagula yaabi. Ma fulay baad ahayd? Maya, ee bulshadaa iga dhigtay fulay. Haddaa maxaa keenay inaad cabsan waydo hadda? Qurbaha aan u soo baxay. Sidee buu u keenay? Waxaan imid meel lagu faanayo waddaniyada iyo qiimigeeda, lagu dhaadanayo oo dhidid, dheecaan iyo dhiigba loo hurayo. Markasaa dareenkaygii yaraa ee baquhu daashaday dib u biqlay oo uu dabarka goostay. Oo qurbuhu muxuu dadka u soo baxay oo dhan u bedeli waayay? Waa qof iyo garaadkii, waxaanse kuu sheegayaa in dad badan oo uu bedelay ay jiraan. Maxaa loo arki waayay dadkaa? Sidaan hore kuugu soo sheegay waddaniyadu hadal kaliya maaha ee waa ficil, markaa dadkaasi ficilka ayay ku hawlan yihiin baa laga yaabaa. Wax mala-awaala uma baahni ee i tus oo I taabsii Soomaali ku hawlan waddaniyad? Way jiraan sababtase ay u muuqan waayeen waxa weeyi iskama war hayaan oo qof waliba waxa uu is leeyahay dareenkan waddaniyeed waa mid adiga uun kugu kali ah oo cid kula qabtaa ma jirto. Markaa maalinta ay dadkaasi is ogaadaan ama iska war helaan ayaad si toosa u arki doontaa waddaninimada Soomaalida. Maalintaasi ma qiyaamahaa? Maya, waa maalin aan dheerayn ifafaalaha muuqda. Soomaalidii hore waddaniyad ma lahayd? Haa, way lahaayeen, oo waliba mid bilaa xuduuda ayay lahaayeen. Maxaad ku cadaynaysaa? Miyaanad maqal Yuusuf Xaaji Aadan AHN iyo tixdiisiisii “Dhagaxyahow”? Ma maqal ee maxay ku saabsanayd?.

1952 ayuu Ingiriisku xammili waayay ololihii gobbanimo doon ee Yuusuf X. Aaden, ka dib wuxuu go’aansaday inuu waxbarasho dibadeed u diro. Dalka markii uu ka sii baxayay Yuusuf wuxu sii qaatay dhagax uu weheshi iyo waddan jacayl ka dugsanayay. Isaga oo Ingiriiska jooga ayaanu tixdan u tiriyay dhagaxii.

Dhagaxyahow aqoon iyo(1),
Aqli kaama muuqdee,
Eebbihii ku uumaa,
Sidan kuu abuuree,
Arligiyo dalkii baan,
Kaa urinayaayoo,
Aroorta iyo fiidkii,
Marka aan ku eegaba,
Indhahay qabooboo,
Uurkay samaadee,
Ayl iyo awaariyo,
Agagaarka Laamiyo,
Adari buuraheediyo,
Almis oon arkaayaad,
Aniga iiga dhigantee,
Arday kugu ciyaariyo,
Aadmiga dhamaantii,
Inaan kaa ilaashaan,
Axdi kuugu qaadee,
Iska ool agtaydaa,
Naftaa ku ogolaatee.

Waa tahay, allahayow u naxariiso Yuusuf Xaaji Aadan iyo intii la wadan jacaylka ahayd ee dhimatay. Allahayow intayada noolna na dareensii qiimiga wax wada qabsiga iyo waddaniyaddu leedahay. Aaammiin…….Aammiin…………..Aammiin

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq),
Email: Awliyo177@live.com

——————-

1. Heestan Yuusuf waxaan ka qoray buugga Boobe Yuusuf Ducaale ee Dhaxal-Reeb

 
Leave a comment

Posted by on August 14, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: