RSS

La soo gaara maatidu waxay geliso uurkeeda

02 Aug

 

Indhawaydba bilaynta ma gelin iyo bilowgeede

ba,da xaraf beryahan jaalkayow baabkeed furine

Bismilaahi dhaha waa bushriyo baabsan soo baxaye

Suugaanta waa boqolkuniyo bur iyo dheeraade

Ninba bayd ayuu helay sidii beer baxdoo kale e

Bal aan maanta baaqiyo u diriyo boorris qoladayda

 

Bilowgii colaadbaa jirtiyo baabba‘ xoog badane

Maanta abaar baaxadlaa haysa beledkiiye

Jilaal baraahsaday  diraac boodhka kicinaysa

Roob baaqday oon ceel biyood lagu arooraynin

Ninkii baarcad geel iyo lahaa boqol lo,deeniya

Ama  beera iyo xoolo badan  boqorku deeqsiiyay

Biyo li,i  abaar baa heshiyo  baahi xoog badane

Geeslaydii way baa, badoo, geelii kala baydhye

Buqul caano lagu maalayiyo   badhax  ma haystaane

Bani aadankii caawin jiray  baaqsay gebigoode

Barbaariyo ciroolaba  baahibaa maanta loo baxaye

Fariin baaxadweynliyo maqlaay baaqa hadalkayga

Bulshyahay aduun berisamad kuma dhamaaysaane

Baradeena hooyiyo dhulkii beledul soomaali

Bixisiyo colaadiyo abaar cudura buux dhaafa

Ayaa baadiyaha ku dhacay beled ninkii joogay

nimankaa banduuqyada sitee belada  goobaaya

nimanka booskii soomaaliyeed been ku maalaaya

iyo baarlamaankaan mar qura baajin xumaheena

ee bixiso mooyee marna samo ku baaqaynin

Nimanka bahadaha gooshayiyo baacmushtarigeena

Iyo kuwa belaadada qurbaha  farax ku boodaaya

Boqolaal kunoo ruux hadaad beesad ugu deeqdo

Oo laysu soo baxo banaan ruuxba bixintiisa

Ways biirsataa oo waxay noqon bilyuunaade

Waan baajin karaynaa dadoow belada guuxaysa

Dadkuna baahi buu dhimanayaa beriga maanta ahe

Beledkeenka buur iyo banaan  baas ayow baxaye

Balcad iyo  banaankiyo warsheekh beledka waaxweyna

Bandarkii shabeeliyo taniyo beledka hiiraana

Bay iyo bakooliyo jubiyo gediyo baardheere

Banka  cadale teeriyo hobyo beledka ceelbuura

Baylah weeye maanta gebigood baadka laga waaye

Isu soo bax baa nagu haboon buun la yeersado e

Gurmad  iyo badbaadaa haboon maanta loo baxo e

Burburka iyo dagaaladii hore badi na naafeeyay

Baaska iyo boobaha dhaciyo BMkiyo tuuga

Baasuukayaashaa qarxiyo bomamka loo aasay

Buulkoodii oo wada gubtiyo baradii hoygooda

Maantana biyiyo baad la,aan baa u dheeriya

Iyagoo basbeelaa  abaar ba,ani haysaaye

Boqolkaad dirtaa waxuu baxshaa baahi xoog  badane

Bulshyahay  baraaraha aduun waa  bil iyo dhawre

Waxaad bixisa uun baad heshaa  maalintii ba, ane

Boqorkaa idiin wada bedeli  boos idiin geline

Bilaahi waa dhabtii iyo halkii la isu baahnaaye

Ninba  baaxadiis waa inuu bixiyo hayntiise

Badbaada alla  laga helaa boqorkii waynaaye

Beriba waad heshaa beesadaad maanta bixisaaye

Is badbaadiyuu inagu yidhi boqor ilaaheeye

Isu beernaxaa layna  yidhi  maalintii ba,ane

Isku booqda baa layna yidhi kay bestiisa ah

Is buddhigaya ayaa layna yidhi kii markaa baxa,e

Isku baaqa samahaa la yidhi kii baraad u lehe

Intaasaan ku soo baabayaa baaqii aan diraye

Idinkuna bulshooy  maqal xaq waa lagama baydhaane

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 
Leave a comment

Posted by on August 2, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: