RSS

Qaraxyada Norway: Farriinta midigta durugsan

26 Jul

Reer galbeedku waxay sameeyeen khalad weyn oo istaraatiiji ah markay islaam-ka-bacowga kaga mashquuleen xagjirka kiristanka ah! Dadaal badan ayay ku bixiyeen buunbuuninta islaam-ka-bacowga iyaga oo aan hoodh ku qoysanayn ta kiristanka cuqdaddu buuxisay. Qiime sare ayay bixinayaan maanta…xasuuqa Norway. Ninkii ka faallooday waxa uu yidhi: Sida ay Salafiyadu u tahay hooyada Jihaadiyiinta ayay Ropert Spencer iyo xertiisuna (a satanic group of American bloggers) u yihiin hooyada kiristaanka xagjirka ah.

Ninkii dhawaanta sameeyay qaraxyada Norway ayaa la leeyahay waxa raadeeyey qoraallada  koox islaam-ka-bacow qabta. Markii la eegay hadallada minguuriska ah ee ku yiillay mareeg yar oo uga qoolan edegta weyn ee caalamiga ah (Internet), ayaa waxa ka buuxay hadallo badan oo gurracan oo uu ka soo xigtay Ropert Spencer, ninka leh jihadwatch.org iyo gatesofvienna.blogspot.com. Kan iyo marka la isku xidho kii sannadkii 1995-kii qaraxyada ka sameeyay Oklahama City waxa soo baxaya in ay wax badan wadaagaan. Ugu horrayn labaduba waxay ka cadhaysan yihiin wax ay u bixiyeen “guuldarrada dawladahooda ee xakamayn la’aanta muslimiinta”. Anderis Behring, ninka sameeyay qaraxyada Norway, waxa uu sheeganayaa in uu sidaas yeelay ka dib markii uu arkay guuldarrada xisbiga shaqaalaha Norway ee ku aaddan xakamayn la’aanta muslimiinta!

Arrintani waxay gilgishay kooxo islaam-ka-bacowga ka baayac-mushtara. Jihadwatch.org iyo gatesofvienna.blogspot.com oo kale. Waxa la sheegay in bayaan 1500 oo bog ah oo uu xasuuquhu qoray ka soo xigtay labadaa xagjir odhaahyo badan oo ku liddi ah muslimiinta. Eeg hadallada uu ka yidhi eedayntaas Gates of Vienna sida ku qoran maqaalkoodii bogga hore ee maanta: We have unusual traffic to this website right now because of the massacres that took place in the Oslo region this Friday, July 22. Apparently, the person who is currently suspected of having committed these atrocities and murdered nearly one hundred people in cold blood, Anders Behring Breivik, has quoted me and this website in a book he has published”…“No, I have never met Anders Behring Breivik in my life. He doesn’t even know what I look like”.Qoladan warkoodu waa caddaan oo wejiga hore ee boggooda waxa ku dhigan: “At the siege of Vienna in 1683 Islam seemed poised to overrun Christian Europe. We are in a new phase of a very old war”.

Muslimiinta ha laga dabargooyo dalalka reer galbeedka oo dhan! Haddaan sidaa la yeelin farriimahan oo kale ayaan diraynaa weeyi aragtida xagjirka kiristanka ah ee gacansaarka la leh midigta fog ee siyaasadda reer galbeedku. Wallee hawl baa u taalla odayaashii daaha dabadiisa sunta ugu laaqi jiray muslimiinta.

 

 
Leave a comment

Posted by on July 26, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: