RSS

Yaman: Dulmigu wuu dillaacaa

05 Jun

Daraasad ay 2009-kii samaysay hay’adda waxbarashada iyo funuunta ee Jaamicadda Carabta ayaa ku tilmaantay Yaman in ay tahay dalka ugu aqoonta liita dunida carabta (aqoonta maaddiga ah). Xitaa Soomaaliya way ka hoosaysay, xagga Muritaaniya ka gashay tobanka dal ee ugu sarreeya. Adba waad dareemaysaa taas marka aad dhex gasho bulshada Yamanta oo, tusaale ahaan, Soomaali af ingiriisida jajabsada ayaa intuu farmasi iska furto dhakhtar ahaan uga ceesha. Waa bulsho iska cagaagan, maskax madhan haddana kibir cirkaa isla maraysa. Aqoon darradooda waxa caddaynaya in jaamadihii ugu horreeyay dalkooda ka tisqaadeen siddeetanaadkii qarnigii tagey. Xagga wacyiga iyo wacaalaha dunida waxa aad mooddaa in ay boqol sano innoo dhaxeeyaan. Ninka Yamaniga ah dunidiisa oo dhami waa Yaman lafteeda iyo hadduu fogaado Sucuudiga. Bes. Tusaale ahaan ardayga Yamaniga ah in deeq waxbarasho laga siiyo UK iyo in laga siiyo Bangaladhesh, waxa uu jecel yahay ta danbe (malaha in ay muslimiin yihiin uun). Wax kale ma ahee maba laha wacyi sidaas ah oo uu ku kala saaro labadaa dal. Way dhacday arrintani oo xog-ogaal ayaan u ahaa.

 

Dhinaca kale marka aad sii fiirfiiriso qaab dhismeedka bulshada Yamanta waxaad is odhanaysaa waa halkii balaayada inna bartay. Beel beel hoostaa iska wada huruufaysa oo laabta isu wada tumaysa. Anaa Bakri…anaa Xaashidi…habar heblaayaan ahay…reer hebel baan ahay. Hadda wuu cagaagan yahay oo wallaahi qolofta cagihiisa saaran iyo uskaga waad yaabaysaa. Uskagga iyo caqliga madhani se uma muuqdo mar hadduu reer Bakri ama reer Xaashid yahay; shidanaaba shidan.

 

Bulsho sidaas habayacsan u taal in 32 sano nin iska huursadaa wax lala yaabo ma aha. Way iska qayilayeen ilaa dumarkoodu oo 32-ka sano ugama duwana maalmo yar. Laakiin waxa jira wax dulmi iyo baahi la yidhaa oo aan bini-aadan dunida joogaa u adkaysan karin. Sida uu doono ha u baaba’sanaado, waa kii mar uun ka gilgisha. Markaa, siday doonaan ha ahaadeene, hambalyo shacabka Yaman ee xorta ah. Soddon iyo laba sano oo dulli, dulmi iyo daadduunnimo ay ku jireen 24 Milyan oo ruux ayaa maanta u eg inay soo afjarmayso. Cali Cabdallaha buka ma waxa ku fillaan waayay 32 sano oo uu dhakada kaga taagnaa ummad dhan; oo weliba maanta aan wax kale ka rabin ee fadlan na dhaaf leh? Ma waxa uu fahmi waayay waxa ay rabaan boqollaalka kun ee fagaaraha xorriyadda ee Tacis ku xoonsan iyo boqollaalka kun ee kale ee Sanca bacadkeeda qawlallada ka xunbaynaya “Irxal…irxal…irxal”. 32 sano oo uu dulmi, dulli iyo daadduunnimo biday 24 Milyan oo ruux? Hadda 32 sano! Abaalkii ayaa helay markuu Sanca ka hulleelay isaga oo dhaawac ah oo dhareerku ka da’ayo. Dufkubax, dib uma soo noqdo.

Qoraaga qallinka macaan, Khaalid Xasan, ayaad ligaxan maqaalkiisa ka akhiryi kartaa: 

http://alasr.ws/index.cfm?method=home.con&contentid=11892

 
Leave a comment

Posted by on June 5, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: