RSS

Turki ama Soomaali: Kab iyo xaarkeed

30 May

In yar ila eeg buuggan “Germany Is Doing Away with Itself” ee uu Sarrazin dib ugu fagayo axal la is lahaa waa laga faraxashay in badan na ay reer galbeedku ku baaneen ka bogsashadiisa.

**********************************    ***********************************

“Muslimiintu waxay qudhminayaan dalkayaga” ayaa uu yidhi Thilo Sarrazin, xubin hore oo ka tirsanaa bangiga dhexe ee Jarmalka.  Buuggiisa la isku jaray ee “Jarmalku isaga ayaa is bi’inaya” oo markiiba laga iibsaday in ka badan 1 milyan oo nuqul ayaa Sarrazin waxa uu leeyahay “muslimiintu dhaqaalaha dalka oo keliya uun hoos uma jiidayaane waxa kale oo ay dhulka la simayaan maskaxdii dadka Jarmalka ah”. Waxa uu ka hadlay meelo badan oo uu kaga dhawaaqay in muslimiinta (kuwii hore iyo kuwa hadda soo geli raba ba) loo diido dalka Jarmalka. Wuxu yidhi “marka aan TV-yada ka hadlo, dadku waxay yidhaahdaan ‘ma ihi Nazi mana ihi mid raacsan aragtidii Nazi-ga laakiin haddana buuggani wax weyn ayuu ka beddeley aragtidii aan ka haystay muslimiinta”.

Dhibaatada ay muslimiintu Jarmalka ku hayaan waxay soo bilaabatay 1961-kii markii loo baahday xoog qabta shaqo hoosaadka ee ay turkidu sida daadka ugu soo jabeen. Maanta muslimiinta Jarmalka ee 4.2 Milyanka ah, 3.2 Milyan waa turki, inta kalena waa carab (The economist waxa uu laba sano ka hor  sheegayey in turkida Jarmalka ku nooli yihiin 2.6m; mooyi balaayo qaaddaygani meesha uu ka keenay 3.2m-ka).

Sarrazin buuggiisa waxa uu ku dhigay “dhaqan ahaan iyo mooral ahaanba muslimiintu dib ayay u jiidayaan bulshada Jarmalka”, waxa uu ku daray “haddii korodhka bulshada muslimiinta ah ee Jarmalka ku nooli sidan u socoto, wakhti yar dabadeed bulshada iyo maamulka Jarmalkaba waxa hantiyaya muslimiinta waxayna abuurayaan bulsho wada dhamaas ah (dunce = a person who is stupid or slow to learn)”.

Wargeyska Berlin ayaa is weydiiyay: “ Maxaa la samayn karaa haddii 66 sano ka dib markii la mamnuucay buuggii cunsuriyadda ee Hitler “Mein Kampf” ay maanta isla aragtidiisii oo ka ribbani isu rogtay ta loogu jacaylka badan yahay Jarmalka dhexdiisa?”  Afti la qaaday soo bixiddii buuggan Sarrazin dabadii waxay sheegaysaa mucaarado xooggan oo loo hayo muslimiinta. Afti October 2010 la qaadayna waxay iftiimisay in 30% in ka badani qabaan in Jarmalku dad xaqannaas u faragalay; xagga 60% kalena leeyihiin ha la joojiyo wax islaam sheegtaba.

***********************************    *************************************

Sidaas ayuu u hadlayaa isaga oo og xaqiiqada ay qirayaan aqoonyahanno badan oo reer galbeed ahi. Khayr iyo shar waxa ay muslimiinta turkiga ahi ku soo kordhiyeen dhaqanka iyo dhaqaalaha Jarmalku waa sidan:

  • 40% shaqaalaha turkiga ah ee Jarmalka joogaa waa khubaro aan lagaga daba hadal shaqada ay qabanayaan. Wax badan ayay ku soo kordhiyeen dhaqaalaha Jarmalka; taas waxa tusaya in 70,000 oo maalqabeen oo turki ahi ku nool yihiin Jarmalka. Waxa kale oo jira tiro badan oo dhakhaatiir, sharciyaqaanno, injinneerro, ciyaaryahanno, saynisyahanno iyo farshaxanno ah. Hana illaawin in Professor-ka ugu da’da yar ee Jarmalka joogaa yahay wiil Turki ah.
  • Dabacsanaanta iyo kartida xallinta khilaafaadka waxa sitay oo dadka Jarmalka ah ku tallaalay turkida la hiifayo. Sida la og yahay dadka Jarmalka ahi waxay caan ku yihiin dhaqanka adag ee maskaxmaalka ah (ee aan lahayn dareennada kale ee ilaahay aadanaha ku abuuray sida; jacaylka, iscaawinta iyo isku naxariisiga), turkidu waxay dhaqankaa ku iidaameen dhaqanka dabacsanaanta iyo isu laabfayoobaanta kaas oo dhaqankii Jarmalka hodmiyey. Xitaa cuntadii koobnayd ee bayoolaji ahaan dabeecad xumada iyo adadkaanta ku abuuraysay dadka Jarmalka ah, turkidu way fasaqeen oo mid ay macaankeeda ilaa xusullada ka leefaan ayay ku soo biiriyeen.
  • Waagii hore tukaannada waxa la xidhi jirey wakhti aad u horreeya, 6:00am, laakiin markii turkidu Jarmalka soo galeen ilaa saqda dhexe ayaad tukaanka aad doonto helaysaa. Xitaa turkidu waxay beddeleen saacadihii qallafsanaa ee booqashada rugaha caafimaadka ama jeelasha. Waxay ka dhigeen 24/7 waana mid bini-aadannimo oo loo baahnaa.

Buuggaasi wax kale ma aha ee waa tusaale kale oo ifinaya aayadda Ilaahay leeyahay “Ha u fadhiyin in Yahuud iyo Kiristaan raalli kaa noqdaan ilaa aad diintooda qaadato…”Suuradda al-Baqara.

Haddii turkidii xadaaradda, nidaamka iyo nadaafadda ba caanka ku ahaa sidaas Sarrazin loo wada  hiifayo, maxaad u malaynaysaa Soomaalida fadarada ah ee dalalka reer galbeed martida u ah? Maxaad ka filaysaa in soomaali xun oo qallalan oo dhulkiisii soo gubay ku kordhin karo nin cad oo marka horeba xasharaad u haystay? Cid kasta oo ka hayaantay dunida muslinku wax ay ku faanaan oo ay indhaha kaga dhuftaan caddaanka cunsiriga ah ayay haystaan, soomaaligu muxuu sheegan? Soomaalidu jawaab keli ah ayay bixiyaan marka la joogo waxa ay ku soo kordhiyeen dalalka ay martida u yihiin. Haddaan daacad ahaado, midi waa in ay ganacsi koraya leeyihiin, ta labaadna waa in ay dacwadda islaamka si xooggan u wadaan. Ta hore, ganacsiga ay sheegayaan ma dhaafsiisna rubuc-miiskii ay Soomaaliya ku yaqaanneen, ama haddii si kale loo yidhaa ma laha maskax ganacsi oo la tartami karta qayrkood. Ta danbe ee dacwadda miyaa, dadku may waasheen meeshu miyaanay ahayn ubucdii Kiristaanka? Soomaalidu miyaanay weli fahmin in dagaalka diimuhu meeshii ugu xumaa marayo? Ma raalli bay ku yihiin iyagu in magaalooyinkooda kaniisado laga dhiso dugsiyo Bible-ka iyo laahuut-ka lagu bartona laga furo? In aan dacwadda ugu roon nahay waa xaqiiqo jirta, waxa kale oo xaqiiqo jirta  ah in aan wacyi ahaan iyo aqoon ahaan ugu hoosaynno bulshooyinka aan la hayaannay, taasina inna siisay kalsooni xad dhaafa oo innoo sahashay in aan yeelanno dhiirrinaan xad dhaafa. Libaax nimaan aqoon baa lax ka rita.

Ilaasho diintaada, laakiin intaas uun ma ahee yeelo karti kale oo aan lagaa dafiri karin si aad u ilaaliso diintaada iyo karaamadaadaba. Haddii aanad lahayn wax aad ka iibiso caddaanka aad la nooshahay, tusaale ahaan akhlaaq wanaagsan, diinta foolxumo ayaad ku tahay. Isla markaana waxaad luminaysaa kanshe isbeddel togan lagaga dhalin lahaa debedda.

Bal foolxumadan xaqiiqada ah ee cunsurigan diin nacaybku buuxiyay qorayo eeg:

PAUL L. WILLIAMS, PH.D.

The Jamestown Sun reports that 400 Somalis have applied for public housing in the past four months. The Somali immigrants in Garden City, Kansas and nearby small towns have created the Somali Community Center of Southwest Kansas in order to tap into public welfare programs. Within this section of the heartland, white Christians have become the minority.

In East San Diego, the newly arrived Somalis have created a Little Mogadishu. The streets are lined with Somali stores, shops, and mosques. In the midst of this ethnic enclave stands the Iftin Charter School, where K-8 students are introduced to Arabic. 99% of the student population is Somali; Arabs constitute the remaining 1%.

The American Somalis now display the highest unemployment and poverty rates in the country. They also remain the least educated. According to Andrew Liepman, the deputy director of intelligence at the National Counterterrorism Center, Somali-Americans face “greater insularity compared to other, more integrated Muslim immigrant communities, [which] has aggravated the challenge of assimilation for their children.”

This problem is crystallized by the present situation is Lewiston, Maine, where African Muslims, many from the Bantu tribe, began arriving in 2001 at the rate of 100 a month.

Mohammed Maye, the president of the African Community and Refugee Center in Clarkston, Georgia posted a map of Lewiston on the wall of his office. “Go to Maine,” he advised the Somali immigrants. Abdullahi Abdullahi, the president of the Somali Community Development Organization in Clarkston, upheld this advice by telling his fellow countrymen that, unlike Georgia, Maine has terribly cold winters, but “the welfare system is better.”

Lewiston, indeed, was better. The small town in Maine with a population of 30,000 provided welfare to anyone in need, with the state picking up half the tab. Recipients, including the Muslim refugees, were allowed a generous five years of assistance before their benefits became terminated, and extensions for several additional years on the public dole were not difficult to obtain. Single parents could stay on welfare and go to college.

Public housing was also available, although, with the influx of Somalis, the housing projects became packed to capacity. Many of the new project dwellers were single Somali mothers with large broods of children. Those who are unable to obtain public housing were handed Section 8 vouchers, which the federal government provided to subsidize their rent in private apartments. The northern city with its frigid climate became welfare heaven for the arrivals from the vast desert areas of northern Africa.

The newcomers have shown scant interest in securing employment. When Renee Bernier, the president of the Lewiston city council, offered to hire 30 Somalis at the rate of $8 to $10 an hour to hold warning signs at construction sites, few displayed interest. The handful, who did apply, said that they were only willing to work between the hours of 10 a.m. and 2 p.m. The Somali population of Lewiston now exceeds 40,000”

Lewiston waa magaalo yar oo Soomaali Bantuuga sida sonkorta loogu miisay. Qof aan weligii suuli biyo leh gelin, gaadhi cag uu leeyahay saarin, iftiin ka qorraxda, dayaxa iyo dabka aan ahayn arag, marka la geeyo State of Maine oo kale oo ay deggen yihiin lacagleyda maraykan, hoyna u ah American gay association iyo American feminism movement oo labduba ah sheekadii uu ninka Ciise isu toorriyeeyey, miyaanad filayn hadalladaa sare iyo mid ka foolxunba?

Ugu danbayn mid bay tahay in waaqica laga dhugto; haddaad wax hagaajiso oo aad Turki tahay waxaa lagaa qorayaa buug, “Germany Is Doing Away with Itself”, haddaad Soomaali tahay oo aad wax biiso na waxa lagaa qorayaa maqaal, “SOMALI MUSLIM IMMIGRANTS turning American small towns into Islamic welfare enclaves”. Bes, xikmad kaleba ma jirto.

http://barenakedislam.wordpress.com/2010/07/15/somali-muslim-immigrants-turning-american-small-towns-into-islamic-welfare-enclaves/

http://thelastcrusade.org/2011/01/29/%E2%80%9Cislam-lowers-intelligence%E2%80%9D/#more-1539

 
Leave a comment

Posted by on May 30, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: