RSS

18 May: Ubax baa laysu dhiidhiibayaa, farxad baa laysla dhaadhaafayaa!!

22 May

Wq. Cabdillaahi Cawed Cige
May 21, 2011

Somaliland waa ku cudur dadka qaarkiis, weliba mid aan dawo lahayn. In ay tagtay, ka maqnayd maamul, maamuus iyo talo Soomaaliweyn muddo labaatan sannadood ah weli dadkaas kuma soo duxin. Ma jiro xadiis iyo aayad lagu akhiriyi karo dadkaas oo tusi karta xaqiiqada Somaliland. Sidaas aawadeed in waxsheeg lagula daalaa waa ‘maskaxfaar’.

Yeelkeedee, waa halkii Sahra Axmede “bal aan heesaha ku dayo”, bal aan mar kumaadkii ugu celiyo in: Somaliland, 18ka May, SNM, xuduudaha, go’aan qaadashada, aaya-ka-tashiga iyo waxaas oo dhammi yahay go’aan dadweyne.

Meyd maxaa u dambeeyay? Iyo kaas la sii siday. Jujuubayaasha xadiisku mari la’ yahay waxa u dambeeyay Cali X. Cabdalla oo maqaal af qalaad ku xardhan ku soo daabacay bogga WardheerNews.

“Jigjigiyo Ogaadeen haddii, jabay ka soo yeedho
“Hadba jidaan bannaanayn wadaad, jiidhayaa yimiye…. A. C. Beyle.

Bal aynu eegno waxa wadaadkani na inagu soo kordhiyay.

Gunnimo:

Wuxuu Cali maqaalkiisa inoogu tilmaamayaa in; “Halka dadka gobta ah ee faanka mudani hawaystaan in ay u dabbaaldegaan maalmahooda xornimada ay qaateen ee qiimaha leh, waxa jira dad Soomaaliyeed oo isu arka agoomo Smiidh, Jaardiin iyo gumaystayaashii kale dhaleen”. Ha nixin ha na yaqyaqsoonnin, sababta oo ah waa fekerkii qoraaga waxa aan tilmaamayaa. Waxa se isweydiin leh; Reer Somaliland ma Ingiriis baa dhalay? Sheekadan xaggaad hore ugu maqashay? Haa, Ina Cabdille Xasan; Iiddoor wagaashliyo kufriga, wacad allow yaalle… Waa niman walaalo ah tan iyo waaga aakhiro’e.

Ferenji gumayste ahaa ayaa loo barooranayaa arrin aan ku sii tiigaalo ma aha, keli ah waxa aan jeclaystay bal in aan ra’yiga jujuubayaasha dadweynaha tuso. Haddii laga tegiwaayo waxa aan kaga baxayaa; xuduudaha Jamhuuriyaddii hore oo dhan waxa jeexay gumayste, haddii taasi cid gaar ah agoomo ka dhigayso iyo haddii kaleba.

Madax dadka duufsata:

Wuxuu maqaalku ina xusuusinayaa in agoomahaas Ingiriisku dhalay ay lumisay qaddiyad qabiil oo ay u laqimeen madax habowsani. Fekerka noocan ahi waa mid dhadhay oo jujuubayaasha laga fujin kari la’ yahay. Waxa markhaati aad u dhow kuugu filan jujuubayaashaasi waxa ay daliil marka ay doonaan usoo qaataan warqad uu madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” sagaashanaadkii qoray oo uu talobixin kaga dhiibanayay sida xalka Soomaaliya lagu gaadhi karo. Waraaqdaas waxa daliil looga dhigaa in madaxweynuhu Soomaaliweyn jeclaa, maantana jecel yahay. Haa, Nacam; waa madaxweynaha dadka ku jujuubaya inay go’aan iyo casabiyad qabiil kolka la raaco qoraalka Cali. Waxa kale oo iyana aynu ognahay in madaxweynihii koowaad ee Somaliland ku dambeeyay xerada Soomaaliweyn. Sidaasi darteed ra’yiga ah dadka waa la duufsadaa oo waxa u hargotuma madaxdooda waa mid khaayis ah.

Shiikha iyo calankii lagu gefay:

Goldaloolooyinka ugu balballaadhan ee qoraalka Cali ku noqday dalbajuuqaha raadxumada badan u soo jiiday waxa ka mid ah sharraxaadda uu ka dhiibtay asalka calanka Somaliland iyo meesha uu ka yimi. Wuxuu qoraagu inaga dhaadhicinayaa in calanku yahay kii Itoobiya, Shahaadada ku xardhanna laga soo dabatuuray. Waa dhab in midabada calammadu isu ekaadaan haseyeeshee Itoobiya? Waayo Kuwey d(Doogo, Caddaan, Casaan), Eeraan (Doogo, Caddaan, Casaan), Kurdiyiinta (Casaan, Caddaan, Doogo), Isutagga Imaaraadka Carabta (Casaan, Doogo, Caddaan, Madow) iyo qaar kale oo badan oo Muslimiin ah. Maxa calanka Itoobiya loogu ladhayaa kan Somaliland? Ujeeddada qoraagu leeyahay ma cadhayntii hore loo ogaabaa? In calanka Itoobiya HURUUDU ku jirto xisaabta ma ku darsaday qoraagu? Maya, Huruuddu indhihiisa waa midabkii uu doono, nin meeli u caddahaya meeli ka madow.

Taasi waxba ma’aha illaa aad gaadho isku walaaqanka aqoonta qoraaga ee Shiikh Aadan Siiro. Sida qoraagu innoo dhigayo Shiikhu wuxuu koolkooliyaa Allow naxiirasaygii Usaama iyo madaxweynaha Eeraan Axmediinajaad. Weger iyo ka waaweyn. Qoraagu xisaabta ma ku darsaday in Axmediinajaad yahay Shiico, labada nin ee kale na Sunni? Ma se og yahay in marxuumka iyo Shiikh Aadan Siiro urur ahaan sii kala jeedaan? Ma waxa aynu ku soconnaa ‘buuxi meelaha bannaan?’.

Qubanaha:

Qoraalka qaybihiisa kale waxa ay isaga boodayaan wacdi, ardaadhig, baayacmushtar iyo waano dhicis ah oo dhan loo qaadi lahaa ba ay sarbeebihii maqaalka lagu furay cidla joojiyeen. In madaxweyne Faroole gabadh HA ah qabo maxaa inooga faa’iido ah? Somaliland se miyay Harti ka mamnuucday in ay hablaha Hargeysa ama Burco jooga guursadaan? Dooddaada difaaceedu haddii uu halkaas gaadho sidee xaydaankaaga Soomaaliweyn u dhaafayaa xuduudaha kale?

Haddii maanta oo la joogo qoraagu qirayo in geelashu xuduudaha dalalka kale isaga gudbaan sidee aqoonsiga Somaliland geela daaqtegistiisa dhib ugu noqonayaa? Bal adba!

Gunaanad:

Midnimo iyo kalatag waa laga doodi karaa. Cabasho iyo eed waa la isu soo jeedi karaa. Waxa se murugo ah haddii mabda lagu saleeyo mindiroorto joogto ah, rayigaagu na ku sargo’naado midabada iyo hubqaadka mar ba cidda aad cadowgaaga siyaasadeed u aragto.
Somaliland go’imayso, Somaliland waxa ay ka go’day Soomaaliya maalin sida qoraalkiisa ku cad aanu Cali ogayn. 18 May xuskeeda cid na looga hibaysanmaayo, Somaliland iyo jiritaankeeduna way soo taagan yihiin.

Bal haddaba si dhaqanka isfahamka iyo dulqaadku inoogu koro waa in dooddu ilbax ka noqoto caaddifadda iyo wixii uurkeenna ku jira oo afku inaga xado.

Cabdillaahi Cawed Cige
Liverpool
E-Mail: edleh@hotmail.com

 
Leave a comment

Posted by on May 22, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: