RSS

Natiijada Kacdoonkii Masar: Isbeddel Maamul Mise Mid Nololeed?

20 May

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

http://dhaqan.wordpress.com

Saboolnimada iyo shaqa la’aantu waa laba wax oo halis ah, jiritaankooduna aanu u fiicnayn degganaanshaha iyo guud ahaan nolosha aadamiga. Dhibaatooyin badan oo hore caalamka uga dhacay iyo ilbaxnimooyin gabalku u dhacayba waxa sabab u ahaa wax la’aan iyo ismaandhaafyo ka dhashay arrimo dhaqaale. Saboolnimada ama wax la’aantu waa waxa inta badan sababa mashkiladaha, mana aha oo keliya in ay dadku waayaan wax ay quutaan, hu’ ama  hoy, ee xataa waxa saboolnimo ah in la waayo caddaalad, fikir ama halabuur waxtar leh oo xadgudub ka madhan, iyo guud ahaan sinnaan iyo deggenaan nafsadeed. Si gaar ah shaqo la’aantu waxay aad u sii dhib badan tahay marka ay ka jirto dalalka ay dadkoodu sida aadka ah u badan yihiin haddana ay da’ yar u sii badan yihiin sida dalalka Carabta qaarkood tusaale ahaan.

Bulshooyinka Carabta oo ay dadkoodu da’yar u badan yihiin qaarkood ayaa waxay bilahan dambe wadeen welina wadaan kacdoonno oodda jiidhay,kuwaas oo ay ku doonayaan nolol dhaanta ta hadda ay haystaan iyo isbeddel maamul oo dimuqraaddi ah. Dalalka Tuuniisiya iyo Masar dadkii ku kala noolaa intoodii badnayd ayaa mar keliya soo dareeray, waxayna dareenkooda u muujiyeen si yaab leh. Mar keliya ayey cod dheer ku yidhaahdeen “isbeddel”, dabadeedna way ku adkaysteen. Raggii madaxda ahaa ayaa markiiba si quus ah xafiisyadii uga baxay ka dib markii ay daadadkii soo rogmaday qaadi gaadheen. Waxay ahaayeen arrimo si lama filaan ah u dhacay, waxa ay ku dambayn doonaan na aqoonyahannada xilligan arrimaha bulshada iyo siyaasadda lafa-guraa ay isweydiiyaan.

Maanta waxa la joogaa casrigii xogta. Sida in badan lagu celceliyana isgaadhsiinta casriga ah ayaa waxay adduunkii ballaadhnaa ka dhigtay sida tuulo yar oo kale. Waa la iska wada war hayaa. Wararkii cusbaa ee ilbidhiqsiyadii u dambeeyey soo kordhay ayaa xawaare ku socda, lixda qaaradoodna daqiiqado gudahood ku wada gaadhaya. Dadkii ehelka ama saaxiibbada ahaa ee aan beryo kala war heli jirin ayaa si fudud u wada xidhiidhaya. Haddii uu jiray xilli madaxdu sida ay wax u jiraan aanay dadweynaha ugu sheegi jirin hadda dadweynaha ayaa madaxda ka xogogaalsan. Waxa is-eegaya dad barwaaqo ku jira oo qaarad jooga iyo kuwa silic ku nool oo qaarad kale jooga. Waxa is-arkaya kuwa shaqo la’aani hayso, kuwa dakhligoodu sarreeyo, qaar abaari hayso iyo qaar webiyo ku dabbaalanaya oo haddana dhammaantood laga yaabo in ay dalal kala fog ku kala nool yihiin. Waa casri cusub ee beddelay casri hore oo waayihiisa lahaa.

Dadku, gaar ahaan da’yartu, marka ay xogogaal noqdaan su’aalo badan ayey isweydiin karaan. “Haddii ay bulshada waddankaa ku nooli haysato nolol fiican, maxaynu innagu nolol taa la mid ah ama ka wanaagsan u heli weyney?” ayaa ka mid noqon kara su’aalaha ay isweydiin karaan. “Xog helaa talo hela” ayey dadkeennu ku maahmaahaan, waxana iska cad in mar kasta oo ay xogtu sii badataba ay weydiimaha iyo fikraduhuna sii badanayaan. Dadku marka aanay waxba ogeyn meelahaas ayey iska joogjoogaan, hase yeesho ee marka ay xogo cusub helaan waa ay xisaabtaan.

Haddaba marka ay wax waliba sidaa u casriyoobaan dadkuna baraarugaan, maamullada markaa jiraa in ay is-indho-tiraan islamarkaasna ay hababkii hore ee gaboobay isku qallajiyaan waa laga wanaagsan yahay. “Wixii cusubba caalamkaa jecel” baa la yidhaahdaa, waana wax dabiici ah in maalinba waxii cusub ay dadku indhaha la raacaan. Waxa markaa fiican in maamulladu gaar ahaan kuwa dunida koraysa iyo kuwa dunida saddexaad lagu tilmaamaaba ay  la yimaaddaan fikrado cusub oo casri ah iyo qorshayaal la jaanqaadi kara hadba xaaladda lagu jiro.

Kacdoonnadii ka kala dhacay dalalka Tuuniisiya iyo Masar ilaa hadda wejiyadii hore waa lagu guulaystay, hase yeesho ee kuwa hadda ka kala socda dalalka Liibiya iyo Yemen waa ay ka dhib badan yihiin kuwaas hore. Sababahana sida ay aqoonyahannada arrimahaa faalleeyaa sheegaan waxa ka mid ah laba arrimood oo kala ah:

  • In ay dadyowga Tuuniisiya iyo Masar siiba kuwan dambe ay xagga ilbaxnimada kaga horreeyaan kuwa Liibiya iyo Yemen, taasina ay suurta-gelisay in ay arrintii kacdoonka isku raacaan, saamaynta qabyaaladdu dhexdooda ku yeelan kartaana ay yaraato; iyo
  • In ciidammada milatariga siiba kuwa Masar ay dadweynihii kacsanaa tixgeliyeen.

Labadaa arrimood, samirkii iyo ku-adkaysashadii go’aanka ayaa soo dedejiyey in doonistii dadku ay meel marto, sidaasna wax lagu beddelo. Hase yeesho ee waxa la eegayaa bal intaa wixii ka dambeeya sida ay arrimuhu noqdaan. Masar waxay hadda ka gudubtay hawsha inteedii hore, waxase u hadhsan intii ugu muhiimsanayd ee la xidhiidhay horumarinta nolosha bulshada. Horumarinta nolosha bulshada marka laga hadlayo waxa muhiim ah arrimo ay kuwan hoos ku xusani ka mid yihiin:

  • In caddaaladda la xoojiyo, musuqmaasuqana la yareeyo ama la tirtiro;
  • In qiimaha waxyaalaha daruuriga ah la cayimo si aanay kor ugu kicin;
  • In fursado shaqo la suurta-geliyo si ay dhallinyarta badan ee magaalooyinka ka buuxdaa camal u hesho;
  • In maamulku ahaado mid wada-tashi ku dhisan oo aan wax cadaadin, xidhiidh fiicanna la leh dawladaha reer Afrika iyo kuwa kaleba; iyo
  • In la dhiirri-geliyo fikradaha waxtarka leh, ganacsiyada gaarka ah iyo dadka inta loo yaqaan dabaqadda sare (aqoonyahannada, maalqabeennada iyo indheergaradka).

Marka ay arkaan in baahiyahoodii aasaasiga ahaa wax laga qabtay isla markaasna ay dareemaan sinnaan xagga khayraadka iyo maamulka ah uun bay dadku raalli noqon karaan. Isbeddelka xagga maamulka la xidhiidha marka laga tago arrimaha muhiimka ahi waa kuwaas. Markaa haddii arrimahaasi sidii ay ahaan jireen laga sii wanaajiyo waxa la odhan karaa natiijadii kacdoonka Masar waxay noqotay sidii uu dadweynuhu doonayey. Haddii kalese arrintu waxay la mid noqonaysaa uun sida dheri markiisii hore dab saarnaa oo dhardhaarradii uun loo kala beddelay.

 
Leave a comment

Posted by on May 20, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: