RSS

Hakadyo ku lingaxan dilkii Usaama

05 May

“Maraykan ku naaloon maayo nabad ilaa aan annagu nabad ugu noolaanno Falasdiin”; “Jihaadku waa soconayaa xitaa haddii aan anigu meesha ka baxo”; “Haddii difaaca carruurta iyo dumarka lagu gawracayo dunida muslinku tahay argagixiso, taariikhdu ha xusto in aan argagixiso nahay”.  Waxa jira dad badan oo hadalladaa Usaama bin Laadin ay ugu xardhan yihiin baal dahab ah iyo kuwo aan hoodh ku qoysanayn. Dhabtu se waa in ay ahaayeen ereyo nashqadeeyey sawirka ay yeelanayso taariikhda cusub ee dagaalka diimuhu ugu yaraan nuska hore ee qarnigan. Isagu wuu dhintay (ama shahiiday sida dadka qaar u macaan), laakiin dufanka fikirkiisu wuxuu ahaan doonaan mid subkiya aragtiyo badan oo tiisa ku dhereran.

Sheekh Raashid al-Qannuushi, mufakirkii sameeyay dhaqdhaqaaqa an-Nahda ee islaamiyiinta Tuunis, ayaa xalay ku tilmaamay in dilka Usaama uu baajin doono sumcad xumo dheeraad ah oo islaamka u soo hoyata. Sidii Usaama waxa ka roon sidan ay samaynayaan bulshooyinka carabta ee gadoodsani, ayuu yidhi.

Yaasir as-Sacaatira, saxafiga weyn ee ka faallooda arrimaha dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah, ayaa isna dilkiisa ku sheegay hoog cid kasta oo qiiro leh u soo hoyday. Usaama hortii miyaanay gaalo islaamka necbayn? Miyaanu qorshaysnayn duullimaadka Ciraaq iyo Afgaanistaan 9/11 hortii? “Geesi buu ahaa” ayuu yidhi Sacaatira. Geesi iyo Gumeeye mid uu ahaaba maqaalkan lingaxiisu hoos ka muuqdaa waa mid ka mid ah hadalladii ugu caddaaladda badnaa ee laga odhan lahaa qof sida Usaama u mug weyn.

 

Halkan guji: http://alasr.ws/index.cfm?method=home.con&contentid=11852


 
Leave a comment

Posted by on May 5, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: