RSS

Dr. Cimaadu-di​in Khaliil…​Sababtan ayay diintu u soo degtay

08 Mar

In aad aqoonyahan…hadda wax kasta oo ereyga aqoonyahan sito… barataa waa gallad Alle. Galladdaa mahadnaqeeduna waa in aad cidda aad bari kartaba barto waxsoosaarkiisa fikir na inta aad u daacad noqon kartaba u noqoto. Dad badan oo aqoonyahanno ah ayaan gebigeenba naqaannaa…mase naqaan in loo wada baahan yahay waajibna tahay in farta la isugu fiiqo. Faa’iidada in la is tilmaamaa leedahay waxa aan mar walba tusaale shakhsi ah u soo qaataa Ali Mazrui iyo Jeffrey Sachs oo uu i baray Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ‘Musaabaqo’; mooyi in isagu xasuusan yahay, anigu se waan ugu abaal hayaa. Sidaas oo kale ayay u jiraan kuwo cid kale i bartay wax badanna aan ka faa’iiday…ugu yaraan wacyigayga badhitaaray. Maqaalkan hoos ku qoran (oo aan isu dayey in aan afcarbeed ka soo turjumo kuna soo baxay majalladda al-Mujtamac, tirsigeedii toddobaadkii hore), ayaa waxa qoray mufakir uu i baray telefishanka al-Jasiira. Waa Dr. Cimaadu-diin Khaliil. Nasiib wanaag maalmahaa aan bartay in yar ka dib ayaan arkay buug uu ka qoray faylasuufyadii reer galbeedka isaga oo ka eegayay dhinaca togan ee falsafaddooda. Waxa sida gaarka ah ii jeclaysiiyey waxa uu ahaa barashadii hore; haddii kale iigama duwanaadeen buug kasta oo qoran.

Haddii aad taqaanneen ha iga ahaato xasuusin, haddii kale ila eega maqaalkiisan toddobaadkii hore ku soo baxay al-Mujtamac, bogga u danbeeya ee la yidhaa al-Akhiirah.

Sababtan ayay diintani u soo degtay
“Culuumta dabeecadda iyo tijaabooyinka aadanaha ba waxa muuqata in uu wakhtigu yahay kaale kobocooda lagama maarmaan u ah, waayo waayo-aragnimo ayaa ururta dabadeed hore u kaynaanisa aqoontaas…waana taas ta keentay in aqoonta Fiisigis-ka, Falagga, Kimistariga, Xisaabta iyo culuumta kale ee dhulkuba horumaraan. Hayeeshee, dhinaca kale, aqoonta fikirka iyo falsafaddu way ka duwan tahay; iyaga khibradda iyo nolosha aadanuhu horena way u kaynaanin karaan dibna way u soo jiidi karaan. Tusaale ahaan gabyaa noolaa qarni hore ayaa ka suugaan toolmoonaan kara mid maanta nool; faylasuuf waahore jirayna waxaa dhacda in maanta la daraaseeyo falsafaddiisii. Sidaas oo kale ayay noqdaan culuumta kale ee fikirka iyo bulshaduna.

Ishaas oo kale ayaa lagu eegi karaa diimaha, falsafadaha iyo qaab-nololeedyada aadanaha. Markaa diin ama falsafad la oddorasay qarnigii 20-aad khasab ma aha in ay ka dhammays tirnaato kana toosnaato mid la saafay qarni ka sii horreeyey. Dhammaan way hoobteen diimihii, caqiidooyinkii iyo falsafadihii aadanuhu  dejiyey, waxayna intoodii badnayd rasaysan yihiin khaanadaha dhasaysan ee maktabadaha dunida si ay u daraaseeyaan dadka xiiseeyaa;  iyaga oo, sinaba, aan ugu xidhayn nolosha maanta dunida ka jirta iyo qaabaynteeda toona.

Caqaa’idda iyo falsafadaha qaarkood ayaa dadkii soo saaray waxay ku andacoodeen in ay aragtiyahoodaasi  yihiin lama taabtaan aan xag hore iyo xag danbe toona balaayo uga iman karin; sida ay yeeleen Marx iyo Engels oo falsafaddooda ugu yeedhay “Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan”, waxay yidhaahdeen: ” tani waxay  metelaysaa raarka taariikhda caalamka lama baddeli karo wax dhaamana lama keeni karo”…iyo sidii uu Hitler ku sheegtay buuggiisa Mein Kampf (Halgankayga) ee uu ku yidhi : “waxaan rajaynayaa in aan abuuro Imbaraadoorayaddii kunka sano”,  isaga oo dhabarka saaraya falsafaddii is-qancinta ee Hegel iyo awoodda rabitaanka iimaanka la’ ee aan cidi hor istaagi karin…iyo haddana tii Jean-Paul Sartre ee uu ku yaboohay jiritaannimada aadanaha kuna sheegay in ay tahay ta keli ah ee xaqiijinaysa insaannimada insaanka.

Mee saddexdaa aragtiyood? Hantiwadaaggii taariikhda wuu ka baxay, Naasigii waa la jabiyey, ilaahayntii jiritaanka aadanahana isla kii ku baaqay ayaa gawracay. Maanta ayaa faylasuufka Maraykanka ah ee Francis Fukuyama mar kale ku dhacayaa gefkaa xun, dabadeed waxa uu ku andacoonayaa wax uu ugu yeedhay “Dhammaadkii Taariikhda” oo uu raxankiisa dhiganayaa meel xaaluf ah oo dulin badan…Laybaraaliyadda reer galbeedka ee Maraykanku cumaamadda u sido. Haddana, toban sano oo keliya dabadeed, ayaa isaga laftiisii sheegayaa in uu ka noqday aragtiyihiisii qaarkood kuna beddelay kuwo ku liddi ah. Tani hadday tilmaan bixinayso, wax kale ma ahee waxay sheegaysaa uun daciifnimada, kala dhinnaanta iyo habacsanaanta fikirka aadanaha iyo in aanu caqliga aadanuhu ahayn waslad garan karta wadiiqada u toosan una sahlan ee lagu badhaadhi karo xaqiiqooyin dhab ahna lagu gaadhi karo.

Sidaas darteed ayay diimuhu u soo degeen si ay u buuxiyaan daldallooladaa aanu salkooda gaadhi karin caqliga aadanuhu, waxa kale oo ay u soo degeen si ay u bixiyaan sawir iyo qaaciidooyin guud oo jiritaanka iyo nolosha ah isla markaana haga aadanaha aan haddii kale heleen meel uu ku tiiriyo iyo si uu u maareeyo…diintu se si sahlan ayay uga jawaabaysaa halxidhaaleyaal badan oo aadanaha wakhti badan ka qaatay.

Haddaba Islaamkuna, afar iyo toban boqol oo sano dabadood, sidaas ayuu u yahay caqiidada keli ah ee qaabayn karta nolosha dadka isaga oo ku salaynaya baahiyaha aadanaha iyo himilooyinkiisaba. Si kasta oo uu wakhtigu hore isugu guro iyo si kasta oo aragtiyaha iyo falsafadaha aadanuhu isu bed-beddelaanba, islaamku mar walba waxa uu ahaanayaa diinta dhabta ah ee ka jawaabta baahiyaha aadanaha iyo gurmadka keli ah ee ka badbaadin kara khataraha caqliga daciifka ahi u sababi karo”.

Dr. Cimaadu-diin Khaliil waa mufakir Ciraaqi ah waxana uu qoray 72 buug oo u badan taariikh, fikirka islaamka, falsafadda iyo manaahijta iyo falsafadda taariikhda.
Booqo boggiisa Internet-ka : http://library.alfikr.org/Default.aspx

 
Leave a comment

Posted by on March 8, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: