RSS

Hohey Afrikaay Huruddooy

20 Feb

[1]

Hohey Afrikaay huruddooy
cadow ku heeryee huruddooy
halyeyadaadii huruddooy
haad baa cunaayee huruddooy
haamaa la saaraa huruddooy
hayin sidiisa huruddooy
la hoggaaminaayaa

dulli lama hillaabtee
aaway hanaddadaadii?
doqon baa habawsan
weligeed halaysan’e
sida xoolihii baa
xero nalagu hooyaa

[ 2 ]

Habeenno badan huruddooy
hammuun ku seexday huruddooy
hirtaanyo awgeed huruddooy
la hadli waayay huruddooy
naa caanihii hashaydaan huruddooy
haleeli waayay huruddooy
la iga horjoogaa

dulli lama hillaabtee
aaway hanaddadaadii?
doqon baa habawsan
weligeed halaysan’e
sida xoolihii baa
xero nalagu hooyaa

[ 3 ]

Horor waraabaa huruddooy
waaxyaha ku haysta huruddooy
oo hantidaadii huruddooy
ka hirqanaaya huruddooy
hadina wayday huruddooy
hadmaan ogaan huruddooy
aad hagaagi doontaa

dulli lama hillaabtee
aaway hanaddadaadii?
doqon baa habawsan
weligeed halaysan’e
sida xoolihii baa
xero nalagu hooyaa

http://wayeel.blogspot.com/1970_03_08_archive.html

 
Leave a comment

Posted by on February 20, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: