RSS

Xusni barrax…Misr xurra

13 Feb

Fal-yawma nunajiika bibadanika li takuuna liman khalfaka aayah…” Sidaas ayuu Ilaahay ku yidhi Fircoon markii uu dhiman rabay. Namruud kaneeco ayuu ku dilay, Qaaruunna dhulka ayuu la jaray, xagga Ataaturk cabaadkiisii iyo dhuusadiisii si aan loo maqal markab laga ag shiday. Bil ka hor ayay markii u danbaysay aayaddaasi ku soo noqotay waaqica dunida muslinka, xalay ayayse ahayd markii ugu sii danbaysay. Ilaahay waxa uu yidhi “Waxa aan sidaa u yeellay: Si aad cidda kaa danbaysa aayad ugu noqoto”. Bin Cali waa kan halkan soo yaxooba, Mubaarak na xalay ayuu ku biiray…Waxa  shacabku sidaa  u yeelay si doqmaha kale ay aayad ugu noqdaan. Yaa is lahaa nidaam boolis ah oo bir laga dhalaaliyey, saliidna lagu kariyey ayaa 18 cisho gudahood sida bir daxashay kala daadan doona? Yaa is lahaa biyaha Niil-ku way ololi karaan? Waxa loo haystay in ay Masar gudhay oo goraygu ka hadaafay…Waxase soo baxay in ay imika uun ugu darar badan tahay uguna diirran tahay. Sibaa loo wada fajacay; illayn habeen hore uunbay ahayd markii uu Askarigu lahaa ilaa bisha sagaalaad iga-Walla in aanan kursigaa xun ka dirganayn! Durba soo kan fadhaqa tiiriyey! Soo kan taariikhdii Fircoon, Haamaan, Qaaruun iyo qaar kale ku biiray! Wuxu sahlanaa. Maya, ma sahlanee waa si Rabbi rabay.


Waxaan ka yaabay lacagta uu faraqa ku urursaday intii uu Masar addoonsanayey. 70 Bilyan oo Doollar! Waxay ka dhigan tahay 700 oo  sanno miisaaniyadda Somalilaan (marka loo eego tan aan sannadka sheegannay ee $ 96,000,000 ah)! Hadda waa toddoba qarni! Mee Masartii al As-har ash-shariif? Mee Masartii Axmed Suwayl, Daaha Xuseen, Najiib Maxfuud, Axmed Shawqi, Al-Baraadici, CabdulBaasid CabdiSamad iyo Ahraamtu? Masartii Niil-ka sow tan lagu qatan yahay ee qamadinka loo dawarayo, sow tan dadkii ku xoonsan yahay in ka yar 12% dhulkii fidsanaa ee Kinaana, sow kuwan bareyaashii dunidu makhaayadaha xashiishadda lagu cabbo niyad jabka iyo ciilka la wada foorara, sow tan dhaqaalahoodii indhaha laga qabsanayo iyaga oo jaamacad kasta oo dunida ah dhaqaalaha ka dhiga, sow tan sidii ayga loo dirsanayo iyaga oo la odhan jiray waxaad tihiin Hooyadii Dunida, sow tan Masar qayrkeed Iiraan iyo Turki boqolka sano ka danbaysa. Qushi haddii Xusni magac xumo kaga tagey…Qushi haddii maanta Masar loo siman yahay.


Dhinaca kale, Obama xalay muu ahayn Madaxweyne Maraykan, sida uu yidhi Faadii Mansuur, waxa uu ahaa masuul Masri ah. Ninkaasi Maraykan ha ahaado Kiristaanna ha ahaado, waase shakhsiyad xanbaarsan aragti bani-aadannimo iyo taariikh la wadaago. Waxa ka muuqatay in aanu khudbaddaa soo diyaarin Jonathan  Favreau, agaasimaha khudbad-qorayaasha Obama, ugu yaraan lahjaddii Obama ee u gaarka ahayd ayaa dhex ceegaagtay.


Dhacdadan taariikhiga ah ayaan jeclaaday in aad ila akhiridaan waxa uu ka yidhi CabdulBaari Cadwaan, guardian.co.uk  iyo jariidadda alasr.ws.


http://alquds.co.uk/index.asp?fname=today\11z999.htm&arc=data\201122-11\11z999.htm

http://www.guardian.co.uk/world/2011/feb/11/hosni-mubarak-resigns-analysis

http://alasr.ws/index.cfm?method=home.con&contentid=11731


 
Leave a comment

Posted by on February 13, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: