RSS

Korodhka bulshada Muslimka ah iyo cabsida mustaqbal ee dunida aan Muslimka ahayn

29 Jan

WQ: Mustafe A. Nuur

Isbeddelkii siyaasaddeed ee dunida ugu saamaynta badnaa ee uu hormoodka ka ahaa Woodrow Wilson  iyo qorshihii NWO-New World Order ee uu dib u habaynta ku sameeyay Bush-kii waynaa, George W.H.Bush sannaddii 1991,  waxa uu ahaa in dunnida Muslimka laga  xoog roonaado oo la muquunniyo. Taasi oo macnaheedu uu ahaa in xataa lagu dayo inta la tirtirri karo in la tirtirro. Kooxo sacab muggii ahina ay ku mashquullaan iska caabin,  inno kalana ay is dhiibbaan oo ay dabbo dhilifyo u noqdaan cududda reer Galbeedka iyo aydhiyoolajiyadooda.

Tallaabooyinkaasi may ahayn hindiseyaal waraaqo cad-cad lagu xarriiqay uune , waxay ahaayeen kuwo sidii loogu tallo galay oo taxanne ah loo fulliyay, ilaa iyo maantaana aan soo gebageboobin ee sii socda.

Waxaa se dhacday mucjiso sidaa ka duwan, oo waxba kama jiraan ka dhigtay xadhkaha qoob la duulka ah ee ay adduunka ku daaddiyeen reer Galbeedku

Xarun cilmi baadhiseed oo ay aasaaseen koox qayrkeen ah oo la yidhaahdo: Pew Forum on Religion and Public Life, ayaa samaysay daraasaddan ay ku  ogaatay heerka korodhka diimaha adduunka. Mashruucan waxay ugu magac dareen, “Mustaqbalka caalamka Muslimka”.

Fooramkanni waxa uu leeyahay qayb ku aadan diimaha iyo nolosha rayidka.

Waaxdanni waxay ku hawlan tahay in ay kor u qaado mawduucyada sku kakan ee diimaha iyo arrimaha rayidka.

Xaruntanni waxay aasaas uga dhigeen cilmi baadhistooda taranka, dhimashada, iyo heerka isku gudubka bulshooyinka ee waddan ilaa waddan, waxaannay halkaas ku ogaadeen in sannadda 2030 ay  bulshada Muslimku tiro ahaan ku kordhi doonaan,  boqolkiiba 26.4 marka loo eeggo dadka adduunka ku dhaqan oo dhan, kaasi oo laga yaabbo in uu noqdo 8.30 billyan.  Taasina waxay ka dhigi doontaa bulshada Muslimka in ay afar jeer ka bataan inta ay maanta yihiin, oo ah 23.4 boqolkiiba tirada dadka adduunka ku dhaqan oo ah 6.9 Bilyan.

Daraasaddu intaa kumay soo koobin soo gudbinta maxsuulka ay gaadhaye, waxay  si haboon u kala tilmaamaysaa qaarada Afrika, Yurub, iyo Asiya…Tusaale ahaan: Muslimka ku dhaqan waddanka Nigeria waxay ku ku sheegtay in uu aad uga badan doono ka ku nool waddanka Masar labbaatan ka sanno guddahood.

Waddamada ay ka midka yihiin amaba isku tagga midowga Yurub waxaa ay daraasaddu saadaallisay in ay Muslimku laban-laabmi doonnaan. Tusaale ahaan; Belgium oo kale muslimka ku nool waxaa loo saadaalliyay in uu boqolkiiba 6 (6%) oo imaka uu yahay ka kici doono oo u gaadhi doono  (boqolkiiba toban(10.2%) muddo labbaatan sanno ah.  Halka Faransiiska loo saadaallinayo in uu 10.3 % kor u kici doono Muslimku.

Haddaba, ummaddeenna, ama Somali dheh ama Somaliland oo ma muslimnimadaa hoos u dhici doonta labtaanka sanno ee socda mise gaalnimada ayaa kor u kici doonta?. Marka  la eego qoraal uu Xasan Warfaa dhowaan so geliyay oo ku saabsannaa Masiixiyiinta reer Somaliland, iyo mar uu xoghayihii Xisbiga udub ee Maraykanka ka hadlay isla Maraykanka mar ay wafdi Somaliland ka socdaa halkaasi ku sugnaayeen; waxa uu sheegay in Kiristanka Somaliland ku dhaqanni aannu yaran tiro ahaan xilligan, maalin dhowna la arki doono iyaga oo waddooyinka ka mudaharaadaya.

Maxay tahay rajada iyo ullashadeenu labaatanka sanno ee soocda?


Daraasaddan ka eeg lingaxan:   http://pewforum.org/The-Future-of-the-Global-Muslim-Population.aspx


 
Leave a comment

Posted by on January 29, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: