RSS

Dagaalkii rajada

04 Jan

Mustafe A. Nuur

Wuu fooraraa oo wuxuu is waydiinayaa ummuurro markii hore ee ay bilaabmayeen aannu wax ba ka ogayn. Oo haddii su’aasha la waydiiyay iyo imtixaankan casharkii laga soo diirray ba aannu ogayn oo hortii la dhigay sidee buu uga jawaabbi karayaa? Isagoo taasi ka dheregsan ayuu haddana isku shuqlinayaa oo uu naftiisa  aan loo carbin fikirka badan ku guhaadinayaa in ay garato, oo ka jawaabto su’aallahan hor yaalla.  Sidii oo ay naftiisu su’aashan sababteeda leedahay ayuu u cannaanayaa oo uu dhiiggii uga yareeyay.  Oo haddii uu kaga yareeyo sow xil la iska soo dhaxlay oo midiba mid u soo dhiibay ma aha?

Wuxuu arkayaa dadkii maqaaxida fadhiyay oo dhammidood sheekaynaya oo qoslaya oo haddana imtixaankii ku jira!. Iyagu miyay garteen oo way dhammeeyeen imtixaankii? Maya, ee waa kuwan sidiisa oo kale haddana ay su’aallaha ciidda kabadanni hor yaallaan. Hadda waxaa ku jira qaar gadhku hamashka dhigay, qaar cirradu timo-timaysay, iyo qaar dhabankoodu labeentii leeyahay oo da’ yar. Dhammidood haddana imtixaan isku mid ah ayay ku wada jiraan!.

Maalintii dhalata iyo gabalkii dhacaba waxbaa la rajaynayaa, waxaa la ullanayaa in su’aalahaasi  laga jawaabbi doono. Sidaasaa la isku daba tuban yahay, sidaasaan waxba la isku dheerayn, sidaasaan mid loo qishi karin oo aan tallo loo aayo looga bogan karin.

Wuxuu is waydiinayaa malaha Afrikada madoow dhibaatooyinka haystaa maaha kuwii ay taqaannay ee ay geedaha iyo dhirta ku dawayn jireen?.  Sannad walba kumannaan carruurta reer afrika ah ayaa u dhimata kaneeco, hadda waa kaneeco!, haddii aad maro-kaneeco  ka xidhato carruurtana aad uga xidho aad tirada xabaallaha carruurta ee  aad xariifka ku noqotay qodiddooda ku yarayn karto. Haddii ay ka dhintaan ma kol bay ku taran-yareeyaan?. Sannad walba waxay dhallaan kumannaan kale oo ay caydinimada ku caskariyeeyaan. Waa markii kuwii waawaynaa uu dhillaysigu hoday ee ay AIDS iyo HIV ku hoobteen.

Xageebaan u soconnaa? Haddii aan garanayno halka aan u socono miyaynaan gaadhaynba oo awrkana heeryada laga rogayn, si uu gelgellinta u yar taggo oo dhowr jeer boodhka dixiinka ah iskugu roggo.

Dhegahaygu waxay maqlayaan tuducyo ka mid ah gabaygii Hadraawi ee Gabadh madaw

Gebi-dhaca i haystiyo

gaalgaalka dheelliga

ku guddoonsan maayee

waxaan goobayaa raad

jidkii guusha aadmiga

gelbiskiyo mashxaradaha

gafi maayo hawlaan

guryo-samo ku deggi karo

gaobannimo ku hanan karo.

Oo Hadraawi laftiisu imtixaankiibuu u fadhiyaa miyaa?. Haa, inkasta oo uu guudku caddaaday haddana weli waxa uu baadi doon ugu jiraa jid iyo dhabbo looga bixi karo dhibaatadan hadh iyo habeen taagan, ee dibu dhac mooyee aan horu kacba lahayn.

Rajadayda  aan gu’ yaashii jirayba odorosayay ma isbedellada kuraasida siyaasada oo keliyaa?, yaa ii dooray in aan xalka halkaa oo keliya ka eego? Haddii uu xalku sidaa yahay maxaa weli uunku la cabanayaa?… Maxaa soo biiray? Waxaa soo biiray dagaalkii rajo ee uu anniga waajibkiisu I saarnaa,  oo aan cid kale dusha ka saaray. Rajadayda min qiyaaskeedu muxuu yahay? Haddii aan mid waayo, mid kale oo ka toolmoon maxaa ii diiddaya in aan raadiyo?

Bal hadda eeg Hadraawi oo inta u dib u fadhiistay markii uu intiisii iyo in kaleba gutay, haddana weli faro madhnaan taagan:

Guntashada xasuusaha

gudashada habboonkay

gabay gabaygan ciil-tira

u ged-baxa falaadkay

waxaan geysto magac-dheba

Aan lahaanno goorteed.

Gaylan dirirka rajadu ma dhammaanayo, waxse lagu ciil baxo waa la gaadhi karaa. Waxaa ugu yaraan la gaadhi karaa in la aqoon sado in dib loo dhacay. Miyaanay sidaasi guul wayn ahayn?. ‘Mayee in aad hurdada qayb ka mid ah ka kacdo waa guul oo mid hurda oo aan weli qoraxdii in ay soo baxday war ba u hayn ayaad dhaantaa, oo waadigaa iftiinkii qayb ka mid ah himbiriirsanaya’. Ayuu ku fekeray.

Day-dayga rajadu haddii uu ma dhallays noqdo ma la wadayaa uun, mise jid kalaa furan? Dagaalkan dan raadiska ahi waa mid laga simanyahay, oo rag iyo dumar aan loo kala hadhin.

Waxay yidhaahdeen: “ haddii aad da’ yar tahay oo waddan aad leedahayna uu jiro waa fursad dahab ah”.  Fursadda dahabka ah iyo ta maarta ahba saw uma baahnid? Haa, midna diidi maysid maanta.

Rajadu sawtan dhow ee faras raaca ah maaha, marka aad dooranayso kuwa maalin walba isu soo sharaxa maamulkaaga iyo maamulka waddankaaga maxaa rajadii fogeeya? Haba fogaatee maxaa adkeeya in la gaadho.

Rajadu way dhowdahay mar walba, waxa se fogeeya ama soo dhoweeya niyad samaanta iyo toobiyaha aad cagta saarto.

Rajada lafteedu waxay rajo ku leedahay in ay nabad gelyo hesho. Nabadgelyo in aad hesho iyo in aad rajo baadi doonto makala maarmi karaan. Waa taasi halka laga bilaabay dagaalka rajada. Mararka qaar waxaa la hor mariyaa nabadgelyo darada, balse waxay ku dambaysaa in nabadgelyo la hello si hiigsiga rajada loo dhammaystiro.  Nabadgelyo…mid maskaxda ah, mid jidhka ah, mid fekerka ah, mid nolosha iyo darruuriyaadka ah, mid is ahaansha iyo wada jirka ah…Nabadgelyo faro badan, basle intii aad ka gaadhaaba waa dahab.

Dagaalka rajadu waa imtixaanka ugu xeesha dheer ee aadanuhu adduunka korkiisa la kulmo. Guusha iyo guul daradiisuna waxay ku xidhan tahay karaamada iyo sharafta aad adduunka ugu dhex noolaato iyo guud ahaan sida aad wakhtiga uga faa’iidaysato.

 

 
Leave a comment

Posted by on January 4, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: