RSS

Taamilo (2008)

01 Jan

Dadku waa tin ku cirroole, uur ku cirroole iyo cago ku cirroole. Uur ku cirrooluhu waa kan isaga oo aan dhinacna uga bixin sabadkiisii, da’diisuna cuddoon tahay  haddana aad mooddo in aan dunida meeli u laabnayn. Waa kaa Xasan Daahir Ismaaciil ‘Weedhsame’. Yaraantii, markii lagu jirey dugsigii dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame- Gabiley, waxa habeenkii lagu caweyn jirey makhaayad ku taal badhtanka magaalada Gabiley. Halkaas ayaa lagu kaftami jirey, kubbadda lagaga faalloon jirey, la isu dacaayadeyn jirey mararna hablaha lagula haasaawi jirey. Berigaa jawigu macaanaayee! Hadda waa 12 sano oo keliya hortood. Madashaas bilaa denbiga ah ayuu Weedhsame ka bilaabay gabaygiisa. Horraantii waxa uu u badnaa afarray dacaayad u badan oo uu saaxabbadii qaar ku tuurtuuro, markii danbe se, waa dugsigii sare, ayuu fankiisu karkaarrada jabsaday. Waxa berigaa Gabiley iigu danbaysay Xasan oo dhigta dugsiga sare ee Timacadde iyo isaga oo maalin uu Gaarriye ku sheegay in uu Xasan gabyaagii Timacadde laftiisa garbaha kaga taagan yahay. Meesha uu sidaa ka yidhi waxa ay ahayd barxadda dugsiga ee bilicda dabiiciga ahi ku gedfan tahay. Waan hoos fadhiyey Gaarriye maalintaa…Nasiib darro se maan fahansanayn waxa uu ka hadlayey.

Hadda ayaan dhadhansaday waxii Gaarriye sagaal sano ka hor ka lahaa madashaa. Xasuustaas darteed ayaan tixda Taamilo ee Xasan curiyey 2008-dii idiinku soo tebiyey.

TAAMILO

June 2008
TAAMILO

Nin ku tebay ku taageer
Nin ku tiray war kuu tebi
Nin ku tuugay taajiyo
Derajaabu kuu tolay
Qof hadduu tar-sheegtana
Wuxu tarayba waa tiix.

Wax shalayto kaa tegay
Intaad tiigso leedahay
Arrin haatan taagani
Armuu kaa taraaraa?

Tagto way tagtee tuur
Ka tir maanka teedii
Ha u taahin taa daa
Berri iyo timaadada
Ha u tiirin hawlaha
Kadinkaaga soo tuban
Telagiyo dharaaraha
Ha u tirin xilkaagii
Ha u tegin talaafiif
Xaajada togdheer taal
Ha ka didin tabaalaha
Ama tawsta waayaha
Goortay ku taabtaan
Cidna ha u tawaawicin.

Naftu way tasawdaa
Ama toobbad seegtaa
Mar haddaan taxaabiyo
Damiir taagle loo hayn
Tafantoofka caydhiyo
Mar hadday han tooji i
Taladaada yeeshaan
Tiiraanyadaadaa
U tallawda ruuxaan
Kuu teello-dhiganayn
Toganaha u geediyo
Tabanaha ka goodaa
Taamilo ku deeqdiyo
Curfi laga dhex tuujaa.

Noloshana tafteediyo
Nin tunkeeda daawaday
Dhabta taal kasheediyo
Runta wuu takooraa.

Ha tiiftiifin noolaha
Ha ku tuman asaagaa
Ha tandhaafin digashada
Hadba hadal tumaatiya
Tiiqtiiqsi ha u odhan
Arxankiyo tudhaaluhu
Yaanay kaa tafiir gu’in
Qoor taagga kibirkiyo
Qabku yaanu kula tegin
Ha is taawin aadmiga
Tayo inad wax dheertahay
Qof ku taray wuxuu taray
Ha ka dhigin bar kuma taal
Xurmo waa tixgelinteedee
Taalladeeda muunee
Qofka kuu tanaasula
Sida taayir ha u marin
Dadku waa tolkaa iyo
Ciddii aad ka tarantee
Tafaraaruqoodiyo
Ha ka talin wax dhaawaca.

Ha ku taamin godobaha
Ha tafniidin boogaha
Hana tuulan gocoshada
Tibta eelka ha ku durin
Tif wax leegna ha u dudin
Dul u yeelo tabashada
Xalka taabka ha u jarin
Xinka toorey ha u tuman
Berri teello u yar dhigo
Wax-san taako uga durug.

Dadka toojo ha u qabin
Misna toorin ha u qoran
Ku tuntuunso hanashada
Wax la taabo ka u mudan
Wax la tuuro ha ka dhigin.

Marka ruuxu teel teel
Gafka ugu tallaabsado
Ha ku tolin garoomada
Lagu taxo qof daalina.
Adba waad taraartaa
Tumaatida ilduufkoo
Dadku waa tabtaadaa,
Nolol tababarkeedana
Way turunturroodaan.
Inta lagu tafaafulo
Garashada tiriiga ah
Tuhunkaa ka kowoo
Hadba xaajo tuurluu
Kuu toosiyaayoo
Tubta lagu yakoobee
Kaska lagu takhsiiruu
Si yar kuugu tuuraa.

Isku tali dabeed tali
Ma tashade ha ii talin
Hadal toosan weeyaan,
Haddaan saarku kula tagin
Kabihiisa kaan tolan
Adna yaanu kuu tolin,

Tukuhuba dadkuu baray
Tartiib mayd la aastee
Ka tix-raac qudhaanjada
Tacabkiyo wax kaydsiga
La tashoo aboorkana
Tacliintiisa weydii.

Inta loo tartami karo
Yaanu tiigsi kugu gabin
Tamartaada curintiyo
Tacabkaaga cududiyo
Taladaada fikirkiyo
Hal-abuurka tarantari
Tarmi yaanay talax-gabin
Ka tir boodhka ulashada
Tirtir quusta baqashada
Adba taada ka hirgeli
Halka ruushku tuban yahay.

 
Leave a comment

Posted by on January 1, 2011 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: