RSS

Damiir dhagaxow!

29 Dec

Short Essay Waxa qorey Mustafe Aadan Nuur

redsea-online.com

Damiir xumada iyo damiir wanaagga maxaa lagu kala saaraa? Ma in wax aan dadka kale jeclayn aad samayso oo keliya, mise wax intaa ka durugsan baa jira? Haddii koox dad ah oo meel ku sugan ay wax isku mid ah mar keliya wada sameeyaan, waxaasi oo deegaan, dugaag iyo dadba dhibaato u le, sidee loo xukumayaa?

Qofwaliba sawkan garanaya xumaanta iyo wanaagga ku hareeraysan, saw kan arkaya xumaantii oo wanaaggii hadimaynaysa, oo inta ay ka xoog roonaatay sida badwaynta hafisay maaha. Xumaantu miyaanay xayndaabka damiirka soo galin? Haddii aanay damiirka ka mid ahayn iyada (xumaanta) magaceed? laamaha jiritaanka qofkana laanteebay ka tirsan tahay?

Garashada ma damiirkaa xukuma mise garashadaa damiirka xukuma? Oo horta maxay kala yihiin? Xeerrarka iyo dhaqammada sida diinta samaawiga ah loogu dhegsanyahay, iyagu damiirka miyay shaqo ku leeyihiin? Haddii aanay ku lahayn, maxay xeerarka iyo rumaysnaanta dhaqammada la iska dhaxlaa waxna u oggol yihiin waxna aanay u oggolayn? Qof tabaallaysan in aad u gargaarto, ama in aad waddankaaga ugu yaraan kelmad u tidhaahdo ma damiirbaa mise waa garasho?

Damiirkaagu haddii uu ciil iyo cago juglayn ku yahay ummadda kale, weli ma damiir buu sii ahaanayaa? Damiirku ma wax la kobcin karaabaa? Ma marbuu dhintaa, ama noolyahayba, mise cid waxyeelayn karta ayaa jirta isaga laftiisa?

Ka warran haddii aan ku qeexo damiirku in uu yahay: awoodda (hadda xoogga muruqyada maaha!), karaanka, dareenka garaadka, iyo xukunka garashada ee lagu kala saaro xumaanta iyo wanaaga?

Diimaha badankoodu waxay qabaan in uu damiirku yahay xidhiidhka moralka ee ay dadka oo dhammi leeyihiin asal ahaan; kaasi oo ay kaga faa’iideeyaan ama aanay kaga faa’iidayn koonka iyo qadarka. Islaamkuna si qoto dheer isaga oo u tilmaamaya damiirka, waxa uu xidhiidh toos ah ka dhexaysiiyay taqwada.

Intaa waxaa ka soo horjeeda, aragtida aan diimaha shaqada ku lahayn oo iyadu ku taggan sharraxxaado lagu qanci karo iyo qaar aan lagu qanci karinba. Aragti kale in aad ku qanacdo ama aad ku qanci waydaa ma damiir bay xidhiidh la leh dahay? Haddaa waxan waxna kuu ogol waxna kuu diiddani muxuu yahay?

Damiirku ma cilmiguu ka waynyahay? haa oo isaga waa lagu dhashaa ama waxaa laga dhaxlaa deegaanka iyo ummada aad la nooshahay inta aanad baran cilmiga dadka ka dhexeeya ee la isku tebbiyo.

Jinsiyadaha iyo dhaqammadu damiirka way saameeyaan, oo raad wayn bay ku leeyihiin. Haddii ummaddi ay is qaawiso, oo sidaa xarrago u yaqaannaan; sida dadyowga waqooyiga Itoobiya ku dhaqan, kuwa buurallayda Mangooliya ku noollina ay yihiin kuwa ugu dharka bal-ballaadhan adduunka, miyaan damiirkoodu siinnin in ay sidaa yeellaan? Malaha dabeecadduna way khasbaysaa! Oo dabeecaddu damiirka miyay ka xoog roontahay? Haddii ay dabeecaddu damiirka ka xoog roontahay, dadyowga Yurub ee barafku albaabada ku xidhay saw kuwan horumarka cirkaa maraya maaha, miyaannu barafkan iyo ballanbalkan qabowgu dabeecaddaha aadamaha dib u dhigi kara ka mid ahayn?

Inkasta oo guud ahaanteedba carro edeg aan lagu hayn qeexid la isku raacsanyahay oo damiirka iyo doorka uu ku leeyahay go’aamada nolosha ku saabsan, haddana hadh iyo habeen waxa la iska yeel-yeellaa in wax la isku raacsanyahay ay jiraan. Mararka qaarna kuwa xoogga wayni kuwa xooga yar ayaabay ku jujuubaan sida ay iyagu rabaan. Waxaa se si wada jir ah loo wada quud-dareeyaa in jawaab laga helo, sida ay qabaan saddexda aragtiyood ee kala ah: (1) Aragtida Diintu ka qabto damiirka, (2) Aragtida cilmnaagi, ee aan diin iyo aakhiro toona shaqo ku lahayn, (3) iyo aragtida facawayn ee Falsafada.

Saddexdaasi aragtiyood ayaa midiidin loo wada yahay, ninba mid uu ka dheefaba. Haddana la iskuma diiddana in dhaqamada iyo xaddaaradaha laftoodu ay damiirka wax buuran ka dhigi karaan oo heer sare ama heer hoose gaadhsiin karaan.

Haddii aan u soo noqdo, dadka soomaalida la isku yidhaahdo, damiirkoodu muxuu wadaagaa, sideebuuse yahay? Ma yahay mid meertada nolosha ee kala duwan laga dhex arko in aannu dhagaxoobin iyo in kale? Miyuu yahay mid sida diintoodu ay damiirka iyo taqwada iskugu xidhay isaguna u taagan, oo ay ka muuqato aaminsannaanta iimaankoodu?. Damiir xalnaantu waxay ku xidhantahay inta aad famsantahay ama garashadaadu wax currinnayso ee ay degelkii hore ee abaarta ahaa inta ay ka guurto ku kale oo u cuddoon u guurrayso, iyada oo xogta sahanka kaashanaysa.

Qofka jinsiyadda soomaali ku abtirsada waxaa sida daadka u sita, dhaqanka uu ka soo gaadhay awawyaashii, ama ha xumaado ama ha wanaagsannaado’e. Waa mid aan loo aabbo yeellin waxyeello iyo wax tar midka uu leeyahay, waxa se loo dhowraa oo looga haybaddaystaa sidaa uu yahay oo keliya. Farta kuma fiiqi kartid!. Haddii reerkiinu ay reer kale takoorraan, sidaa waa in aad u taqaanno oo aanad ka dooddi Karin.

Sida ay su’aashu cilmiga iyo fikirka u soo dhowayso, ayaa damiirkana ay u dhagaxaysaa kelmadda: maxaa iga galaydu. Maxaa kaa galay iyo maxaa iga galay, miyaa lagu nabad gallaa? Haddii guriga kugu xigaa gubto, maxaa iga galay in uu gubto, dabku miyuu kaa yeellayaa? Maya ee in uu adigana dambaska kaa dhigo, wax badan qaadan maayso. Xasadka iyo walaalkaa oo aad horumarka ku garab joogsan waydaa waxay ka mid tahay damiir dhagaxowga dadka ku dhaca. Inaad wax curiso iyo in aad kii wax curinaya taageerto, wixii dhexdooda soo galaa waa ummuur aan habsamida nolosha looga baahnayn.

Maxaad ka doonaysaa nolosha in aad gaadho? Isku day in aad wanaajiso kan kugu xigga, iyo ka kaa shisheeyaba, adiguna waad wanaagsannaane. Magaalooyinka waawayn ee Somaliland waxaad ku arkaysaa dedaal badan oo shaqsi ah, dedaalladaasi waxaa ku lammaan kelmadda ‘maxaa iga galay’, oo kubka iyo bawdada laga jabay! Waddanka aad dunida kaga nooshahay, qormada qoyskaagu deganyahay, meesha aad ka xoogsato, iyo waddada u dhexaysa guriga iyo goobta aad ka tukaamaysatoba, adigaa iska leh, cid kale malaha. Damiirka wanaagsan waxaa sal u ah in aad maskaxda ku hayso, in adduunku uu yahay sida doon bad wayn dhex taagan, oo laba dabaq ah, kuwa sare iyo kuwa hoosana ay dan isku mid ahi ka dhaxayso. Dadkaaga iyo dalkaaga in aad u fekerto, ma dan aad adigu leedahaybaa mise waa mid cid kale si gaar ah u leh dahay?. Damiirku waxa uu dhagaxooobaa marka aad meertada nolsha aad u kala qaybiso dantaada iyo danno kale oo aanad shaqo iyo shuqul ku lahayn. Haddii aad in uun ka fekerto in aan waxba kaa gelin dadka iyo dalka kale oo dhan, damiir dhagaxow iska dawee!. Garashada iyo damiirka oo qalallaana kama duwana in aad darajadii aadanaha hoos uga dhacday oo aad tii xoolaha iyo ma kastada ku dhacday.

Dhammaan waan yaacaynaa, dalkiibaan ka yaacaynaa, ama la dhex yaacayaa, haddana in dan isku mid ah la leeyahay weli lama dareensanna. Haddii qof waliba waraaqda uu wax ku cunno, ama quraaradda uu biyaha ka cabbo, meel baydhsan iska dhigo isaga oo ishiisa iyo uurkiisa u dannaynaya, miyaannu indhihii kale iyo uurkii kale ee ummadan u danayn oo aan dhallaalkeena dayaxa laga soo arkeen?!

Fikirku maaha madadaallo ee waa ma huraan. Waa darajada aadanaha tan ugu saraysa ee damiirkiisana noolaysa, kana dhigta mid xumaanta iyo wanaaga kala hora oo kala sooca. Damiir dhagaxowgu ma laha cudurdaaro la aqballi karo kolnaba. Shaqada iyo horumarka laga fekerayaa ma kala yara, mid waliba bartiisuu lagama maarmaan ku yahay, waana sida silsilad isku maran oo haddii mid la dhantaallo inta kalana kala lullandoonto oo aannay muunad iyo muuqtoona yeellan doonin. Damiirku wuu noollaan karaa waannu dhiman karaa, haddaan la fekerin oo halka lagu socdo aan laga fekerin, halka laga yimidna aan aqoon laga dhaxlin.

Haddii qiimaha qofka derajada Eebe siiyay mid ka hoosyasa aadannuhu uu siiyo miyuu damiir jirayaa? Haa oo mid dhagaxoobay oo jiritaankiisa iyo jirtaan la’aantiisa annay waxba u dhaxayn ayaa jiraya.

Dabka shidan iftiinkiisaa la gartaa, dadka noolna damiirkooda horumarsan baa la arkaa.

Mustafa A. Nuur
manmustafa@gmail.com

 
Leave a comment

Posted by on December 29, 2010 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: