RSS

Xarunta siyaasadaha guud iyo Maxamed Baashe

26 Dec

Events Centre for Public Policy waa mid kale oo ka mid ah xarumaha lagu gardaadiyo garaadka qofka soomaaliga ah. Kal hore ayaa laga aasaasay magaalada Hargeysa si uu u kobciyo garashada dhallinyarta una abuuro dhaqan akhris jacayl. Alla sida loogu baahnaa se! Jimce kasta gellinka danbe waxa hoolka dhisme ingiriiska ah safaf kala danbeeya u fadhiista da yar oomman oo hilow aqooneed iyo hammi sarreeya qaba. Mahadi ha gaadho Maxamed Cumar Carte Qaalib, aasaasaha iyo maamulaha xaruntan.

Jimcihii kan ka horreeyey, 18 Diisamber, waxa marti ku ahaa Dr. Tariq Chaudry, madaxa xafiiska siyaasadda ee UNPOS Neyroobi. Tariq waxa uu si saaxiibtinimo leh uga hadlay siyaasadaha UN-ta ee ku aaddan Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hadlay arrinta Soomaalilaan. Maamulaha xarunta ayaa gunaanadkii soo jeediyey qodobbo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in 1)UN-tu Soomaalilaan ka caawiso sidii ay awood buuxda ugu heli lahayd metelidda qadiyaddeeda, iyo 2) horumarinta adeegyada bulsho. Tariq waxa uu ballan qaaday in aanu dhinaciisa waxba la hadhi doonin laakiin aakhirka isagu waa shakhsi ku dhex milan hay’ad ballaadhan oo ajendayaasheeda siyaasadeed leh.

Jimcihii kaa ka horreeyey waxa marti ku ahaa Cabdi Bile, orodyahankii soomaaliyeed. Cabdi waxa uu si qiiro leh uga sheekeeyey waayo arganimo iyo duruufo xanuun badan oo ku soo maray Yurub. Waa siddeetannadii qarnigii hore. Waa Cabdi oo dhaawac ah bil keliya dabadeedna ka qayb galaya tartan orod ah oo ka dhacaya Rome. Dhaawaca waxa kaga daran faramadhnaanta iyo hiil la’aanta. Cuntada keli ah ee wax u taraysaa waa baradho laga siin jirey jaamacad uu arday ka ahaa. Dawlad Soomaaliyeed miyaa? Adaaba sheegaya. Horta ma og tahayba in uu Cabdi soomaali xaq soomaalinnimo iyo mid islaamnimo leh yahay? Oo hadday og tahay lafteeda ma kollay sida Marookada uu ka soo jeedo saaxiibkiisa carabka ah ee tartanka kula jiraa ay u soo diraysaa wafti heer sare ah? Xitaa mayee heer dhexe ah? Maya. Ma niyad jab ka xunbaa jira in saaxiibkaagii tartanka kugula jiray dhaawac yar oo soo gaadhay dartii loo soo diro afartan dhakhtar iyo weliba diyaaraddii boqorka? Adiguna aad  afar xabbo oo baradho ah la hor fadhido barende halkeer ah?

Isaga oo sidaas ah ayuu haddana Cabdi Bile doortay in uu qushiye tunka ku qaado maagacii soomaaliyeed. In uu baskii dhiibsanaa ee orodyahannada loo diyaariyey kursiga hore iska fadhiisto oo uu halkaa qaboojiyaha hoostiisa ku cadho furfuro waxa uu ka doorbiday in uu wiilal soomaali ah la fuulo baabuur yar oo jajaban oo ay wateen. Ha iska qabaxleeyaan ilaa garoonka. Maxaa ka galay leemosiinka ay saaran yihiin caddaanka loo jibbaysan yahay? Soo marka garoonka la galo qof walba lugihiisu leemosiin ama cagodiin mid uun noqon maayaan? Jawi qiiro badan ayaa jimcahaa ku gedaannaa hoolka. Waxana qiiradaa sii kordhiyay oohintiisii markii uu ka sheekaynayey durufahaas adag. Talada Cabdi Bile waxay ahayd: Dhallinyarow raqba waa ku raggeed. Waxba ha ku marmarsoonnina ma dalbaan haynnaa? Ma waxbarashaa dalka taal? Ma shaqaa jirta? Cid naga nasiib darani malaha dunidaba ma jirto! Cabdi Bile waxa uu sheegay in laba war oo uu toddobaad gudihii ka kala helay laba qof ay noloshiisii ilaa weligeed baddeleen. War waxa uu ahaa: Waxa jira wax la yidhaa “Athletic scholarship” oo Maraykanka ayaa bixiya. Ka kalena: waxa jira wax la yidhaa “Olympics” oo sannadka 1984-ka ayaa lagu qabanayaa Chicago, USA. Labadaa war ayuu isu guntay dabadeed kala soo baxay go’aan odhanaya: Waa in aan ka qayb galaa Olympics-kaa la sheegayo si aan u helo Scholarship-kaa la sheegayo. Bes. Labadaa war ayaa u furay albaab faalal ah oo uu ka galay taariikhda orodka dunida. Markii uu dhallinyarta weydiiyey in ay waanadiisii kaga soo leexdeen erey ama laba baddeli kara noloshooduna, waxa lagaga jawaabay qosol jabiyey qiiradii iyo aamuskii shibta ahaa.

Jimcahaa Cabdi Bile waxa ka sii horreeyey mid uu lahaa Axmed Xasan Carwo, dhaqaaleyahan soddon sano ka hor ka qallin jabiyey London School of Economics. Mawduuciisu waxa uu ahaa mid aad loogu baahnaa. Saamaaynta musuqmaasuqu ku leeyahay horumarka. Illayn wax kasta oo aad muwaaddin ahaan xaq u lahayd haddaad ku waydo sabab kasta waa musuqmaasuq! Baraha afsoomaaliga, oo tusaale ahaan, Maxamed ugu qora carruurta “maxamed” waa musuqmaasuq. Wasiirrada magacooga ka wada horraysiiyey labada xaraf ee Dr. badankoodu waa musuqmaasuq. Shaqada in adeerkaaga caaqilka ama suldaanka ahi kaa wasdeeyaa waa musuqmaasuq. Shirkadda diidday in suuqa ganacsiga lagula tartamaa waa musuqmaasuq. Malaha dhaqanka soomaaliga maanta nool oo dhami waa musuqmaasuq. Axmed wax badan ayuu ka iftiimiyey ereygaa la neceb yahay iyo qeexitaankiisa cilmiga ah.

Jimcahaa kii ka horreeyey masuul ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa si qoto dheer u sharxay qaabkii ay maamulladii Soomaalilaan ee kala danbeeyey go’aannadooda u qaadan jireen. Horumarinta oo ahayd ta uu awoodda saaray waxa uu ku sheegay in go’aannadeeda qiyaas nin weyn lagu wadi jirey. Tuulo heblaayo qiyaastii waxa ku nool kun ruux, markaa waxay u baahan tahay meelahaa laba dugsi hoose! Tuulo heblaayana sannadkan abaar ba’an ayaa laga soo sheegay ee ha loo qodo laba ceel kollay intaa laasan maayaane! Sidaas ayaa lagu salayn jirey haddiiba waxqabad laga fekero. Khiyaamadaas hawl iska dhowrka ah ayaa uu sheegay Axmed Diiriye, masuulka hadalka watay, in ay rabaan ka tallaabsigeeda. Waxa looga guurayaa go’aannada xogta ku dhisan (Results based decision making).

Jimcihii kaa ka horreeyey waxa marti iyo martisooreba ahaa Maxamed Cumar Carte. Waxa uu ka hadlay arrin beryahan danbe sida daadka qunyar qunyar u sululuxanaysey naadiyada dhallinyarada. Waa ka sarraynsiinta qawaaniinta caalamiga ah xeerarka islaamka iyo dhaqanka soomaalida. UNDP-du si hawshaa ay u guntatay uga gun gaadho waxay kor iyo hoosba ugu ololaysaa in la sameeyo wax ay afka qalaad ku yidhaahdeen “Harmonization of law”.  Sideedaba wax kasta oo la rabo in laga hirgeliyo dalka, waxa loo soo maraa dhallinyar lagu dhiirrigeliyay in ay samaystaan ururro madaxbannaan. Halkaas ayaa shar oo dhan lagu baraa. Haddii musuqmaasuq laga cabanayo waa halkan dugsiga lagu tabobartaa. Waxa ka daran tayo xumada iyo waddaniyad darrada lagu barbaarinayo da yartaa. Weligay maan arag cid ka hadlaysa. Oo yaa ka hadli lahaa dawladda lafteeda ayaa qaabkooda u shaqaysee?

In dhaqankeenna iyo diinteenna la waafajiyo qaanuunka caalamiga ah waxa ka sahlan kana barako badan in qaanuunka caalamiga ah la waafajiyo dhaqankeenna iyo diinteenna. Taa ayuu Maxamed jimcahaa si mug leh dhallinyarta ugu baraarujiyey.

Jimcihii shalay, 24-kii Diisambar, waxa xarunta marti ku ahaa qoraa qallinkiisu dararan yahay aadna rib u yahay. Maxamed Baashe X. Xasan. Hore umaan arag waanse aqaanay. Waxa jira qoraa aad la yaabayso qallinkiisa laakiin haddii lagu soo horfadhiisiyo juu odhan karayn. Maxamed Baashe sidaa maaha. Sida uu wax u qoro si aad uga badan ayuu aftahan u yahay. Shan jimce oo aan ka qayb galay barnaamijkaa xarunta ka socda, waa kii ugu xiisaha badnaa. Weydiimuhu way ka badnaayeen intii hore oo xitaa salaaddii makhrib markii la tukaday ayaa dib loogu soo noqday fadhiga. Mooyi, malaha waxa laga hadlayey ayaa la wada garanayey. Mawduucu waxa uu ahaa: Doorka dhallinyaradu ka qaadan karaan horumarinta afsoomaaliga. Haddana cidiba may danayn cinwaankee dhinac walba waa loo dabbaashay. Afsoomaaligu soo bad maaha miyaa laga gayoonayaa? Haddii la is yidhaa ha laga doodo mashaakilka haysta horumarinta far soomaalida, waxa la furayaa albaab dabayl iyo dhaxan badan oo aan dib u xidhmayn.

Maxamed Baashe waxa uu si guud uga hadlay qiimaha afsoomaaliga, dabcan manuu illaawin in uu ku jiro luqadaha sii dhimanaya. Waxa uu si guudmar ah u sharxay sababta keentay in uu afsoomaaligu badbaado iyada oo aanay awoowyaasheen iyo ayeeyooyinkeen haysan qalabka casriga ah ee maanta la adeegsanayo. Waxa uu ku sheegay taas in ay sabab u ahayd koobnaanta soomaalida ee aan xadaarado kale la falgelin, qaab erey isu lammaanayn ah oo ay adeegsan jireen iyo noocyada suugaanta ee kala duwan oo ahayd sifaha keliya ee lagu ilaaliyo afka iyo dhaqanka. Dabadeed waxa uu ka hadlay maanta iyo halka uu afku marayo, mashaakilka ku gedaaman iyo aragtiyaha ay qabaan aqoonyahannada afsoomaligu ee ku aaddan mustaqbalka afka. Intaa waxa raacay weydiimo wakhti dheer socday aadna loo kala boobayey.

Inta badan weydiimuhu way isu dhadhawaayeen, waxase loo badnaa sidee ayaa loo badbaadin karaa afsoomaaliga? Taa jawaabteeda Maxamed Baashe waxa uu sheegay in aanay jirin xal kale oo aan ahayn in la abuuro mac-had lagu daraaseeyo afka iyo farta soomaaliga, isla markaana xalal joogta ah u raadiya dhammaan cabashooyinka iyo tabashooyinka badan ee farsoomaalida laga qabo. Halka laga dhisi karo mac-hadkaasi waxa ay Maxamed Baashe la ahayd Hargeysa. Dad badanna way la qabeen taas.

Maxamed waxaan weydii is lahaa laba su’aalood. Kow; marka laga yimaaddo qawaaniintii la isu raacsanaa ee la sameeyay intii Qaranka Soomaaliyeed jirey, waxa jira meelo la isu haysto oo qorayaasha laftoodu ku kala duwan yihiin. Tusaale ahaan halka uu mid ka qorayo lo’ ama da’ ama gu’ ayaa qoraa kale oo kaba qoob culusi ka qorayaa lo ama da ama gu, haddii la baadhana way badan yihiin waxaas yar yar oo kale. Maxaa inta waxqortaa ugu yaraan xal ku meel gaadh ah uga gaadhi waayeen? Mise arrinku waa inta Qaran Soomaaliyeed dib loo helayo nin walba ha ku dhegsanaado sida ay la tahay? Weydiinta labaad ee aan rabay waxay ahayd: Halkay ku danbaysey dooddii Miisaanka Maansada Soomaalidu? Ma gartii lagu qaaday qolka yar ee lagu qayilayey ayaa lagaga faraxashay? Oo maxaa diiday in si sidan ka roon loo qaado illayn waa aqoon ee gar reereed ma ahee? Nasiib darro wakhti umaan helin. Waaba la is boobayay wakhtiguna cidhiidhi ayuu ahaa.

Run ahaantii dooddaa Miisaanka Maansada anigu maan fahmin. Dadkii ka qayb qaatay qaarkoodna waxaba la mooday in ay maqaalada qaar intoo ay akhriyaan uun anna waa ikan lahaayeen. Akhristaha caadiga ah ee aan aqoon suugaaneed lahayn, sidayda, weli jahawareer ayuu ku jiraa. Waxa habboon in gari allay taqaane si sidan ka ballaadhan loo qaado.

 
Leave a comment

Posted by on December 26, 2010 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: