RSS

Diinta iyo dadkeeda

20 Dec
Qarni ku dhowaad ayaa laga joogaa markii ay hoobatay dawladdii u danbaysey ee xukunta dunida muslinku. 1924-kii ilaa maanta iyo intii u dhaxaysey marna dib uma ay suuroobin in la soo celiyo dawlad salballaadh ah oo ka talisa deegaannada muslimiinta. Laakiin wakhtigaa mid aad uga horreeyey ayay ahayd markii muslimiinta ugu danbaysey dawlad macno leh oo ummadda hor fadhiisata. Dr. Raaqib as-Sarjaani buuggiisa la yidhaa “Qisadii Tataarka” ayaa si faahfaahsan u sharraxay xaaladdii ay muslimiintu ku noolaayeen toddoba boqol oo sano ka hor, waa markii qoladii Tataarka la odhan jiray ay fuuqsadeen dad iyo duunyo waxii deggenaa dhulalka muslimiinta. Xilliyadaas ayay ahayd markay dawladdii Cabbaasiyiintuna afka dhulka dartay ee talo faraheeda ka baxday. Masar, dalalka Shaam la isku yidhaa, Xijaas iyo Yaman waxa wakhtigaa ka talin jirey Ayuubiyiinta. Galbeedka carabta iyo Isbayn, oo markaa la odhan jirey Andalus na, waxa haystey koox la baxday Dawlatul Muwaxidiin xagga ay dawladdii Khawaarismiyiinta ka hoos iman jireen inta badan dalalkii yaryaraa ee teedsanaa galbeedka Shiinaha ilaa Iiraan.
Cabbaasiyiintu waxay si baas ugu guul darraysteen in ay dunida muslinka isugu hayaan sidii la ahaa markii ay talada la wareegeen qarnigii labaad ee hijrada. Waxay u jeesteen tumasho iyo baashaal, waxay isa siiyeen wax kasta oo dadka u dhexeeyey. Cid walbana way ka xaq sheegteen. In badan ayaa laga doodaa xumaantoodii iyo samaantoodiiba, dad badan ayaana barakeeya qaar kalena way nacdalaan. Waxa abaal loogu hayaa balaayooyin ay ummadda kala soo dabbaasheen, waxase lagu nacdalaa dhaqanka maamul dhaxlidda, oo kale, oo si baas ay dhidibbada ugu aaseen.
Dhicitaankii khilaafada dabadeed, waxa bilowday dadaallo lagu raadinayo xal. Waxa soo baxay dhaqdhaqaaqa dib isu abaabulka ah ee loo yaqaan baraarugga oo gaar ahaan si weyn u hinqaday afar sano dabadeed markii uu Kamaal Ataatuurk ka faraxashay dawladdii Istanbuul. Waa markii ugu horraysey ee si dhab ah loo dareemay baahsanaanta iyo kala daadsanaanta caalamka islaamka. Sannado uun ka hor afgenbigaa Ataatuurk, 1920-kii, ayay Ciraaq ka bilaabatay aragtidii u horraysey ee ku baaqday in meel la isugu xamaan urursado, Faysal iyo Saadic al-Xusari ayay ahaayeen nimankii abuuray argtida Qawmiyadda Carabtu. Dabadeed waxa aragtidaa buunbuunisay dawladdii Bacsiga ee Saddaam iyo tii Jamaal Cabdinaasir ee Masar. Kuwani waxay u kaceen dhan isirnimo. Si walba ha ahaatee sharaftii carabta, maaha tii muslinka, waa in lagu soo celiyaa, bay qabeen, isirka carabta oo dib loo abaabulo qaab reernimona la isugu qoofalo.
Wakhti aan kaa ka durugsanayn waxa isna dhinaca kale ka socday xaamxaamasho ay koox wadaaddo ahi hor kacayeen. 1927-kii waxa la abuuray Jamciyatu shubbaan al-muslimiin, sannadkaa kii xigeyna Xasan al-Bannaa ayaa sameeyey ururka al-Ikhwaan al-muslimuun, dabadeed waxa raacay ururro kale oo ay ka mid ahaayeen al-Jamaaca al-Islaamiya oo abu-Aclaa al-Mawduudi ka unkay Baakistaan iyo mid kale oo Filisdiin ka dillaacay.
Mid saddexaad oo aad loo hadal hayo ayaa jirta oo iyada lafteedu xilligaa baraarugga la da ahayd. Waa ta ay matalaan qolooyinka loogu yeedho ama iyagu isugu yeedha Caqlaaniyiinta ama Casraaniyiinta ama Laybaraaliyiinta amaba xitaa Calmaaniyiinta. Marka si qoto dheer loo baadho ujeeddooyinka iyo falsafadaha ay dabada ku hayaan, waxa soo baxaysa in waxaas oo magac ahi isu ujeeddo yahay. Mid keliya.  Waa in diinta dib loo fasiraa. Waa in la helaa sharrax diineed kan la hayo ka waafisan kana casrisan oo nool qarniga la nool yahay. Haddii ibnu Kasiir, Qurdubi, Dabari, Mujaahid iyo Jalaaluddiin as-Suyuudi ahaayeen wadaaddada tafsiirka Quraanka waa in dunidan jirta laga helaa cid tafsiirka diinta ku salaysa xadaaradda iyo aragtiyaha ifaya ee maanta dunida hoggaaminaya. Haddii se ay Shaafici, Axmed, Anas iyo abu-Xaniifa ahaayeen madaxyabuurta fahanka diinta, waa in laga xoroobaa oo si kale loo dhigaa isla fahankaas hore ummadda u soo daashaday. Si casriyeysan.
Halkaas ayay talo la martay. Dabadeed waxa lagu beddeley kuwo ay ka mid yihiin Maxamed Arkuun iyo Maalik bin Nabi iyo Xasan Xanafi  iyo Jamaaluddiin al-Afqaani iyo Maxamed Cabdoo iyo Maxamed Camaara iyo Fahmi Huwaydi iyo qaar kaloo beryahan danbe sida ayaxa uga soo dareeray Sucuudiga. Turki ad-Dakhiil oo kale. Isku soo wada xooriyoo waxay isku raacsan yihiin laba qodob: 1) In diinta dib loo fasiro, iyo; 2) In caqliga wax walba laga sarraysiiyo, xitaa waxyiga.
Walow waxaas oo dhami tahay taariikh tafaasiisheeda maanta laga sheekeeyo aadna looga daalay, haddana waxa hubaal ah in cid kasta oo isku hawshay inay ka jawaabto weydiinta ah “Maxaa muslimiinta dib u dhigay?” ay ku soo faylayso saddexdan kooxood mid uun: 1) diintiibaa laga tagey ee ha loo noqodo (Sida ay yidhaahdeen dhaqdhaqaaqyada islaamiga ahi); 2) Carab ayaa diintu ku soo degtey ee iyaga qaab isirnimo ha loo abaabulo (Sida ay ku taliyeen carabta qawmiyiinta ahi); iyo 3) intaan diin ku muusannaabayney ayay dunidu inaga tagtee ha la casriyeeyo oo Masaajidka ha looga xoroobo sida ay Yurub ba Kaniisadda uga xorowday (Sida ay lee yihiin garaadmaalayaasha, casraaniyiinta, calmaaniyiinta ama laybaraaliyiinta ikm).
Saddexda kooxood ta dhexe saamayn siyaasadeed ma ogiye tu diineed soomaalida kuma leh. Sidaa darteed innama khusayso jawaabta ay heleen sax iyo khalad midda ay tahay. Labada kale tooda hore jawaabteedu waxa uu ahaa mid si xawli ah innoo soo galay dhammaadkii lixdanaadkii iyo horraantii toddobaatanaadkii qarnigii hore. Waxa siday niman dhowr ah oo wax ku soo bartay dalka Masar iyo qaar kale oo ka yimid Suudaan.  Maanta, ugu yaraan, Soomaaliya fikir kasta oo diineed (intooda sunniga ah) waa laga helayaa cid u jibbaysan. Markaa jawaabta hore waxay noqotay ta ugu saamaynta iyo firfircoonidaba badan gudaha Soomaaliya in ku dhow nus qarni. Waxa sidaa ka dhigay waa laba arrimood: 1) soomaalida oo sidoodaba u nuglaa dhawaaqa diinta; iyo,  2)  firfircoonida ragga fikirkan siday iyo wakhtiga ay ku soo beegmeen oo iskaashaday. Jawaabta islaamiyiintu ma ahayd tii ugu qummanayd? Halkan marka la marayo waxa si weyn la isugu khaldaa laba arrimood oo aad u kala duwan aad se isugu murugsan. Diinta iyo dadkeeda.
Diintu waa awooddaa rabbaaniga ah ee cidda sida ay tahay uga dhabaysaa dad iyo duunyaba u talinayso. Dadkuna waa intaa matalaysa ee sida ay yihiin uga turjumaya waxay rumaysan yihiin. Haddii si kale loo dhigo, waxa dhab ah hadalka aqoonyahanka soomaaliga ah ee Mustafe Xaaji Ismaaciil; “Diintu tijaabo kuma jirto ee dadkeeda ayaa tijaabo ku jira”. Jawaabtii u horraysey ee kooxda islaamiyuuntu heleen waxay ahayd mid sax ah. Maxayse u guulaysatay ama u guuldarraysatay waxay ku xidhan tahay ama ku xidhnaan kartaa cidda kolba tooshkaa sidda iyo sida ay garashadeedu tahay. Dhammaan dhaqdhaqaaqyada diiniga ah ee ka jira dunida muslinku waa dedaal qof ama qofaf sameeyeen, xumaantooda iyo guuldarradooda gaarka ahina marnaba kama turjumayso boog ku taal diinta ee waa habacsanaan iyaga laftooda ku jirta.
Kooxda u danbaysa ee ku doodda casriyeyntu, fikir ahaan Soomaalida way ku cusub yihiin. Dooddoodu waxay ka bilaabataa in mar kasta oo la isku dayo in dadka loo caqli celiyo ay la soo yaacaan magacyo dad una hayaamaan dhan xaaluf ah. U fiirso, marka la yidhaa “Casriyeynta Dunida Islaamka ha loo dhaqaajiyo dhankii ay caddaanku wax u dhaqaajiyeen” waxa ku jirta xitaa waxii ay ka yeeleen diintooda. Sidaa hadday tahay,  waxa la garab marayaan xaqiiqo cad oo sida qorraxda u ifaysa. Ugu horrayn aan isla qirno in aan diinta Islaamku la mid ahayn ta Kiristaanka, kala duwanaantaasina macne aad u weyn samaynayso ee aanay ahayn hadal la iska yidhi uun. Ta hore waa diin iyo dawlad, diin iyo dhaqan bulsho, diin iyo xeerar cilmi (waa marka ereyga diin aan u qaadanno iimaan keliya), xagga ta danbe ka ahayd (intii aan la rifin) caqiido iyo xeerciqaabeedyo bulshada xilligaa (maaha imika) noolayd lagu kala banbaaninayey. Markii danbena in ay caddaanku kaniisadda ka gilgishaan waxay ahayd damiir wanaag iyaga ku jiray waayo giddigeed waxay noqotay qodobbo bilaa nuxur ah oo ay in yar oo iyaga ahi ku xammaalato. Taas bilaa nuxurka noqotay ayaa la tuuray darteed in loo tuuro tan Islaamku waxay tusaale nool u tahay uun qaacidadii ibn Khalduun ee ahayd: “Laga badiyuhu badiyaha ayuu dabadhilif u noqdaa”, xitaa diinta.
Laba shay oo isdiiddan marka aad labadaba oggoshahay ama aad diiddan tahay waxa khasab ah in aad midkood been ka sheegayso ama aanad waxa aad ka hadlayso garanayn. Casriyeeyayaashu markay lee yihiin ‘diin iyo caqiido toona laga hadli maayo’ haddana aad aragto iyagoo leh ‘diinta iyo nolosha wax kala galay ma jiraan’, waxa suurtogal ah in caqiidada la sheegayo wax ugu dhiman yihiin ama la isyeelyeelayo oo sheydaan loo raran yahay. Diinta oo nolosha laga saaraa waa asaasaq badh muslimiinta ka mid ah ku dhacay ka dib markii ay qallaleen ee maamulka dunida laga faramaroojiyey, iyo markii ay turjumeen aadna isugu mashquuliyeen falsafaddii Yurub ee qulubsaneyd. Sida la og yahay se, diinta waxa ku cad in qofka muslinka ah ee isaga oo og laguna khasbin ikhtiyaarkiisa ugu qanca in la kala saaro caqiidada iyo shariicadu aanu islaamnimada shaqo ku lahayn. Bal eeg: “Maya, Rabbigaa baan ku dhaartee rumayn maayaan (diinta) ilaa ay iskula kaa xukun yimaaddaan waxii ay isu qabsadaan…) Suuradda an-Nisaa, aayadda 65. Ma isku midbaa in aad rumayso in uu Ilaahay ka keli ah ee xaq lagu caabbudo yahay, Muxammed-na (scw) nebigiisii yahay, dabadeed markaad nin qoonto ama inan kufsato ama duq xaddo ama kolonyo safar ah jidka u gasho ama geel dhacdo lagugu qaado xeer Ciise; iyo, in aad qirto in Ilaahay yahay ka keliya ee xaq lagu caabbudo, Muxammedna (scw) nebigiisii yahay, dabadeed marka aad intaas hore in la eg samayso maxkamad islaami ah lagu soo taago oo Quraanka, Sunnaha iyo Ijmaaca ummadda laguu fiiriyo oo halkaa saqajaannimadaad samaysay lagaaga jaro? Maya isku mid ma aha. Sinaba.
Markaa hore waxa aad tahay qof ashahaatay laakiin waxiisa iska laaqday (waxa la kala saaraa, halkan, ujeeddada qofka diinta loogu xukumi waayay), marka danbena waxaad tahay muslin ashahaatay oo waxii uu sheeganayey ficil ahaan uga dhabeeyey. Sidaas ayay u kala duwan yihiin caqiidada iyo shareecadu mana kala maarmaan, waana taa ta islaamku yahay ahaanna doonaa.
Marka laga hadlayo baaqa ay islaamiyiintu ku dhegsan yihiin ee ah in gadaal iyo 14 qarni dib loo jalleeco, dib u hayaamid sida loo dhigayo ah ma aha. Waxa si habboon u yidhi Cabdiraxmaan Sheekh Xasan “Musaabaqo”; “Waxa dib naruuro ay reer Yurub uga heleen qoralaadii Plato iyo Aristotle. Ka hadli mayno in Dimuquraadiyaddu tahay nidaam wanaagsan oo lagu noolaan karo iyo in kale, bal se midhka ay tahay in aynu tilmaannaa waa in reer Yurub dib u dhaqaaqeen si ay hore ugu socdaan. Haddii doodda sidaas u taalla aad igu raacdo, oo aynaan wakhtina isaga lumin in uu Islaamku yahay nidaam lagu wada noolaan karo iyo in kale, maxaa ku jaban in girgirihii lagu diirsaday 14 qarni oo kaliya ka hor, oo welina ka sii qiiqaya Istanbul, maanta dib looga baadhbaadho Madiina iyadoo la sii hakanayo Lahore ama Qaahira?”. Wax allaale iyo wax ku jaban ma jiro.
Garaadmaalayaashu isla marka ay ku doodayaan in guriga albaabada iyo daaqadahaba loo furo ayay albaadada, daaqadaha iyo xitaa faamalaydhadaba jufayaan. Bal u fiirso! In diinta afsoomaali lagu qoraa maxay ka dhigan tahay? Horta diinta la sheegayaa sideedaba waa saddex uun: Quraanka, Sunnaha Nebiga (scw) iyo fahanka labadaa lagala soo baxo oo ereybixintiisa sharciga ah loo yaqaan Ijmaac. Bes. Labada hore haba yaraatee wax laga beddeli karaa ma jiro, fahanka se muslin kastaa waa uu ku casuuman yahay. Haddaba diinta sidee ayaa la lee yahay afsoomaali ha loogu qoro? Ma Quraanka oo sidaas inoo soo eegaya ayaan isku daynaa in erey walba erey u dhigma oo afsoomaali ah u helno! Haddii aad akhriday buugga lagu ururiyey gabayadii carabtii reer miyiga ahayd ee al-Mucallaqaat as-Sabc, waxa aad garan karaysaa sida uu Quraanku gaarka u yahay. Kuwaas ayaa wax u dhow keeni kari waayey. Cid karaysaana ma jirto. Waxa la yidhi haddii aftahannimada dunida taal oo dhan la isku daro lama heli karo mid u dhiganta “Walakum fil qisaasi xayaatun yaa ulil albaabi lacallakum tat-taquun” Suuradda Baqara, aayadda 179.
Haddii aanay taas ujeeddadu ahayn waxay noqon kartaa laba kale mid uun. Kow, in la yidhaa sida aayaddaa kor ku taal oo kale uun xuruuftii carabiga ahayd soomaali halaga dhigo; iyo laba, in la yidhaa macneheeda oo afsoomaali ah uun ha la qoro. Labaduba run ahaantii waa wax lala yaabo. Sida hore, markaaba waxa la is weydiinayaa  “Oo maxaa la soo kordhiyey?” Haddii laga tegi waayo dad badan oo Quraanku marka uu carabiga yahay ku adkaa uunbaa loo fududeeyey laakiin macno iyo fahan toona wax loogama tarin. Haddii sida danbe la yidhaahdo na, dee taasi waa buux oo dunida af walba waa lagu turjumay Quraanka.
Waxase yaab kuu imanayaa marka haddana aad maqasho “Carab badan diintu waxay u tahay hayb isir, hayb af iyo arrimo kale oo iyaga u gaar ah”. Haa waa sax, laakiin inta aanad kaa diinta haybta isir, haybta af  iyo arrimaha kale u haysta u jawaabinba ayuu Quraanku u jawaabayaa “Inna akramakum cindallaahi atqaakum” Oo haddana Nebigu (scw) la hadlayaa “Laa farqa li cajamiyin calaa carabiyin illaa bit-taqwaa”. Dabadeed garashada hagaagsani waxay odhanaysaa: Qushi, wuxuu doono ha u haysto haddaan dammaanaddaa ka haysto Ilaahii waxanba abuuray. Malaha haddii Casriyeeyaha fikirka furan loo sheegto dhulka uu ku taagan yahay waxa uu isu dayi lahaa inuu uga kaco! Illayn diintiiba waa kan leh dad baa hayb isir iyo hayb af iyo arrimo kale u haysta ee sidaa ku saluugaye. Markaas ayaad garanaysaa inuu hayo waxa faranjiga lagu yidhaahdo Inferiority Complex.
Mar haddiise garaadmaalayaashu ay ku dhiirran waayeen fahanka Quraanka laftiisa, waxba yaanay dadka ku harowsan maskaxda ruxruxa. Cidna kaama xigto xalaasha iyo xaaraanta ee adba baro diintana ha u xantafaynin cid baa naga xuurtaysatay. Haddii ay jirto cid fusuq iyo faasuq ku sheegtay fanka, farshaxannimada, fannaanimada iyo furfurnaanta bulsho intuba way furan yihiin ee albaabkooda uun ha laga soo galo. Mar labaad,  haddii ay jirto cid tidhi diin keli ah ayaa lagu kaaftoomi karaa waa run oo diinta lafteeda ayaa beri hore u sheegtay “…Walaa tansa nasiibaka mina dunyaa…” Suuradda al-Qasas, aayadda 77, sidaa darteed waxbaba ugama baahna halkudhegyada cid kale koolkoolinayso.  Mar saddexaad, haddii ay jirto cid tidhi ilbaxnimada caddaanka sideeda ha loo tuuro, waxa beeninaya muslimiintii diinta ka dhab sheegay ee iyaga oo bari iyo galbeedba wax ka baranaya haddana rumaysnaa “…Wa antumul aclowna in kuntum mu’miniin” iyo “Watilkal ayaamu nudaawiluhaa bayna naas…”. Shalay idinka ayay ahayd, maanta waa galbeed berrina waa loo siman yahay. Haa, waa sidaa. Mar walba tartanku wuu furan yahay mar walbana cidda nool iyo camalkeeda weeyaan.
Diinta inay wax walba ku jiraan iyo in kale ayaa aad looga doodaa. Si taas loo fududeeyo waxa habboon in aan laba u kala saarno: Ma waxii iimaan iyo wax maqan ku saabsan? Mise waxii qawaaniin iyo nolol adduun ku xidhan? Ta hore dood sidaas ahi kama jirto. Waxii qawaaniin iyo nolol adduun ah, Islaamku waxa uu u dhigay qaaciidooyin guud oo wax ka baxsanayaa aanu jirin. In cilmiga meel kasta loo doonto iyo in quwadda adduunka ugu weyn la samaysto iyo in abuurka Ilaahay loo fiirfiirsado oo fahan lagala baxo iyo in ummadaha diimaha kale haysta horumarka iyo hoggaanka dunida lagula tartamo dhammaan waxaas iyo wax kaleba way ka buuxaan Islaamka. Taas ayayna tilmaamaysaa aayadda leh “Waxba kagamaannaan tegin Quraanka…”. Garaadka ma galayso in shay kasta oo dunida jira ama jiri doona 600 oo bog midh midh loogu tiriyo. Waxase Quraanku u koobay si aanu bani aadanku karayn. Waa taas sababta loo sameeyay waxa loo yaqaan Ijtihaadku.
In qawaacid la raaco xikmadda ku jirta waxa aad dareemaysaa, tusaale ahaan, dhowaan markii la qabqabtay budhcad badeedda soomaalida ah ee Yurub tii ilbaxa ahayd isku dayday inay xukunto, meel ay u ciirsato ayay waydey. Mabuu jirin sharci ka yaalla budhcad badeed oo qawaaniintooda ku qorraa. Laakiin wadaadka itaalka daran ee la yaraysanayaa waxa uu hayaa sharcigii lagu xukumi lahaa (iyada oo aanay jirin aayad ama xadiis si toos ah u sheegtay budhcad badeeddu)  waxa kale oo uu uu hayaa xalal kale oo badan oo aanay hayn kuwa waaweyn ee laga haybadaysanayaa. Halkaas ayay ku jirtaa sirta ah in wax walba diinta ku jiro.
Isu soo duuboo, diinta oo qudha in xalka laga raadiyaa may ahayn nasiibxumo, waxase nasiibxumo ahayd daldaloollada ku jiray cidda ka raadisay iyo siday uga raadisay. Nasiibxumada taas ka sii daran na waa  in diinta dadkeedii dafiraan, cadow ku noqdaan, jidgooyeeyaan oo kolba kob gaaban ka soo tuuryeeyaan. Doodda odhanaysa “Qarni dhan dabadeed baaqii ahaa diinta ha loo  noqdo weli midho lagama goosan” na, waxay ku eg tahay uun dahaadhka saree mushkiladda ee marnaba ma taabanayso ubucda iyo halkay sartu ka qudhuntay. Mid baana jirta, Casriyeynta Dunida Muslinka ee lala ham iyo digleynayaa inta ay ku salaysan tahay falsafadda reer galbeedka ee caqli caabbudka ah (ujeeddadu maaha sarraysiinta garaadka, sida lagu andacoonayo, ee waa ilaahaynta iyo caabbudidda caqliga),  ama ay adeegsanayso ereyada maldahan ee sida xabaasha u madow, amaba ay ka warwareegayso in ay mashruuceeda casriyeyneed si buuxa u soo bandhigto,  iyada lafteeda ayaa ku jirta nolosha uu tilmaamayo erey diineedka ah “barsakh”. Aragiyahaa galbeedaysan na sida uu yidhi Daniel Pipes*, taariikhyahanka maraykanka ah ee Islaam nacaybka ku caan baxay, lagulama dagaallami karo islaamiyiinta.
Ugu danbayn mid bay tahay in ay maskax feejigan ku eegto cid kasta oo danaysa dhaqdhaqaaqa fikir (gaar ahaan diineed) ee soomaalidu. Waxa weeyi, muddo aad u dheer doodda iyo wax isku sheegga soomaalidu waxa uu si weyn ugu tiirsanaa hadalka, ha la duubo ama toos ha la dhegaysto e, laakiin tobankan sano ee hadda dhammaanaya waxa si xawli ah u soo kordhay farriinta lagu tebiyo dhigaalka. Ilaa hadda, sida ii muuqatana, dhinac keliya ayaa awoodda ugu badan leh. Dhinacani, run ahaantii, wax aad u badan ayuu soo kordhiyey aqoon buuranna waa uu leeyahay, sidaa darteed in la soo dhaweeyo ayuu mudan yahay. Haddiise la waayo cid kefedda dhinaca kale istaagta, maqluubka ayaa laga rogmayaa.
*Muddo 2 sanno ah oo aan Dr. Pipes mailing list-kiisa ku jiray, waa waraysigii ugu horreeyey ee aan la yaabay sida uu meelaha qaar runta uga sheegay,  gaar ahaan dooddiisa ku aaddan islaamka iyo islaamiyiinta. Eeg http://www.danielpipes.org/9130/islamism-europe.
 
Leave a comment

Posted by on December 20, 2010 in Uncategorized

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: